DF oo shaacisay mowqifkeeda xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda dhexdhexaadnimo ee ku aaddan xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo sheegtay in xiriirka ay la leedahay labada dal aan wax isbeddel ah ku imaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinXiisaddan ayaa sidoo kale dib u soo nooleysay walaaca laga qabo burburka heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022-kii, kaas oo soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku baaqeen in dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, khilaafaadkana lagu xalliyo wada-hadal.
- Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara, oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in mowqifka Muqdisho uu ku dhisan yahay nabad, dhexdhexaadnimo iyo ilaalinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, kuwaas oo Soomaaliya ay ka dhexeeyaan dano siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.
- Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan dooneyn inay qayb ka noqoto khilaafaadka gobolka, balse ay si dhow ula socoto isbeddellada socda, isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii looga hortagi lahaa in colaadaha jira ay sii fidaan.
- Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray aragtida ah in Soomaaliya ay dhinac la safatay Masar iyo Eritrea, kaddib shirkii afarta geesoodka ahaa ee dhowaan ka dhacay dalka Masar, kaas oo ay ka qeybgaleen madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Soomaaliya qaadi doonto si ay u ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea.
- Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn inay qayb ka noqoto khilaafaadka gobolka.
- Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray aragtida ah in Soomaaliya ay dhinac la safatay Masar iyo Eritrea.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo caddeysay inaysan waxba iska beddelin xiriirka ay la leedahay labada dal, inkastoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo dagaal ballaaran oo ka qarxa Geeska Afrika.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara, oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in mowqifka Muqdisho uu ku dhisan yahay nabad, dhexdhexaadnimo iyo ilaalinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, kuwaas oo Soomaaliya ay ka dhexeeyaan dano siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan dooneyn inay qayb ka noqoto khilaafaadka gobolka, balse ay si dhow ula socoto isbeddellada socda, isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii looga hortagi lahaa in colaadaha jira ay sii fidaan.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray aragtida ah in Soomaaliya ay dhinac la safatay Masar iyo Eritrea, kaddib shirkii afarta geesoodka ahaa ee dhowaan ka dhacay dalka Masar, kaas oo ay ka qeybgaleen madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan in Soomaaliya ay dhab ahaantii dhexdhexaad ka tahay khilaafka, ayuu ku adkeystay in Muqdisho ay xiriir wanaagsan la leedahay dhammaan dalalka ay xiisaduhu ka dhex taagan yihiin.
“Soomaaliya dhexdhexaad ayey ka tahay arrintaas,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaas.
Bayaanka shirkii Al-Alamein
Hadalka wasiir ku-xigeenka ayaa imanaya toddobaad kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Alamein kula kulmay madaxda Masar, Eritrea iyo Suudaan, xilli xiriirka dalalkaas iyo Itoobiya uu marayo marxalad xasaasi ah.
Shirkaas ayaa laga soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, iyadoo sidoo kale lagu sheegay in maamulka Badda Cas uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dalalka xeebaha ku leh.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu taageeray mowqifyo la xiriira isticmaalka biyaha webiga Niil, gaar ahaan diidmada tallaabooyinka hal dhinac ah ee waxyeellayn kara danaha Masar iyo Suudaan, kuwaas oo muddo dheer isku hayay Itoobiya biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay webiga Niil.
Qodobadan ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan dhexdhexaadnimada Soomaaliya, maadaama ay taabanayaan arrimo ay Itoobiya isku hayaan dalalka kale ee shirka ka qeybgalay.
Axmed Kaboole, oo ka faallooda arrimaha ammaanka, ayaa BBC-da u sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka Masar uu muujinayo kala duwanaansho u dhexeeya hadalka dowladda iyo tallaabooyinka ay diblomaasiyad ahaan qaadday.
Sidoo kale, Prof. Liibaan Cigaal, oo ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika, ayaa sheegay inay habbooneyd in Soomaaliya ay ku ekaato arrimaha amniga gobolka, kana fogaato khilaafaadka isku murugsan ee u dhexeeya Masar, Eritrea, Suudaan iyo Itoobiya.
