Erdogan oo xilka ka qaaday la-taliye sare kadib dalab ka yimid dalka…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilka ka qaaday la-taliye sare, Oktay Saral, si loo hagaajiyo xiriirka Azerbaijan kadib khilaaf ka dhashay mamnuucidda xijaabka ee iskuullada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Oktay Saral, oo ka mid ahaa la-taliyayaasha sare ee madaxtooyada Turkiga, ayaa Middle East Eye u xaqiijiyey xil ka qaadistiisa.
- “Waxaan si buuxda u ixtiraamayaa go’aanka madaxweynaha,” ayuu ku yiri farriin uu u diray warbaahintaas.
- Sida ay sheegtay xil ka qaadista Saral ayaa lagu fulinayey dalab ka yimid Azerbaijan, si loo soo afjaro khilaafka labada dal oo wadaaga xiriir dhow oo dhinacyada qowmiyadda, dhaqanka, diinta iyo taariikhda ah.
- Khilaafka xijaabka Xiisadda ayaa ka dhalatay mamnuucid ay Azerbaijan bishii hore ku soo rogtay xirashada xijaabka ee dugsiyada hoose iyo sare.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa talaabooyin muhiim ah oo diblomaasiyadeed oo ay Turkigu ku doonayaan inay xalliyaan khilaafaadka la xiriira Azerbaijan, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee xil ka qaadista Saral ku yeelan doonto xiriirka Turkiga iyo Azerbaijan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilka ka qaaday la-taliye sare, Oktay Saral, si loo hagaajiyo xiriirka Azerbaijan.
- Xil ka qaadista Saral ayaa lagu sheegay in ay dalbatay Azerbaijan si loo xalliyo khilaaf ka dhashay mamnuucidda xijaabka ee iskuullada.
- Saral ayaa baraha bulshada ku dhaliilay mamnuucidda xijaabka, taasoo keentay dhaleeceyn loo jeediyey xukuumadda Azerbaijan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii xilka ka qaaday mid ka mid ah la-taliyayaashiisa sare, tallaabo lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka Azerbaijan kadib khilaaf ka dhashay mamnuucidda xijaabka ee iskuullada dalkaas, sida ay werisay Middle East Eye.
Oktay Saral, oo ka mid ahaa la-taliyayaasha sare ee madaxtooyada Turkiga, ayaa Middle East Eye u xaqiijiyey xil ka qaadistiisa.
“Waxaan si buuxda u ixtiraamayaa go’aanka madaxweynaha,” ayuu ku yiri farriin uu u diray warbaahintaas.
Sida ay sheegtay xil ka qaadista Saral ayaa lagu fulinayey dalab ka yimid Azerbaijan, si loo soo afjaro khilaafka labada dal oo wadaaga xiriir dhow oo dhinacyada qowmiyadda, dhaqanka, diinta iyo taariikhda ah.
Khilaafka xijaabka
Xiisadda ayaa ka dhalatay mamnuucid ay Azerbaijan bishii hore ku soo rogtay xirashada xijaabka ee dugsiyada hoose iyo sare. Go’aankaas ayaa sababay dibadbaxyo ka dhacay Turkiga iyo dhaleeceyn loo jeediyey xukuumadda Baku.
Saral ayaa xilligaas baraha bulshada ku daabacay qoraal uu ku dhaliilayo mamnuucidda, isaga oo Azerbaijan ugu baaqay inay ka laabato.
Hadalkaas ayaa horraantii bishan jawaab adag ka keenay xisbiga New Azerbaijan Party ee Madaxweyne Ilham Aliyev. Xisbiga ayaa Ankara ku boorriyey inay ka fogaato damac ah inay dunida Islaamka ku yeelato awood ay dalalka kale ku maamusho.
Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore werisay in Azerbaijan ay Ankara ka dalbatay inay xilka ka qaaddo Saral, isla markaana ay dacwad ku soo oogto dadka baraha bulshada ku aflagaaddeeyey Aliyev.
Ka-qaybgalka Aliyev
Xil ka qaadista ayaa ku soo beegantay xilli Ankara ay isku dayeyso inay Aliyev ku qanciso inuu ka qayb galo shir madaxeedka Ururka Dalalka Turkiga ku abtirsada, kaas oo toddobaadkan ka dhacaya Turkiga.
Warbixinnada ay labada dhinac ka soo saareen wada hadal taleefan oo Erdogan iyo Aliyev dhex maray Khamiistii ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu dhiggiisa ku casuumay shirka. Hase yeeshee, midkoodna ma sheegin inuu Aliyev aqbalay casuumaadda.
Saraakiisha Turkiga ayaa ka walaacsanaa in Aliyev uu shirka ka baaqdo, isaga oo ka caraysan dibadbaxyadii Turkiga looga dhigay mamnuucidda xijaabka, sida ay sheegtay Middle East Eye .
“Xil ka qaadista Saral waxay Aliyev ku dhiirrigelin doontaa inuu ka qayb galo shir madaxeedka dalalka Turkiga ku abtirsada,” ayuu ilo-wareed u dhashay Azerbaijan u sheegay Middle East Eye .
“Go’aankan ka hor, suurtagalnimada ka-qaybgalkiisu waxay ka yarayd boqolkiiba 50.”
Dadaallo hore oo Turkigu ku doonayey inuu xiisadda ku dejiyo ayaan wax horumar ah ka keenin xiriirka labada dal. Booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ku tegay Baku ayaa xitaa dhalisay mowjad warar iyo faallooyin dhaliil ah oo ay baahiyeen warbaahinta Azerbaijan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilka ka qaaday la-taliye sare, Oktay Saral, si loo hagaajiyo xiriirka Azerbaijan kadib khilaaf ka dhashay mamnuucidda xijaabka ee iskuullada.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilka ka qaaday la-taliye sare, Oktay Saral, si loo hagaajiyo xiriirka Azerbaijan.
- Xil ka qaadista Saral ayaa lagu sheegay in ay dalbatay Azerbaijan si loo xalliyo khilaaf ka dhashay mamnuucidda xijaabka ee iskuullada.
- Saral ayaa baraha bulshada ku dhaliilay mamnuucidda xijaabka, taasoo keentay dhaleeceyn loo jeediyey xukuumadda Azerbaijan.
- Xil ka qaadista Saral ayaa ku soo beegantay xilli Ankara ay isku dayeyso inay Aliyev ku qanciso inuu ka qayb galo shir madaxeedka Turkiga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sheegashooyinka Middle East Eye ee ku saabsan sababaha xil ka qaadista Saral.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka ku saabsan mamnuucidda xijaabka ama is-dhexgalka siyaasadeed ee Turkiga iyo Azerbaijan.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta Azerbaijan ee ku saabsan xil ka qaadista ama mamnuucidda xijaabka.
Gunaanadka akhristaha
Go'aanka Erdogan ee xil ka qaadista Saral wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee diblomaasiyadeed si loo maareeyo arrimaha xasaasiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Azerbaijan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee xil ka qaadista Saral ku yeelan doonto xiriirka Turkiga iyo Azerbaijan?
- Sidee ayey dowladda Azerbaijan uga jawaabi doontaa dhaleeceynta Saral?
- Ma aqbalayaa Madaxweyne Aliyev casuumaadda shir madaxeedka Turkiga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa talaabooyin muhiim ah oo diblomaasiyadeed oo ay Turkigu ku doonayaan inay xalliyaan khilaafaadka la xiriira Azerbaijan, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaaday · sare · xilka