Dagaalka Tigray: Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Indhaha lagu Hayo Kaalintooda Xiisadda Itoobiya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaallada dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo doorka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga uu soo jiitay indhaha siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha gobolka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWuxuu sidoo kale ku baaqay in la joojiyo colaadaha, la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana ixtiraamo heshiiskii nabadeed ee Pretoria.
- Go’aan la gaarayDagaalladan ayaa khatar gelinaya heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii u dhexeeyey dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrayga.
- Labadan dal ee Khaliijka ayaa dano istaraatiiji ah ku leh Geeska Afrika, hase yeeshee mowqifyadooda ku aaddan xiisadda Itoobiya way kala duwan yihiin.
- Imaaraadka ayaa si cad u muujiyey taageerada uu u hayo dowladda federaalka Itoobiya, halka Sacuudi Carabiya aanay weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada cusub, inkasta oo ay hore uga qayb qaadatay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayey khilaafaadka gobolka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Imaaraadka qaadi doono si uu u taageero dowladda Itoobiya?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa muujiyey taageerada uu u hayo dowladda federaalka Itoobiya iyadoo dagaallo dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray.
- Sacuudi Carabiya aanay weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada cusub.
- Imaaraadku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la joojiyo colaadaha, la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana ixtiraamo heshiiskii nabadeed ee Pretoria.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo doorka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ee xaaladda Itoobiya uu soo jiitay indhaha siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha gobolka.
Labadan dal ee Khaliijka ayaa dano istaraatiiji ah ku leh Geeska Afrika, hase yeeshee mowqifyadooda ku aaddan xiisadda Itoobiya way kala duwan yihiin.
Imaaraadka ayaa si cad u muujiyey taageerada uu u hayo dowladda federaalka Itoobiya, halka Sacuudi Carabiya aanay weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada cusub, inkasta oo ay hore uga qayb qaadatay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayey khilaafaadka gobolka.
Dagaalladan ayaa khatar gelinaya heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii u dhexeeyey dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrayga.
Xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale kordhinaya walaaca laga qabo in colaadda hadda taagan ay isu beddesho iska horimaad ballaaran oo saameeya dalal kale oo gobolka ah.
25-kii Sebtembar 2026, Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyey weerarro uu sheegay inay TPLF iyo kooxo hubeysan oo xulafo la ah ku qaadeen ciidamada federaalka Itoobiya, iyo qabsashada garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Tigray. Imaaraadku wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyey dagaallada ku fiday deegaannada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa muujiyey garab-istaagga dowladda iyo shacabka Itoobiya, isagoo adkeeyey taageerada dalkiisu u hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Itoobiya.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la joojiyo colaadaha, la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana ixtiraamo heshiiskii nabadeed ee Pretoria.
Mowqifkaasi wuxuu muujinayaa in Abu Dhabi ay taageersan tahay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo dhinaca kalena ku baaqaysa dejinta xiisadda iyo wada-hadal.
bayaanka Imaaraadku ma caddaynayo inuu dowladda Itoobiya siinayo kaalmo militari oo la xiriirta dagaallada cusub, mana jiro xog dadweyne oo xaqiijinaysa inuu awood u yeeshay inuu dhinacyada dagaallamaya ku qanciyo joojinta colaadda.
Imaaraadka ayaa dano dhaqaale iyo ganacsi oo muhiim ah ku leh Geeska Afrika, ayadoo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay maamusha dekedda Berbera ee Soomaaliya, waxaana sannadkii 2025 la bilaabay marin maraakiib oo isku xira Berbera iyo dekedda Jebel Ali ee Imaaraadka.
Xariirkaasi wuxuu abuuri karaa waddo ganacsi oo u adeegta suuqyada gudaha ee gobolka, oo ay ku jirto Itoobiya oo aan lahayn bad ay si toos ah uga soo degto badeecadaha.
Itoobiya ayaa tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay sannadkii 1993 si weyn ugu tiirsanayd dekedaha Jabuuti si ay ula macaamisho suuqyada caalamka, xaaladdaas ayaana qayb ka ah sababaha ay Addis Ababa muhiimad u siiso marin-badeedka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka.
Dhanka Sacuudi Carabiya,ma jiro bayaan rasmi uu ka soo saaray dagaallada cusub ee Tigray, balse boqortooyadu waxay hore uga qayb qaadatay dadaallo lagu doonayey in lagu dejiyo xiisadaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo dhinacyada kale ee gobolka.
Bishii Nofeembar 2025, warbixin ay baahisay xarunta cilmi-baarista Chatham House ayaa sheegtay in ilo xog-ogaal ahi ay sheegeen in Sacuudi Carabiya ay soo bandhigtay dhexdhexaadin u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, xilli ay sii kordhayeen khilaafaadka ku saabsan marin-badeedka iyo amniga gobolka.
Falanqayn uu machadka Jarmalka ee SWP soo saaray bishii Juun 2026 ayaa tilmaantay in dadaalladii hore ee dhexdhexaadinta ay fashilmeen, iyadoo mid ka mid ah caqabadaha waaweyn uu ahaa inaan si buuxda looga wada xaajoon danaha Itoobiya ee ku aaddan dekedda Casab ee Eritrea.
Sacuudi Carabiya waxay muhiimad gaar ah siisaa amniga Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhoofinta shidaalka boqortooyada.
Warbixino falanqayn ah ayaa sidoo kale tilmaamay in Sacuudi Carabiya iyo Masar ay dano amni oo qaarkood la jaanqaadaan mowqifka Eritrea, gaar ahaan marka laga hadlayo hamiga Itoobiya ee helitaanka marin-badeedka Badda Cas, balse arrintaasi ma caddaynayso in Sacuudiga uu taageero militari siinayo Eritrea ama TPLF dagaallada hadda socda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo doorka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga uu soo jiitay indhaha siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha gobolka.
Qodobada muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa muujiyey taageerada uu u hayo dowladda federaalka Itoobiya iyadoo dagaallo dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray.
- Sacuudi Carabiya aanay weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada cusub.
- Imaaraadku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la joojiyo colaadaha, la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana ixtiraamo heshiiskii nabadeed ee Pretoria.
- Dagaalladan ayaa khatar gelinaya heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiro bayaan rasmi oo ka soo baxay Sacuudiga oo ku saabsan dagaallada cusub.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
Gunaanadka akhristaha
Imaaraadka ayaa taageeraya dowladda Itoobiya halka Sacuudiga uu ka aamusan yahay dagaallada dib u cusboonaaday ee Tigray.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Imaaraadka qaadi doono si uu u taageero dowladda Itoobiya?
- Sidee ayay dagaallada dib u cusboonaaday u saameyn doonaan xaaladda bani'aadamka ee Tigray?
- Waa maxay doorka Sacuudiga ee mustaqbalka ee khilaafka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · tigray · imaaraadka · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada