Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad ee bulshada caasimadda Muqdisho kusoo dhaweenayeen guushii uu gaaray Mudane Yassin Mohamoud oo loo doortay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Britian. Duqa Muqdisho ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirrada iskaashi iyo wada-shaqeynta heer caala

SO
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad ee bulshada caasimadda Muqdisho kusoo dhaweenayeen guushii uu gaaray Mudane Yassin Mohamoud oo loo doortay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Britian.

Duqa Muqdisho ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirrada iskaashi iyo wada-shaqeynta heer caalami ee taageeraya horumarka caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Muungaab ayaa xusay in laga filayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee gaaray heerarka hoggaamineed inay dalkooda kusoo celiyaan aqoonta iyo waaya-aragnimada ay kasbadeen, si looga faa’iideysto dadaallada dib-u-dhiska, horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Dhankooda, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo marti-sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay rajada weyn ee laga qabo kaalinta uu Yassin Mohamoud ka qaadan karo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Bristol, iyagoo tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka filayaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta magaalooyinka iyo taageeridda arrimaha bulshada.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralbristolmuqdishoqeybgalay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.