DEG DEG: Itoobiya oo cayrisay diblomaasi Masri una qabatay 48 saac
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiItoobiya ayaa cayrisay diblomaasi ka tirsan safaaradda Masar ee Addis Ababa, iyadoo siisay 48 saacadood inuu kaga baxo dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed oo ku taariikheysan 1-da October ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadeed ee safaaradda Masar, loo aqoonsaday persona non grata — oo macnaheedu yahay qof aan dalka laga rabin.
- “Wasaaraddu waxay halkan ku ogeysiinaysaa safaaradda in Ahmed Moharam Ahmed Soliman loo aqoonsaday persona non grata,” ayaa lagu yiri qoraalka.
- Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soliman laga doonayo inuu Itoobiya uga baxo 48 saacadood gudahood.
- Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay diblomaasiga Masar u cayrisay, mana aysan soo bandhigin wax eedeyn gaar ah oo isaga ka dhan ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee sababay cayrinta diblomaasiga Masar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadeed ee safaaradda Masar, loo aqoonsaday persona non grata.
- Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay diblomaasiga Masar u cayrisay.
- Itoobiya ayaa isla Khamiistii qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Eritrea, iyadoo ku dhawaaqday inay xireyso safaaraddeeda Asmara isla markaana 10 diblomaasi oo Eritrean ah siisay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii dalka ka cayrisay diblomaasi ka tirsan safaaradda Masar ee Addis Ababa, iyadoo siisay 48 saacadood inuu kaga baxo dalka, xilli xiriirka labada dal uu wajahayo xiisado sii xoogeysanaya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed oo ku taariikheysan 1-da October ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadeed ee safaaradda Masar, loo aqoonsaday persona non grata — oo macnaheedu yahay qof aan dalka laga rabin.
“Wasaaraddu waxay halkan ku ogeysiinaysaa safaaradda in Ahmed Moharam Ahmed Soliman loo aqoonsaday persona non grata,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soliman laga doonayo inuu Itoobiya uga baxo 48 saacadood gudahood.
Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay diblomaasiga Masar u cayrisay, mana aysan soo bandhigin wax eedeyn gaar ah oo isaga ka dhan ah.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli xiriirka Addis Ababa iyo Qaahira uu mar kale sii xumaanayo, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan muranka webiga Nile iyo biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee GERD, halka Addis Ababa ay dhawaan Masar ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha.
Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Axaddii ku eedeeyay Masar, Eritrea iyo Sudan inay taageerayaan xoogag dagaal kula jira dowladda federaalka Itoobiya, oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Birhanu ma uusan soo bandhigin caddeyn shaacsan oo taageereysa eedeymahaas.
Masar ayaa si adag u diiday eedeynta. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Nader Zaki ayaa sheegay in siyaasadda dibadda ee dalkiisa ay ku dhisan tahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha.
“Siyaasadda dibadda Masar waxay ku dhisan tahay mabaadi’ adag, oo ay ugu horreeyaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo inaan lagu faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Zaki.
Waxa uu intaas ku daray in eedeymo kasta oo shaki gelinaya mowqifkaas ay yihiin “kuwo aan sal lahayn”.
Xiisadda ayaa sii ballaaratay iyadoo dagaal culus uu mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhow Tigray, Amhara iyo Afar, taas oo walaac cusub ka abuurtay mustaqbalka heshiiskii Pretoria ee 2022 lagu soo afjaray dagaalkii dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray.
Tallaabo ka dhan ah Eritrea
Dhanka kale, Itoobiya ayaa isla Khamiistii qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Eritrea, iyadoo ku dhawaaqday inay xireyso safaaraddeeda Asmara isla markaana 10 diblomaasi oo Eritrean ah siisay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan.
Addis Ababa waxay ku eedeysay diblomaasiyiintaas inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya.
Eritrea ayaa eedeymahaas diiday, waxayna ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareyso Itoobiya, iyadoo iyaduna Addis Ababa ku eedeysay siyaasado colaad ku dhisan.
Khilaafka Masar iyo Itoobiya ayaa sidoo kale muddo dheer salka ku haya biyo-xireenka GERD.
Qaahira waxay ku adkeysaneysaa in hawlgalka biyo-xireenka lagu saleeyo heshiis sharci ahaan waajib ah oo ilaalinaya saami-biyoodka dalalka hoose, halka Itoobiya ay ku dooddo inay xaq u leedahay ka faa’iideysiga Nile si ay u horumariso korontada iyo dhaqaalaha dalka.
Ilaa hadda, dowladda Itoobiya ma aysan xiriirin cayrinta Soliman khilaafka Nile ama dagaallada waqooyiga, mana aysan shaacin inay qorsheyneyso tallaabooyin kale oo ka dhan ah safaaradda Masar.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Itoobiya ayaa cayrisay diblomaasi ka tirsan safaaradda Masar ee Addis Ababa, iyadoo siisay 48 saacadood inuu kaga baxo dalka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman loo aqoonsaday persona non grata.
Qodobada muhiimka ah
- Itoobiya ayaa cayrisay diblomaasi ka tirsan safaaradda Masar ee Addis Ababa, iyadoo siisay 48 saacadood inuu kaga baxo dalka.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadeed ee safaaradda Masar, loo aqoonsaday persona non grata.
- Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay diblomaasiga Masar u cayrisay.
- Itoobiya ayaa isla Khamiistii qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Eritrea, iyadoo ku dhawaaqday inay xireyso safaaraddeeda Asmara isla markaana 10 diblomaasi oo Eritrean ah siisay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo sabab gaar ah oo ku saabsan cayrinta diblomaasiga Masar.
- Maqaalku ma soo bandhigayso jawaab ka timid dowladda Masar oo ku saabsan cayrinta.
- Maqaalku ma caddeynayo haddii ay jiraan tallaabooyin kale oo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Masar.
Gunaanadka akhristaha
Cayrinta Itoobiya ee diblomaasiga Masar waxay muujinaysaa xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal iyadoo ay jiraan khilaafaad ku saabsan webiga Nile.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee sababay cayrinta diblomaasiga Masar?
- Ma jiri doonaan waxyeelooyin kale oo diblomaasiyadeed oo ka dhasha khilaafka Itoobiya iyo Masar?
- Maxay tahay xaaladda hadda ee khilaafka ku saabsan webiga Nile?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · diblomaasi · itoobiya · cayrisay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada