Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka degay degmo ka tirsan Galmudug iyo ujeedka safarkiisa
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiRa’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaDhanka kale waxaa kulanka dib u heshiisiinta ah la filayaa inay ka qayb-galaan bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan waxgaradka beelaha, si ay goobjoog ahaadaan heshiiska lagu gaarayo halkaasi.
- Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Balanballe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale.
- Ujeedka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah inuu ka qayb-galo gogol nabadeed oo taalla Balanballe, taas oo lagu soo afjarayo colaad beeleed muddo ka taagneyd degmadaasi.
- Ra’iisul wasaaraha waxaa kaga sii horreeyay Balanballe mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo Taliye Mahad Salaad oo shalay booqday ciidamo ka tirsan NISA oo uu tababar uga socdo halkaasi, isagoo inta uu kormeerka ku jiray la kulmay ciidamada tababarka qaadanaya, wuxuuna kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan ballanta ay u qaadeen difaaca dalka, dadka iyo diinta.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee lagu qaadi doono inta lagu jiro gogosha nabadeed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ujeedka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah inuu ka qayb-galo gogol nabadeed oo taalla Balanballe, taas oo lagu soo afjarayo colaad beeleed muddo ka taagneyd degmadaasi.
- Waxaa kulanka dib u heshiisiinta ah la filayaa inay ka qayb-galaan bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan waxgaradka beelaha, si ay goobjoog ahaadaan heshiiska lagu gaarayo halkaasi.
- Xaaladda guud ayaa hadda ah mid deggan, waxaana haatan qorshaha uu yahay in la guda galo dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu soo afjarayo colaadaha ka taagan gobollada dhexe.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Balanballe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah inuu ka qayb-galo gogol nabadeed oo taalla Balanballe, taas oo lagu soo afjarayo colaad beeleed muddo ka taagneyd degmadaasi.
Ra’iisul wasaaraha waxaa kaga sii horreeyay Balanballe mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo Taliye Mahad Salaad oo shalay booqday ciidamo ka tirsan NISA oo uu tababar uga socdo halkaasi, isagoo inta uu kormeerka ku jiray la kulmay ciidamada tababarka qaadanaya, wuxuuna kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan ballanta ay u qaadeen difaaca dalka, dadka iyo diinta.
Dhanka kale waxaa kulanka dib u heshiisiinta ah la filayaa inay ka qayb-galaan bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan waxgaradka beelaha, si ay goobjoog ahaadaan heshiiska lagu gaarayo halkaasi.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa go’aanno adag uga soo saartay colaadihii ka taagnaa gobollada dhexe, kadib markii uu amarro la siiyay ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo ka hortegoay dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee deegaanada Galmudug.
Xaaladda guud ayaa hadda ah mid deggan, waxaana haatan qorshaha uu yahay in la guda galo dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu soo afjarayo colaadaha ka taagan gobollada dhexe.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay mas'uuliyiinta deegaanka, wuxuuna ka qayb-galay gogol nabadeed oo lagu xalinayo colaad beeleed muddo dheer socotay.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
- Ujeedka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah inuu ka qayb-galo gogol nabadeed oo taalla Balanballe, taas oo lagu soo afjarayo colaad beeleed muddo ka taagneyd degmadaasi.
- Waxaa kulanka dib u heshiisiinta ah la filayaa inay ka qayb-galaan bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan waxgaradka beelaha, si ay goobjoog ahaadaan heshiiska lagu gaarayo halkaasi.
- Xaaladda guud ayaa hadda ah mid deggan, waxaana haatan qorshaha uu yahay in la guda galo dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu soo afjarayo colaadaha ka taagan gobollada dhexe.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira gogosha nabadeed.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada ku lugta leh colaad beeleedka oo ku jira maqaalka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamza ee Balanballe waxay muujinaysaa dadaallada socda ee lagu xalinayo colaad beeleedyada bartamaha Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee lagu qaadi doono inta lagu jiro gogosha nabadeed?
- Sidee ayey ka qaybgalka bulshada deegaanka u saameyn doontaa habka dib-u-heshiisiinta?
- Maxay yihiin tallaabooyinkii hore ee dowladda ay qaaday si ay u xalliso colaad beeleedyada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galmudug · xamza · iisul
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada