Dalalka Khaliijka oo wajahaya culayskii amni ee ugu xumaa xiisadaha Yemen iyo Iiraan awgood
Xiisadaha sii xoogeysanaya ee Bariga Dhexe ayaa dalalka Khaliijka gelinaya xaalad amni oo cusub, iyadoo dagaalka Yemen, weerarrada Xuutiyiinta iyo iska horimaadka ballaaran ee la xiriira Iiraan ay saameyn ku yeesheen amniga, ganacsiga iyo marinnada muhiimka ah ee gobolka.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Dalalka Khaliijka ayaa wajahaya cadaadis amni oo weyn sababo la xiriira xiisadaha sii xoogeysanaya ee Yemen iyo Iiraan.
- Sacuudi Carabiya ayaa si gaar ah ugu jirta cadaadis amni, kaddib markii weerarrada Xuutiyiinta ay halis geliyeen danaha boqortooyada.
- Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga ay magaalada Makkah ku kala saxiixdeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makkah.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Xiisadaha sii xoogeysanaya ee Bariga Dhexe ayaa dalalka Khaliijka gelinaya xaalad amni oo cusub, iyadoo dagaalka Yemen, weerarrada Xuutiyiinta iyo iska horimaadka ballaaran ee la xiriira Iiraan ay saameyn ku yeesheen amniga, ganacsiga iyo marinnada muhiimka ah ee gobolka.
Sacuudi Carabiya ayaa si gaar ah ugu jirta cadaadis amni, kaddib markii weerarrada Xuutiyiinta ay halis geliyeen danaha boqortooyada iyo isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab.
Riyadh ayaa hadda doonaysa inay xoojiso xiriirkeeda dalalka gobolka iyo saaxiibbada militari, iyadoo isku dayaysa inay hesho taageero siyaasadeed iyo mid amni.
Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan , ayaa 15 Sebtembar 2026 magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayadoo Kulanka diiradda lagu saaray amniga gobolka, xaaladda Yemen iyo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xorriyadda iyo amniga maraakiibta ku socda Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab.
Siisi ayaa sidoo kale muujiyay taageerada Masar ee dadaallada Sacuudiga ee lagu ilaalinayo amniga qaranka iyo xasilloonida gobolka, ayadoo Badda Cas iyo Bab al-Mandab ay muhiim u yihiin ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan isku socodka tamarta iyo badeecadaha u kala goosha Bariga Dhexe, Afrika, Aasiya iyo Yurub.
Dagaalka cusub ee Yemen ayaa saameyn dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah ku yeelan kartaa dalalka Khaliijka iyo suuqyada caalamka.
Isbeddelka ugu weyn ee dhinaca amniga ayaa ah xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Pakistan iyo dalalka Khaliijka, ayadoo 7-dii Agoosto 2026, Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga ay magaalada Makkah ku kala saxiixdeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makkah .
Heshiiska ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga difaaca iyo iska-caabbinta.
Heshiiskani wuxuu daba socdaa heshiiskii difaaca ee Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ay kala saxiixdeen 2025, waxaana ku biiray Turkiga sanadkan.
Dhanka kale, Pakistan iyo Kuwait ayaa 28 Agoosto 2026 kala saxiixday heshiis difaac, taasoo muujinaysa in Islamabad ay sii ballaarinayso xiriirrada militari ee ay la leedahay dalalka Khaliijka.
Pakistan waxay hadda leedahay xiriir difaac oo sii qoto-dheeraanaya oo ay la leedahay dhowr dal oo Khaliijka ah, xilli gobolka uu wajahayo khataro amni oo isa soo taraya.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dalalka Khaliijka waxay xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed iyo amni la leeyihiin Israa’iil, waxaana kamid ah Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo 2020-kii xiriirkooda Israa’iil ku caadiyeeyay Abraham Accords , halka Morocco ay iyaduna xiriirkeeda diblomaasiyadeed la yeelatay Israa’iil.
Sidoo kake waxaa jira warar ka soo baxay dhinaca Israa’iil oo ku saabsan suuragalnimada in Kuwait mustaqbalka ku biirto Abraham Accords, balse taasi ma ah mid ay dowladda Kuwait si rasmi ah u shaacisay.
Xiisadaha hadda jira ayaa sidoo kale keenaya iskaashi amni oo ka gudbaya xiriirrada laba geesoodka ah, ayadoo bishan Sebteembar 15-keedii warbixin uu daabacay Axios ay sheegtay in saraakiil sare oo militari oo ka kala socday Mareykanka, Israa’iil iyo siddeed dal oo Carbeed ay kulan qarsoodi ah ku yeesheen Jarmalka.
Dalalka Carabta ee lagu sheegay kulanka waxaa ka mid ahaa Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Qatar, Urdun iyo Masar.
Warbixintu waxay sheegtay in Iiraan iyo xaaladda amni ee gobolka ay ka mid ahaayeen arrimaha laga wada hadlay.
Arrintan waxay muujinaysaa in inkastoo dalalka Khaliijka ay leeyihiin siyaasado kala duwan oo ku saabsan Israa’iil, Iiraan, Yemen iyo xiriirka Mareykanka, haddana ay jiraan meelo ay danaha amni isku waafaqi karaan.
Sacuudi Carabiya ayaa hadda isku dayaysa inay isku dheellitirto dhowr xiriir oo istiraatiiji ah. Dhinac, waxay xoojinaysaa xiriirka Pakistan iyo Turkiga, iyadoo heshiiska Makkah uu siinayo qaab cusub oo iskaashi difaac, halka dhinaca kale, Riyadh ay weli muhiimad weyn siinaysaa xiriirka ay la leedahay Mareykanka iyo iskaashiga amni ee gobolka.
Sidoo kale, Sacuudigu wuxuu la shaqeynayaa Masar si loo ilaaliyo Badda Cas iyo Bab al-Mandab, halka xiriirrada gobolka ee Israa’iil iyo dalalka Carabta ay abuureen qaab kale oo iskaashi amni.
Si kastaba ha ahaatee hadda waxaa muuqata in dalalka Khaliijka aysan hal jiho oo amni ah u wada socon, balse ay dhisayaan shabakad iskaashi oo dhinacyo badan leh .
Pakistan waxay sii xoojinaysaa xiriirkeeda difaaca ee dalalka Khaliijka, iyadoo heshiisyo muhiim ah la gashay Sacuudi Carabiya iyo Kuwait, halka Israa’iilna ay xiriir rasmi ah la leedahay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, islamarkaana iskaashiga amni ee qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Israa’iil uu sii xoogaysanayo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in dalalka Khaliijka ay wajahaan cadaadis amni oo weyn sababo la xiriira xiisadaha sii xoogeysanaya ee Yemen iyo Iiraan, taasoo saameyn ku yeelatay amniga, ganacsiga, iyo marinnada muhiimka ah.
Qodobada muhiimka ah
- Dalalka Khaliijka ayaa wajahaya cadaadis amni oo weyn sababo la xiriira xiisadaha sii xoogeysanaya ee Yemen iyo Iiraan.
- Sacuudi Carabiya ayaa si gaar ah ugu jirta cadaadis amni, kaddib markii weerarrada Xuutiyiinta ay halis geliyeen danaha boqortooyada.
- Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga ay magaalada Makkah ku kala saxiixdeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makkah.
- Pakistan iyo Kuwait ayaa 28 Agoosto 2026 kala saxiixday heshiis difaac.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama ay saameeyeen xiisadaha la sheegay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno rasmi ah mana jiraan aragtiyo ka yimid daneeyayaasha kale.
Gunaanadka akhristaha
Dalalka Khaliijka ayaa wajahaya cadaadis amni oo sii kordhaya sababo la xiriira xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira Yemen iyo Iiraan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dalalka Khaliijka ay qaadayaan si ay u xalliyaan cadaadiska amni?
- Sidee ayay heshiisyada difaaca cusub u saameyn doonaan isbeddelada amniga gobolka?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhasha iskaashiga milatari ee la sheegay ee u dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Israa’iil?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · amni · iiraan · xiisadaha