JD Vance oo si qarsoodi ah ula heshiinaya dowladda Iiraan
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiJD Vance ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si shaqsi ah uga qeyb qaadanayey wadahadallo dadban oo lala yeelanayey Iiraan, kuwaas oo lagu doonayo xabbad-joojin cusub iyo dib u bilaabidda wadaxaajoodyada nukliyeerka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Doorka Vance ayaa dadaalkan gaarsiinaya heerka ugu sarreeya maamulka Mareykanka, xilli uu isku dayayo inuu dalkiisa ka saaro dagaalka.
- Saraakiil Mareykan ah iyo ilo-wareedyo gobolka ku sugan ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu hadda diyaar u yahay inuu fursad siiyo dadaallada diblomaasiyadeed, si loo ogaado in heshiis la gaari karo.
- “Waan la hadlaynaa,” ayuu Trump Jimcihii u sheegay wariyeyaasha, markii la weydiiyey farriinta uu u dirayo Iiraan.
- Hase yeeshee, ciidamada Mareykanka ayaa diyaar u ah inay muddo kooban gudaheed ku bilaabaan duqeymo cusub, haddii Trump uu beddelo mowqifkiisa oo uu amro weerarro kale.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo wadahadallada socda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- JD Vance ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si shaqsi ah uga qeyb qaadanayey wadahadallo dadban oo lala yeelanayey Iiraan.
- Vance ayaa warqad u diray xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, Mohsen Rezaei, isagoo soo jeediyey in dib loo bilaabo wadahadallada tooska ah ee labada dal.
- Saraakiil Iiraani ah ayaa sheegay in warqadda Vance ay abuurtay jawi wanaagsan oo gacan ka geysan kara dib u furidda wadaxaajoodyada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si shaqsi ah uga qeyb qaadanayey wadahadallo dadban oo lala yeelanayey Iiraan, kuwaas oo lagu doonayo xabbad-joojin cusub iyo dib u bilaabidda wadaxaajoodyada nukliyeerka, sida ay warbaahinta Axios u sheegeen laba ilo-wareed oo arrinta xog-ogaal u ah.
Doorka Vance ayaa dadaalkan gaarsiinaya heerka ugu sarreeya maamulka Mareykanka, xilli uu isku dayayo inuu dalkiisa ka saaro dagaalka. Wuxuu Arbacadii dagaalka ku tilmaamay sababta ugu weyn ee guuldarradii culus ee xisbiga Jamhuuriga ka soo gaartay doorashooyinkii xilliga dhexe ee toddobaadkan.
Saraakiil Mareykan ah iyo ilo-wareedyo gobolka ku sugan ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu hadda diyaar u yahay inuu fursad siiyo dadaallada diblomaasiyadeed, si loo ogaado in heshiis la gaari karo.
“Waan la hadlaynaa,” ayuu Trump Jimcihii u sheegay wariyeyaasha, markii la weydiiyey farriinta uu u dirayo Iiraan.
Hase yeeshee, ciidamada Mareykanka ayaa diyaar u ah inay muddo kooban gudaheed ku bilaabaan duqeymo cusub, haddii Trump uu beddelo mowqifkiisa oo uu amro weerarro kale.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo si toos ah ula socda dadaalladan, Vance ayaa ku dhowaad maalin kasta la hadla ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Thaani, taliyaha ciidamada dhulka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, iyo dhex-dhexaadiyeyaal kale.
Waxaa sidoo kale wadahadallada ku lug leh ergayga Aqalka Cad Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo ah la-taliyaha Trump, sidoo kalena qaba gabadhiisa.
Vance iyo dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada in maalmaha soo socda ay kulan farsamo yeeshaan wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo Iiraan. Kulankaas ayaan, si kastaba, weli qabsoomin.
Xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayaa ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo.
Farriin loo diray Tehran
Laba toddobaad ka hor, Vance ayaa warqad u diray xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, Mohsen Rezaei, isagoo soo jeediyey in dib loo bilaabo wadahadallada tooska ah ee labada dal.
Rezaei ayaa ka mid ah dadka aadka ugu dhow hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei. Saraakiil Iiraani ah ayaa sheegay in warqadda Vance ay abuurtay jawi wanaagsan oo gacan ka geysan kara dib u furidda wadaxaajoodyada.
Vance ayaa, marka la barbar dhigo mas’uuliyiinta kale ee ku dhow Trump, ahaa kii shakiga ugu badan ka qabay dagaalka ka hor intii uusan bilaaban dabayaaqadii Febraayo, isagoo ku baaqayey xal diblomaasiyadeed.
Bishii Abriil, wuxuu hoggaamiyey wafdigii Mareykanka ee shirkii ku saabsanaa Iiraan uga qeyb galay magaalada Islamabad. Wuxuu sidoo kale si shaqsi ah uga qeyb qaatay wadahadalladii horseeday is-afgaradkii ay Mareykanka iyo Iiraan gaareen bishii Juun.
Intaas ka dib, Vance ayaa hoggaamiyey wafdi Mareykan ah oo wadahadallo toos ah dalka Switzerland kula yeeshay Iiraan. Kulamadaas waxay ku dhammaadeen ballanqaad ay Tehran ku oggolaatay inay kormeerayaal Qaramada Midoobay ka socda ku casuunto xarumaheeda nukliyeerka.
Hase yeeshee, wax yar ka dib, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dib u bilaabay weerarradii maraakiibta, taas oo horseedday inuu burburo is-afgaradkaas, sida ay sheegtay Axios.
Horumar gaabis ah iyo rajo
Ilo-wareedyo ku lug leh dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in horumar laga sameeyey wadahadallada hadda socda, balse uu aad u gaabis yahay.
“Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaan la shaqeynaynay saaxiibbo ku jira maamulka Mareykanka oo ay dhab ka tahay inay helaan waddo lagu xakameeyo xaaladda, laguna dejiyo xiisadda. Iyaga iyo codadka caqliga leh ee Tehran jooga awgood, waxaan ka hortagaynaa inay xaaladdu faraha ka baxdo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Qatar Jimcihii fiidkii.
Wuxuu intaas ku daray in xiriirka maamulka Trump uu sii socday doorashooyinkii xilliga dhexe ka dib, inkastoo uusan sidii hore u xoogganeyn, maadaama mas’uuliyiinta Mareykanku ay ku mashquulsanaayeen arrimo kale.
Si kastaba, wuxuu sheegay in rabitaanka Mareykanka ee xal diblomaasiyadeed uu weli jiro, isagoo carrabka ku adkeeyey in heshiis la gaari karo.
Trump ayaa Jimcihii subaxdii sidoo kale telefoon kula hadlay amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aala Thaani, iyagoo ka wada hadlay dadaallada Doha ee lagu soo dhoweynayo mowqifyada Mareykanka iyo Iiraan.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska amiirka, Sheekh Tamiim ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadahadallada la sii wado, khilaafaadkana lagu xalliyo diblomaasiyad, si gobolka looga baajiyo xiisad hor leh, loona sugo xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo amniga sahayda tamarta.
Dadaalladan ayaa socda iyadoo ay weli dhacayaan weerarro milatari. Trump ayaa xaqiijiyey in ciidamada Mareykanku Jimcihii duqeeyeen qalab laga rido gantaallada lidka diyaaradaha oo yaalla jasiiradda Qeshm ee Marinka Hormuz, kaddib markii qalabkaas laga riday gantaal ku wajahnaa diyaarad dagaal oo Mareykan ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- JD Vance ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si shaqsi ah uga qeyb qaadanayey wadahadallo dadban oo lala yeelanayey Iiraan, kuwaas oo lagu doonayo xabbad-joojin cusub iyo dib u bilaabidda wadaxaajoodyada nukliyeerka.
Qodobada muhiimka ah
- JD Vance ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si shaqsi ah uga qeyb qaadanayey wadahadallo dadban oo lala yeelanayey Iiraan.
- Vance ayaa warqad u diray xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, Mohsen Rezaei, isagoo soo jeediyey in dib loo bilaabo wadahadallada tooska ah ee labada dal.
- Saraakiil Iiraani ah ayaa sheegay in warqadda Vance ay abuurtay jawi wanaagsan oo gacan ka geysan kara dib u furidda wadaxaajoodyada.
- Horumar gaabis ah iyo rajo Ilo-wareedyo ku lug leh dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in horumar laga sameeyey wadahadallada hadda socda, balse uu aad u gaabis yahay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan magac lahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah sheegashooyinka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan wadahadallada ama natiijooyinkooda.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dowladda Iiraan.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka JD Vance ee wadahadallada Iiraan wuxuu muujinayaa dadaallada diblomaasiyadeed ee socda xilli ay jiraan xiisado.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo wadahadallada socda?
- Sidee ayey maamulka Mareykanka uga falcelin doontaa haddii wadahadalladu aysan horumar sameyn?
- Maxay yihiin saameynta wadahadalladan ee xiriirka Mareykanka iyo Iiraan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · iiraan · vance · ula