Hay’adda caalamiga ah ee IPI oo ka digtay tallaabooyinkii is-xigay ee DF
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda sii xumaaneysa ee xorriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kordheen weerarrada, xarigga, handadaadaha iyo caburinta loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan bishii May 2026. War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in saxafiyi

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda sii xumaaneysa ee xorriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kordheen weerarrada, xarigga, handadaadaha iyo caburinta loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan bishii May 2026.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya, xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo ay ka socdaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo doodaha la xiriira muddo xileedka dowladda iyo hannaanka dimuqraadiyadda.
IPI ayaa sheegtay in xaaladda hadda jirta ay khatar ku tahay xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, iyadoo xustay in warbaahinta madaxa-bannaan ay door muhiim ah ka ciyaarto ilaalinta isla-xisaabtanka, wacyigelinta bulshada iyo dabagalka arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay inay, iyada iyo hay’adaha la shaqeeya, diiwaangeliyeen kiisas badan oo la xiriira weerarro iyo cadaadis lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada iyo barakicinta dadka rayidka ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan