DEG DEG: Burcad badeedda oo dilay shan la-hayste kadib weerarkii ay ku qaadeen ciidanka Puntland
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiShan la-hayste ayaa la sheegay in la dilay intii lagu guda jiray howlgal lagu badbaadinayo burcad-badeedda oo haystay markabka shidaalka qaada ee Honour 25.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayQoysaska badmaaxiinta Pakistani-ga ah ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr jeer dibadbaxyo ka dhigay magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday inay dadajiso sii deynta eheladooda.
- Ciidamada Puntland ayaa Talaadad maanta ah la wareegay markabka oo ku goosha calanka Palau, sida uu sheegay telefishinka dowladda Puntland, oo intaas ku daray in burcad-badeedda haysatay la qabtay lana horgeyn doono maxkamad.
- Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland aysan ka jawaabin codsiyo ay u dirtay si ay faahfaahin dheeraad ah uga bixiyaan howlgalka.
- Hase yeeshee, wargeyska Pakistan ka soo baxa ee The Express Tribune ayaa sheegay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay intii uu socday howlgalka, oo ay ku jiraan saddex Pakistani ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ciidamada Puntland qaadeen inta lagu guda jiray howlgalka badbaadinta?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Puntland ayaa Talaadad maanta ah la wareegay markabka oo ku goosha calanka Palau.
- Burcad-badeeddu ayaa markii hore dalbaday madax-furasho gaareysa saddex milyan oo dollar.
- Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, waxaana saddex ka mid ah lagu sheegay inay yihiin Pakistani.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Garoowe (Caasimada Online) – Saddex muwaadin oo Pakistani ah iyo laba badmaax oo kale ayaa la sheegay in la dilay xilli ciidamada Puntland ay gacanta burcad-badeedda ka soo furayeen markabka shidaalka qaada ee Honour 25, oo muddo ka badan shan bilood lagu haystay xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada Puntland ayaa Talaadad maanta ah la wareegay markabka oo ku goosha calanka Palau, sida uu sheegay telefishinka dowladda Puntland, oo intaas ku daray in burcad-badeedda haysatay la qabtay lana horgeyn doono maxkamad.
Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland aysan ka jawaabin codsiyo ay u dirtay si ay faahfaahin dheeraad ah uga bixiyaan howlgalka.
Hase yeeshee, wargeyska Pakistan ka soo baxa ee The Express Tribune ayaa sheegay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay intii uu socday howlgalka, oo ay ku jiraan saddex Pakistani ah.
Warbixinta ayaa sheegtay in burcad-badeeddu rasaas ku fureen qaar ka mid ah shaqaalihii ay afduubka ku haysteen markii ay cadaadis kala kulmeen ciidamada Puntland oo ay bilaabeen inay markabka ka baxsadaan.
Xogtaas ayaa laga soo xigtay badmaaxiin ka badbaaday dhacdada iyo hay’adda Ansar Burney Welfare Trust, oo muddo la socotay xaaladda shaqaalaha markabka.
Sida ay badbaadayaashu sheegeen, iska horimaad ayaa dhex maray ciidamada iyo burcad-badeedda, ka hor inta aysan kooxdu rasaas ku furin shaqaalihii ay gacanta ku hayeen.
Saddexda Pakistani ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Kashif Umar, Mahmood Ansari iyo Rafiullah. Waxaa sidoo kale dhintay badmaax Hindi ah oo lagu magacaabo Tanveer iyo madaxa injineerrada markabka oo u dhashay Myanmar, sida uu sheegay Express Tribune.
Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, waxaana saddex ka mid ah lagu sheegay inay yihiin Pakistani.
Reuters, oo soo xiganeysa telefishinka dowladda Puntland, waxay xaqiijisay in markabka la soo furtay iyo in burcad-badeedda la qabtay, balse warbixinteeda kama aysan hadlin dhimashada ama dhaawaca shaqaalaha.
Hay’adda Ansar Burney Trust ayaa sidoo kale sheegtay in burcad-badeeddu ay waxyeelleeyeen nidaamka lagu hago markabka kahor inta aysan ka cararin, taasoo sababtay in Honour 25 aanu iskiis u dhaqaaqi karin.
Markabka ayaa hadda loo jiidayaa dhinaca xeebta, sida ay sheegtay hay’addu.
Shan bilood oo afduub ah
Honour 25 ayaa burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii April, xilli uu marayay meel qiyaastii 30 nautical miles ka baxsan xeebaha Puntland, sida ay Reuters sheegtay.
Markabka waxaa saarnaa 17 shaqaale ah, oo 10 ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah.
Hay’adda Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda, EUNAVFOR, ayaa bishii July xaqiijisay in markabka iyo shaqaalihiisuba weli ku jireen gacanta burcad-badeedda.
Qoysaska badmaaxiinta Pakistani-ga ah ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr jeer dibadbaxyo ka dhigay magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday inay dadajiso sii deynta eheladooda.
Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale arrinta kala hadashay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee badaha ee IMO, iyadoo ku baaqday in la helo waddo lagu sii daayo shaqaalaha.
Burcad-badeeddu ayaa markii hore dalbaday madax-furasho gaareysa saddex milyan oo dollar, sida ay sheegeen warar ay baahiyeen warbaahinta Pakistan. Dalabkaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay.
Howlgalka Honour 25 ayaa yimid wax ka yar toddobaad kadib markii ciidamada Puntland ay gacanta burcad-badeedda ka soo furteen markabka Sibu 1, oo la afduubtay bishii August.
Reuters ayaa sheegtay in ciidamada booliska badda Puntland ay howlgalkaas ku soo furteen Sibu 1, oo Mareykanku cunaqabateyn saaray.
Soo laba-kacleynta burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ayaa mar kale walaac ka abuurtay maraakiibta isticmaasha Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.
Intii u dhaxeysay 2008 iyo 2014, burcad-badeedda Soomaaliya waxay carqaladeeyeen mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsi ee ugu mashquulka badan dunida, iyagoo dhaqaalaha caalamka ku sababay khasaare balaayiin dollar ah isla markaana helay boqolaal milyan oo dollar oo madax-furasho ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Shan la-hayste ayaa la sheegay in la dilay intii lagu guda jiray howlgal lagu badbaadinayo burcad-badeedda oo haystay markabka shidaalka qaada ee Honour 25. Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u qabtay markabka ka dib markii muddo ka badan shan bilood lagu haystay.
Qodobada muhiimka ah
- Shan la-hayste ayaa la sheegay in la dilay intii lagu guda jiray howlgal lagu badbaadinayo burcad-badeedda oo haystay markabka shidaalka qaada ee Honour 25.
- Ciidamada Puntland ayaa Talaadad maanta ah la wareegay markabka oo ku goosha calanka Palau.
- Burcad-badeeddu ayaa markii hore dalbaday madax-furasho gaareysa saddex milyan oo dollar.
- Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, waxaana saddex ka mid ah lagu sheegay inay yihiin Pakistani.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid The Express Tribune iyo ilo ka tirsan dowladda Puntland oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta Puntland oo ku saabsan khasaare.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaqiijinta tirada khasaare.
Gunaanadka akhristaha
Howlgalka badbaadinta ayaa sababay dhimashada shan la-hayste, taasoo muujinaysa khataraha joogtada ah ee la xiriira burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ciidamada Puntland qaadeen inta lagu guda jiray howlgalka badbaadinta?
- Maxaa dhici doona burcad-badeedda la qabtay?
- Sidee loo taageeri doonaa qoysaska la-haystayaasha dhintay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · burcad · puntland · badeedda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada