Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Ilhan Omar oo shaacisay inay mar kale u tartamayso Kongareeska Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay mar kale u tartamayso kursigeeda Kongareeska, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto matalaadda shacabka Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota. Ilhan Omar ayaa ku dhawaaqistan ku sameysay qoraal ay ku baahisay barta X, halkaas oo ay […] The post Ilhan Omar oo shaac

SO
Ilhan Omar oo shaacisay inay mar kale u tartamayso Kongareeska Mareykanka
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay mar kale u tartamayso kursigeeda Kongareeska, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto matalaadda shacabka Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.

Ilhan Omar ayaa ku dhawaaqistan ku sameysay qoraal ay ku baahisay barta X, halkaas oo ay ku sheegtay inay gudbisay codsigeeda musharraxnimo ee doorashada soo socota. Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay sii waddo adeegga iyo matalaadda dadka ku nool degmada ay matasho.

Ku dhawaaqista musharraxnimadeeda ayaa soo afjartay hadal-heyntii iyo mala-awaalkii la xiriiray mustaqbalkeeda siyaasadeed, iyadoo si cad u dooratay inay difaacato kursigeeda Kongareeska halkii ay ka raadin lahayd xil kale oo siyaasadeed.

Arrin soo jiidatay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ahayd in Ilhan Omar ay xirtay qaybta faallooyinka ee qoraalka ay ku shaacisay ololaheeda dib-u-doorashada, taas oo dhalisay falcelinno kala duwan.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmareykankaomartartamayso
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.