Farmaajo oo ka horyimid go’aanka guddiga doorashooyinka, soona saaray digniin culus
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go'aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMadaxweynihii hore ayaa ku baaqay in la sii ambaqaado wada-hadallada socda, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah, isaga oo ku dooday in aan masiirka siyaasadeed ee dalka lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiga.
- Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
- Farmaajo ayaa go’aanka guddiga ku tilmaamay mid goonni-qaadasho ah, isagoo sheegay in guddiga uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku tilmaamay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday.
- “Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxa uu halis gelinayaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa uuna horseedayaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha,” ayuu yiri Farmaajo.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee guddiga doorashada ka qaadi doono ka dib diidmada Farmaajo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go'aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
- Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka April 2027.
- Farmaajo ayaa go'aanka guddiga ku tilmaamay mid goonni-qaadasho ah, isagoo sheegay in guddiga uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go’aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.
Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
Farmaajo ayaa go’aanka guddiga ku tilmaamay mid goonni-qaadasho ah, isagoo sheegay in guddiga uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku tilmaamay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday.
“Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxa uu halis gelinayaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa uuna horseedayaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in la sii ambaqaado wada-hadallada socda, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah, isaga oo ku dooday in aan masiirka siyaasadeed ee dalka lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiga.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo inuu xukunka dalka ku boobo, isaga oo sheegay in qorshaha doorasho aan heshiis lagu ahayn, talana aysan ku lahayn dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, uu muujinayo siyaasad kali-talisnimo ah iyo ku tumasho dastuur.
Waxa uu sidoo kale ka digay in tallaabooyinka noocaas ahi ay dalka gelin karaan xaalad la mid ah tii uu sheegay inay ka dhalatay faragelintii lagu sameeyay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taas oo uu ku eedeeyay inay horseedday dagaallo sokeeye.
Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda iyo mas’uuliyiintii hore ee dalka, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed inay si wadajir ah ugu istaagaan hirgelinta doorasho hufan oo loo dhan yahay, si dalka looga samatabixiyo marxaladda adag ee uu ku jiro.
Ugu dambeyntiina, waxa uu dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay door wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda khilaafaadka doorashooyinka, ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu xaqiijinayo doorasho mideysan, daah-furan oo loo dhan yahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go'aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo mustaqbalka dalka. Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka la qaban doono 15-ka April 2027.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go'aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
- Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka April 2027.
- Farmaajo ayaa go'aanka guddiga ku tilmaamay mid goonni-qaadasho ah, isagoo sheegay in guddiga uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda iyo mas’uuliyiintii hore ee dalka inay si wadajir ah ugu istaagaan hirgelinta doorasho hufan oo loo dhan yahay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha guddiga doorashada ama mas'uuliyiinta kale ee siyaasadda.
- Eedeymaha Farmaajo waxay ku saleysan yihiin hadalladiisa iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan macnaha go'aanka guddiga doorashada.
Gunaanadka akhristaha
Diidmada Farmaajo ee go'aanka guddiga doorashada waxay muujinaysaa walaac ku saabsan doorashooyinka soo socda iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee guddiga doorashada ka qaadi doono ka dib diidmada Farmaajo?
- Sidee bay xaaladda siyaasadeed isu bedeli doontaa ka hor doorashooyinka?
- Maxay yihiin qorshayaasha la tixgelinayo si loo hubiyo in habka doorashada uu cadaalad yahay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · farmaajo · aanka · saaray
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada