Dagaalkii Bab al-Mandab oo u muuqda in lagu kala adkaaday
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa isaga baxay fariisimo muhiim ah oo dul-saaran marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, taas oo kooxda Xuutiyiinta siisay awood dheeraad ah oo ay ku maamuli karaan aagga kaddib dagaallo qaraar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ciidamada Koonfureed (Southern Armed Forces), oo taageero ka hela Sacuudi Carabiya isla markaana garab-taagan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ayaa Axaddii shaaciyay in ay “dib-u-dejin” ku sameeyeen ciidamadoodii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Dhubab iyo deegaannada ku hareereysan Bab al-Mandab, si ay u xoojiyaan difaaca caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan.
- “Tallaabadan waxaa loo qaaday iyadoo lagu saleynayo mudnaanta sugidda amniga caasimadda Cadan iyo gobollada deriska la ah, iyo sidoo kale xoojinta jiidda hore ee dagaalka iyo ka hortagga khataraha jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamadaas.
- Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah ayaa bixisay sheeko taas ka duwan.
- Ilo-wareed milatari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Saba ee ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in xoogaggoodu ay si khasab ah uga saareen ciidamada uu Sacuudigu taageero deegaannada Dhubab iyo Bab al-Mandab, kaddib markii ay ka jareen waddooyinkii sahayda ee dhanka dambe, taas oo ku qasabtay in ay u firxadaan dhanka Cadan.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku saabsan gacan ku haynta marinka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo ganacsi.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee ka bixitaanka xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ku saabsan khilaafka Yemen?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa isaga baxay fariisimo muhiim ah oo dul-saaran marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.
- Ciidamada Koonfureed (Southern Armed Forces) ayaa Axaddii shaaciyay in ay “dib-u-dejin” ku sameeyeen ciidamadoodii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Dhubab.
- Kooxda Xuutiyiinta oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah ayaa bixisay sheeko taas ka duwan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Cadan (Caasimada Online) – Xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa isaga baxay fariisimo muhiim ah oo dul-saaran marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, taas oo kooxda Xuutiyiinta siisay awood iyo gacan-sarreyn ballaaran oo ay ku maamuli karaan albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas, kaddib dagaallo qaraar oo socday dhowr toddobaad.
Ciidamada Koonfureed (Southern Armed Forces), oo taageero ka hela Sacuudi Carabiya isla markaana garab-taagan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ayaa Axaddii shaaciyay in ay “dib-u-dejin” ku sameeyeen ciidamadoodii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Dhubab iyo deegaannada ku hareereysan Bab al-Mandab, si ay u xoojiyaan difaaca caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan.
“Tallaabadan waxaa loo qaaday iyadoo lagu saleynayo mudnaanta sugidda amniga caasimadda Cadan iyo gobollada deriska la ah, iyo sidoo kale xoojinta jiidda hore ee dagaalka iyo ka hortagga khataraha jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamadaas.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah ayaa bixisay sheeko taas ka duwan.
Ilo-wareed milatari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Saba ee ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in xoogaggoodu ay si khasab ah uga saareen ciidamada uu Sacuudigu taageero deegaannada Dhubab iyo Bab al-Mandab, kaddib markii ay ka jareen waddooyinkii sahayda ee dhanka dambe, taas oo ku qasabtay in ay u firxadaan dhanka Cadan.
Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sidoo kale werisay in ciidamadoodu ay fuliyeen howlgal dhabar-jabin ah oo ku fidsan dhul buuraley ah oo dhererkiisu ka badan yahay 60 kiiloomitir oo u dhexeeya gobollada Tacis iyo Laxij, halkaas oo ay ka eryeen ciidamada ka soo horjeeda ee ku sugnaa agagaarka garoonka Dhubab, duleedka Kahbub iyo nawaaxiga Bab al-Mandab.
Isbeddelladan u dambeeyay ayaa Xuutiyiinta u gacan gelinaya awood dheeraad ah oo ay ku saameyn karaan marinka Bab al-Mandab, oo ah mid ka mid ah marinnada biyaha ee ugu muhiimsan ganacsiga adduunka. Marinkan ayaa isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan, isagoo sii gala Kanaalka Suweys.
Warbaahinta xiriirka la leh Sacuudiga ayaa ku warrantay in ka bixitaanku uu ahaa go’aan xeeladeysan oo lagu difaacayo Cadan, laguna xoojinayo difaacyada gobolka Laxij, isla markaana fursad u abuuraya in la jabiyo go’doonka saaran magaalada Tacis.
Sidoo kale, ilo-wareed ka tirsan madaxtooyada Yemen ayaa u sheegay wargeyska Asharq Al-Awsat in ciidamada loo raray goobo leh faa’iidooyin istiraatiiji ah oo ka wanaagsan kuwii hore, isla markaana aanay ka dhignayn in laga tanaasulay jiidda xeebta.
Afhayeenka milatariga dowladda Yemen, Kornayl Majed al-Nuzaili, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan ka geysato sidii dowladda loogu soo celin lahaa gacan-ku-haynta marinkaas muhiimka ah.
“Beesha caalamku waa in ay qaadataa mas’uuliyaddeeda oo ay ka qeyb qaadataa howlgalka xoreynta, marka la eego muhiimadda haybadda leh ee uu marinkani u leeyahay amniga badaha iyo ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Kornayl al-Nuzaili.
Dagaallo culus iyo gantaallo la qabtay
Ka bixitaankan ayaa dhabar-jab ku ah dowladda Yemen iyo xulafadeeda Sacuudiga, kuwaas oo horay u qaaday rogaal-celin ay ku doonayeen in ay dib ugu qabsadaan dhul ay Xuutiyiintu ka qabsadeen xeebta Badda Cas ee Yemen.
Dhacdo kale oo taas ka madax-bannaan, wakaaladda wararka ee Sacuudiga (SPA) ayaa Axaddii shaacisay in isbahaysigu uu hawada ku burburiyay labo diyaaradood oo aan duuliye lahayn (Drones) oo ay Xuutiyiintu ku soo rideen dhanka gobolka Makka.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa weerar ballaaran oo ay Xuutiyiintu qaadeen bishii Sebtembar, kaas oo ay ku qabsadeen deegaanno ku yaalla xeebta galbeed ee Yemen, oo ay ku jiraan goobo u dhow magaalada dekadda leh ee istiraatiijiga ah ee Mokha.
Ciidamada dowladda oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya Sacuudiga ayaa rogaal-celin sameeyay bishii Oktoobar, waxayna bilowgii dib u qabsadeen Dhubab iyo marinka, balse way ku guuldareysteen in ay Xuutiyiinta ka saaraan Mokha iyo deegaannada kale ee xeebta.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale horumar ka sameeyay dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Cadan, taas oo kordhisay cabsida laga qabo in dagaalku ku sii fido saldhigga ugu weyn ee dowladda ee koonfurta.
Dhanka kale, dib-u-dejintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Xuutiyiintu ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan magaalada Tacis—oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Yemen—taas oo ay kooxdu go’doominaysay in ka badan hal bil.
Warbixinno ay baahiyeen Al Jazeera iyo Reuters ayaa tilmaamaya in magaalada laga hor istaagay gargaarkii bani’aadannimo, dadka rayidka ahna lagu soo rogay xayiraado u diidaya in ay ka baxaan.
Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa ka digtay in dagaalku uu gaaray xerada qaxootiga ee Kharaz oo ku taalla gobolka Laxij, taas oo halis weyn gelisay nolosha ku dhowaad 9,600 oo qof, isla markaana sii adkeysay in la gaarsiiyo gargaar.
Sida lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobay, ku dhowaad 330,000 oo qof ayaa ku barakacay dalka Yemen tan iyo markii ay dagaalladu sii xoogeysteen bishii Agoosto, iyadoo ku dhowaad 48,000 oo ka mid ah ay barakaceen toddobaadyadii la soo dhaafay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa isaga baxay fariisimo muhiim ah oo dul-saaran marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, taas oo kooxda Xuutiyiinta siisay awood dheeraad ah oo ay ku maamuli karaan aagga kaddib dagaallo qaraar. Ciidamada Koonfureed ayaa shaaciyay in ay dib-u-dejin ku sameeyeen si ay u xoojiyaan difaaca caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan.
Qodobada muhiimka ah
- Xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa isaga baxay fariisimo muhiim ah oo dul-saaran marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.
- Ciidamada Koonfureed (Southern Armed Forces) ayaa Axaddii shaaciyay in ay “dib-u-dejin” ku sameeyeen ciidamadoodii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Dhubab.
- Kooxda Xuutiyiinta oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah ayaa bixisay sheeko taas ka duwan.
- Afhayeenka milatariga dowladda Yemen, Kornayl Majed al-Nuzaili, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan ka geysato sidii dowladda loogu soo celin lahaa gacan-ku-haynta marinkaas muhiimka ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu sheegayaa eedeymo ka yimid labada dhinac, laakiin ma jiraan xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dhinaca Xuutiyiinta oo ku saabsan eedeymaha ay soo jeediyeen Ciidamada Koonfureed.
- Tirakoobka khasaaraha ama natiijooyinka gaarka ah ee dagaallada lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Bab al-Mandab ayaa isbedelaysa, iyadoo saameyn ku yeelan karta amniga gobolka iyo marinada ganacsiga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee ka bixitaanka xoogagga uu Sacuudigu taageero ee ku saabsan khilaafka Yemen?
- Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya eedeymaha ay soo jeediyeen dhinacyada?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee Ciidamada Koonfureed ee ka jawaabaya horumarka Xuutiyiinta?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku saabsan gacan ku haynta marinka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo ganacsi. Isbeddelkan wuxuu saameyn ku yeelan karaa amniga gobolka iyo khilaafka socda ee Yemen.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mandab · bab · muuqda