Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho oo daahfuray Madasha afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMadasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, iyadoo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madashan oo soconaysa laba (2) maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha bixiya adeegga internet-ka, bangiyada, jaamacadaha, ururrada bulshada rayidka ah, cilmi-baarayaal iyo khubaro ku takhasusay amniga saybarka.
- Madasha oo sannadkan halku-dheggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkaysiga Saybarka iyadoo lagu salaynayo Naqshadayn ku Dhisan Amni” ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta awoodaha amniga saybarka, horumarinta nidaamyada dhijitaalka ah oo amnigooda la sugay iyo iskaashiga daneeyayaasha.
- Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr.
- “Amniga Saybarku waa mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashiga dowladda, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo madasha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, Soomaaliya.
- Madashan oo soconaysa laba (2) maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta…
- Madasha oo sannadkan halku-dheggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkaysiga Saybarka iyadoo lagu salaynayo Naqshadayn ku Dhisan Amni”...
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, Soomaaliya – 27 Oktoobar 2026 – Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho.
Madashan oo soconaysa laba (2) maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha bixiya adeegga internet-ka, bangiyada, jaamacadaha, ururrada bulshada rayidka ah, cilmi-baarayaal iyo khubaro ku takhasusay amniga saybarka.
Madasha oo sannadkan halku-dheggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkaysiga Saybarka iyadoo lagu salaynayo Naqshadayn ku Dhisan Amni” ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta awoodaha amniga saybarka, horumarinta nidaamyada dhijitaalka ah oo amnigooda la sugay iyo iskaashiga daneeyayaasha.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka madasha, ayaa tilmaamay doorka jaamacadaha ee soo saarista xirfadlayaasha amniga saybarka, isagoo xusay hirgelinta Takhasuska cusub ee Amniga Saybarka iyo Garaad Gacmeedka ee Jaamacadda Muqdisho.
“Amniga Saybarku waa mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashiga dowladda, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Jaamacaduhu waxay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta xirfadaha iyo cilmi-baarista loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadaha cusub ee amniga saybarka,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo bandhigay guulaha Hay’addu ka gaartay amniga saybarka, oo ay ka mid yihiin daahfurka Xarunta Ka-jawaabista Xaaladaha Deg-degga ee Amniga Saybarka (SOMCIRT), tababarrada shaqaalaha dowladda, wacyigelinta bulshada iyo diyaarinta qaab-dhismeedyada u hoggaansanaanta shuruudaha amniga saybarka iyo maaraynta khataraha.
“Horumarka aan sannadkan samaynay wuxuu saldhig muhiim ah u yahay xoojinta amniga saybarka ee dalkeenna. Madashani waxay fursad u tahay isweydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo khibradaha, iyo soo saarista xalal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo dadaallada qaran ee amniga saybarka,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), oo si rasmi ah u furay madasha, ayaa HIQ iyo Jaamacadda Muqdisho ku ammaanay qabashada madashan sannadkii afaraad oo xiriir ah. Wuxuu xusay daahfurkii SOMCIRT ee bishii Maarso 2026 iyo qorshaha lagu daahfurayo Akadeemiyadda Qaran ee Amniga Saybarka dabayaaqada sannadkan.
Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyay isweydaarsiga fikradaha iyo soo saarista talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo amniga Saybarka iyo wacyigelinta bulshada.
“Waxaan rajaynayaa in madashan ay ka soo baxaan natiijooyin wax-ku-ool ah oo bulshada Soomaaliyeed anfaca,” ayuu yiri Wasiirku.
Madasha waxaa lagu soo bandhigayaa cilmi-baarisyo iyo doodo ku saabsan siyaasadaha iyo habraacyada amniga saybarka, ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, khataraha soo kordhaya iyo ka-jawaabista dhacdooyinka amniga saybarka ee heer qaran, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo amniga ku dhisan naqshadaynta nidaamyada dhijitaalka ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, iyadoo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, Soomaaliya.
- Madashan oo soconaysa laba (2) maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta…
- Madasha oo sannadkan halku-dheggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkaysiga Saybarka iyadoo lagu salaynayo Naqshadayn ku Dhisan Amni”...
- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), oo si rasmi ah u furay madasha...
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan madasha.
- Eedeymaha ku saabsan halku-dhigga iyo muddada madasha waxay ku saleysan yihiin hadallada qabanqaabiyayaasha.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha lagu sheegay maqaalka lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo awoodaha amniga saybarka ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo madasha?
- Sidee ayay doodooyinka madasha u saameyn doonaan siyaasadaha amniga saybarka ee dalka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadi doono si loo hirgeliyo talooyinka ka soo baxa madasha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · madasha · saybarka · adda
Sii akhri
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Toddobaadka Kalluumeysiga Qaranka 2026
Shabelle Media
- Dowladda Soomaaliya oo Ansixinaysa Qaab-dhismeedka Qaranka ee Isku-duwidda Dowladda Dijitaalka ah
Hiiraanweyn
- Soomaaliya oo Shir Caalami ah ku Soo Bandhigtay Horumarka Duulista Rayidka iyo Muhiimadda Hawadeeda
Hiiraanweyn