Hase yeeshee, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ayaa diiday aragtidaas, isagoo ku dooday in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh inuu xiriir iyo heshiisyo la yeesho dalalka kala duwan, isla markaana xiriirradaasi aysan ka dhignayn inay dhinac ka noqoneyso khilaafaadkooda.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya
Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inaysan hadda jirin wax dhibaato ah oo u dhexeeya labada dowladood.
Wuxuu xusay in ciidamada Itoobiya ay weli qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isla markaana ay sii wadaan wada-shaqeyntii amni ee ay la lahaayeen dowladda federaalka.
Hadalkaas ayaa ku soo aadaya iyadoo warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ay sheegayaan inay suuragal tahay in ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, sababo la xiriira dagaallada dib uga qarxay waqooyiga dalkaas.
Nadaara ayaa sheegay inaysan dowladda Soomaaliya soo gaarin wax war ah oo rasmi ah oo xaqiijinaya qorshe ay ciidamada Itoobiya dalka uga baxayaan, wuxuuna intaas ku daray inay weli joogaan goobihii ay hore ugu sugnaayeen, howlaha amnigana ay sii wadaan.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale qiray in dagaallada Itoobiya ay saameyn ku yeelan karaan Soomaaliya, gaar ahaan haddii ay sii xoogaystaan ama ay isu beddelaan dagaal toos ah oo dhex mara dowladaha gobolka.
Wuxuu sheegay in colaaddaasi ay saameyn ku yeelan karto dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka dadka iyo ganacsiga, maadaama Soomaaliya ay xuduud dheer la wadaagto Itoobiya, isla markaana labada dal ay leeyihiin xiriirro amni iyo dhaqaale.
Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa si weyn u xoogeysatay maalmihii ugu dambeeyay, kaddib markii Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay inay ciidamo u dirtay gudaha gobolka Tigray, isla markaana ay taageerayso kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.
Itoobiya ayaa Jimcihii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegtay inay xaq u leedahay inay isdifaacdo, iyadoo ku eedeysay ciidamada Eritrea inay gudaha dalkeeda u soo galeen masaafo gaareysa 60 kiiloomitir.
Eritrea ayaa eedeymahaas beenisay, waxayna Sabtidii iyaduna Golaha Ammaanka u gudbisay warqad ay ku dalbaneyso in tallaabo laga qaado Itoobiya, oo ay ku eedeysay inay raadineyso marmarsiiyo ay dagaal ku qaaddo.
Ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan ayaa Sabtidii galay magaalada Adigrat ee gobolka Tigray, xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in dagaallada waqooyiga Itoobiya ay isu beddelaan iska horimaad ballaaran oo dhex mara labada dal.
Xiisaddan ayaa sidoo kale dib u soo nooleysay walaaca laga qabo burburka heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022-kii, kaas oo soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku baaqeen in dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, khilaafaadkana lagu xalliyo wada-hadal.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda dhexdhexaadnimo ee ku aaddan xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo sheegtay in xiriirka ay la leedahay labada dal aan wax isbeddel ah ku imaan.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea.
- Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn inay qayb ka noqoto khilaafaadka gobolka.
- Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray aragtida ah in Soomaaliya ay dhinac la safatay Masar iyo Eritrea.
- Bayaanka shirkii Al-Alamein ayaa imanaya toddobaad kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Alamein kula kulmay madaxda Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo la bixiyay oo ku saabsan sheegashooyinka maqaalku ka kooban yahay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Itoobiya ama Eritrea.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya waxay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadaha socda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Soomaaliya qaadi doonto si ay u ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda?
- Sidee bay xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea u saameyn doonaan xiriirka gobolka ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhasha shirka Al-Alamein ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xiisadda · itoobiya · eritrea
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Dowladda Soomaaliya oo BBC-da u sheegtay mowqifkeeda ku aadan xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Eritrea
BBC Somali
- Falcelin xooggan oo ka dhalatay xiisadda ka dhex-qaraxday Shariif iyo DF
Caasimada Online
- Eritrea oo Qaramada Midoobay ka dalbatay inay soo farageliso xiisadda sii xoogeysanaysa ee kala dhaxaysa Itoobiya
Shabelle Media