Ciidanka Laftagareen oo la wareegay degmadii labaad kadib dagaalkii maanta
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada Laftagareen ayaa la wareegay degmada Buurhakaba kadib weerar maanta.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dagaal qaraar oo ka dhacay gudaha Buurhakaba ayaa waxaa kadib maleeshiyaadka u suuragashay inay si buuxda gacanta ku dhigaan degmadaasi ooq qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Sidoo kale, muuqaalo ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo wasiirro ka tirsan maamulkii Lafta-gareen oo ku sugan bartamaha magaalada, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhacay halkaasi, waxayna xaqiijiyeen inay la wareegeen maamulka degmada.
- Waxaa kale oo ay ciidamada Laftagareen soo bandhigeen maxaabiis ay sheegeen inay ku qateen dagaalkii saaka, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegadaas, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya.
- Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daareemayaa gudaha iyo daafaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda ciidamada hore ee ku sugnaa Buurhakaba?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Laftagareen ayaa la sheegay inay soo bandhigeen maxaabiis ay ku qateen dagaalkii saaka.
- Buurhakaba oo qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Waa degmadii labaad oo todobaad gudihiisa u gacan gasha ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Buurhakaba (Caasimada Online) – Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo saaka weerar ku qaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa la wareegay gacan ku haynta degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Dagaal qaraar oo ka dhacay gudaha Buurhakaba ayaa waxaa kadib maleeshiyaadka u suuragashay inay si buuxda gacanta ku dhigaan degmadaasi ooq qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, muuqaalo ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo wasiirro ka tirsan maamulkii Lafta-gareen oo ku sugan bartamaha magaalada, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhacay halkaasi, waxayna xaqiijiyeen inay la wareegeen maamulka degmada.
Waxaa kale oo ay ciidamada Laftagareen soo bandhigeen maxaabiis ay sheegeen inay ku qateen dagaalkii saaka, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegadaas, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daareemayaa gudaha iyo daafaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Waa degmadii labaad oo todobaad gudihiisa u gacan gacan gasha ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kuwaas oo Jimcihii la wareegay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay oo iyana qiyaastii 90 KM u jirta magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
La wareegidda degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo la xiriira loollanka hoggaanka maamulka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dhinacyada isku haya maamulka.
Tallaabadan ayaa cadaadis hor leh ku abuuri karta hoggaanka siyaasadeed ee hadda ka jira Koonfur Galbeed, iyadoo xaaladda degmada iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada ay u baahan yihiin in si dhow loola socdo.
Si kastaba, Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin madax-bannaan oo laga hayo qaabka uu garabka Lafta-gareen ugu suurtagashay la wareegidda degmada iyo halka ay ku sugan yihiin ciidamadii hore ugu sugnaa. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay la wareegidda.
Koonfur Galbeed ayaa horay uga digtay qorshaha ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen, gaar ahaan inay weerarro ka fuliyaan deegaannada kale ee maamulkaasi, iyadoo sheegtay inay ku fashilmeen isku dayo ay ka sameeyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Laftagareen ayaa la wareegay degmada Buurhakaba kadib weerar maanta. Tani waxay calaamad u tahay in ay tani tahay degmadii labaad ee ay ciidamadaasi qabsadaan todobaad gudihiisa.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Laftagareen ayaa la wareegay degmada Buurhakaba kadib weerar maanta.
- Ciidamada Laftagareen ayaa la sheegay inay soo bandhigeen maxaabiis ay ku qateen dagaalkii saaka.
- Buurhakaba oo qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Waa degmadii labaad oo todobaad gudihiisa u gacan gasha ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada ah in maxaabiis la qabtay.
- Ma jiraan wax hadal ah oo rasmi ah oo ka socda dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xaaladda.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay la wareegidda.
Gunaanadka akhristaha
Ciidamada Laftagareen ayaa sameeyay guulo waaweyn oo dhul ah Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda ciidamada hore ee ku sugnaa Buurhakaba?
- Maxay noqon doonaan saameynta siyaasadeed ee la wareegiddan maamulka Koonfur Galbeed?
- Ma jiraan howlgal militari oo socda deegaanada kale?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · laftagareen · wareegay · labaad
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada