Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay Hay’adaha Garsoorka

Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (GMXIQ), Dr Maryam Qasim, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddiga iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud si ay uga wada hadlaan iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, adkaynta ku dhaqanka sharciga, i

SO
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay Hay’adaha Garsoorka
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (GMXIQ), Dr Maryam Qasim, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddiga iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud si ay uga wada hadlaan iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, adkaynta ku dhaqanka sharciga, iyo xoojinta garsoor hufan oo wax-ku-ool ah.

Doodaha ayaa diiradda lagu saaray kaalinta muhiimka ah ee hay’adaha garsoorku ku leeyihiin ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah, dhowrista habraacyada caddaaladeed, madaxbannaanida garsoorka, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha ee ku aaddan nidaamka caddaaladda ee dalka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn wax ku ool ah oo dhexmarta Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo Guddiga. Si gaar ah waxa diiradda loo saaray arrimaha la xiriira xaqiijinta maxkamadeyn caddaalad ah, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo maxaabiista, ilaalinta qaybaha bulshada ee ku jira xaalad nuglaansho ah, iyada oo la raacayo Dastuurka Soomaaliya, heshiis goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida UDHR, ICCPR, CAT iyo Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqaynta iyo wada hadallada hay’adaha dowladda, si loo taageero isla xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga, iyo dhismaha dhaqan xuquuqda aadanaha ku dhisan oo lagu kalsoonaan karo, iyada oo la dhowrayo madaxbannaanida iyo waajibaadka gaarka ah ee hay’ad kasta.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyeedaadanahaxuquuqda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.