Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose ku Dilay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab
Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare oo kooxdaas ka tirsanaa. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarajiyay […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare oo kooxdaas ka tirsanaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogahan ayaa door weyn ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka, isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka muhiimka ah ee kooxda u qaabilsanaa abaabulka howlaha ay ka fulin jireen deegaannadaas.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay waardiyihii gaarka ahaa ee horjoogaha, iyadoo ciidamada ay si guul leh u soo afjareen bartilmaameedkii ay ku beegsadeen xubnahan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan