Golaha Mustaqbalka oo digniin kama dambeys ah u direy madaxweyne Xasan Sheekh
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGolaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu wado go'aanno hal dhinac ah oo halis gelinaya midnimada dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSi looga gudbo ismari-waaga taagan, Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada dhex-dhexaadinta, lana gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, kaas oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka.
- War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu diiday jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxtooyada, kaas oo Goluhu sheegay in lagu go’aamiyay rabitaanka Xasan Sheekh, iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
- Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay xilligan wajahayso caqabado isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, fatahaadaha la xiriira El Niño, abaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo loollanka sii xoogeysanaya ee gobolka.
- Soo-jeedinDhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu wiiqi karo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, isla markaana uu dhaawici karo wadajirka bulshada, iyadoo uu ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii kala fogeyn karta dhinacyada siyaasadda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qorshayaasha doorashooyinka gaarka ah ee Golaha diidan yahay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid qorshaha doorashooyinka Soomaaliya.
- Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wado go’aanno hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka.
- Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada dhex-dhexaadinta, lana gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid qorshaha doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wado go’aanno hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka, nidaamka federaalka iyo dowladnimada.
War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu diiday jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxtooyada, kaas oo Goluhu sheegay in lagu go’aamiyay rabitaanka Xasan Sheekh, iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Si looga gudbo ismari-waaga taagan, Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada dhex-dhexaadinta, lana gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, kaas oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka. Goluhu wuxuu adkeeyay in doorashooyinka lagu saleeyo wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed.
Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay xilligan wajahayso caqabado isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, fatahaadaha la xiriira El Niño, abaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo loollanka sii xoogeysanaya ee gobolka. Sida uu sheegay, xaaladahaasi waxay sii xoojinayaan baahida loo qabo hoggaan mideysan iyo iskaashi siyaasadeed.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu wiiqi karo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, isla markaana uu dhaawici karo wadajirka bulshada, iyadoo uu ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii kala fogeyn karta dhinacyada siyaasadda.
Inkasta oo uu caddeeyay inuu diyaar u yahay wada-hadal dhab ah oo lagu gaaro hannaan doorasho iyo jadwal macquul ah, haddana Goluhu wuxuu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeed haddii Xasan Sheekh uu ku adkaysto go’aannada uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah.
Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha go’aannadaas ay saaran tahay madaxweynaha iyo cid kasta oo taageerta.
Ugu dambeyntiina, wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya sharciga iyo dastuurka, halka uu saaxiibbada caalamka ugu baaqay inay taageeraan hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi iyo heshiis loo dhan yahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu wado go'aanno hal dhinac ah oo halis gelinaya midnimada dalka.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid qorshaha doorashooyinka Soomaaliya.
- Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wado go’aanno hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka.
- Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada dhex-dhexaadinta, lana gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda.
- Golaha ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee taagan uu wiiqi karo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ama maamulka uu hoggaamiyo.
- Eedeymaha Golaha ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan qorshayaasha doorashooyinka la diidan yahay.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si firfircoon uga soo horjeeda qorshayaasha doorashooyinka madaxweynaha, isagoo muujinaya walaac ku saabsan midnimada qaranka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qorshayaasha doorashooyinka gaarka ah ee Golaha diidan yahay?
- Sidee ayuu madaxweynaha uga jawaabi doonaa eedeymaha Golaha?
- Maxay yihiin tallaabooyinka ay Golaha qaadi doonaan haddii madaxweynaha uu sii wado qorshayaashiisa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · madaxweyne · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Golaha Mustaqbalka oo baaq u diray madaxweyne Xasan Sheekh
Puntland Post
- Golaha Mustaqbalka oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada Federaalka ee guddigu soo saaray
Hiiraanweyn
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo casho sharaf u sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed
Shabelle Media