Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

DEG DEG: Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashooyinkii ka dhacay K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed. Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay maanta yeesheen garsoorka maxkamadda sare qeybteeda doorashooyinka, waxaana saxiixay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 5 garsoore. Go’aanka maxkamad

SO
DEG DEG: Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashooyinkii ka dhacay K/Galbeed
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay maanta yeesheen garsoorka maxkamadda sare qeybteeda doorashooyinka, waxaana saxiixay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 5 garsoore.

Go’aanka maxkamadda ayaa daba socda codsi guddiga doorashooyinka qaranka ay 19-kii bishan maxkamadda, kaas oo ay ku codsanayeen in maxkamaddu si kama dambeys ah u ansixiso natiijada doorashada isku sidkaneyd ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ka qabsoontay 10-kii May 2026.

“Maxkamaddu waxay ansixisay si kama dambeys ah natiijada doorashada isku sidkaneyd ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Dowlad-Gobaleedka KGS, taas oo uu horay si KMG ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda sare.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralnatiijadadoorashooyinkiimaxkamadda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.