Kadib eedeyntii DF ee Kenya iyo Itoobiya, Abiy oo ka degay Kenya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiRa’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka gaaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaAbiy ayaa marti sharaf ka ah munaasabadda xuska maalinta halyeeyada Kenya ee Mashujaa Day, waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
- Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed oo isku hayaan hoggaanka cusub ee maamulka iyo kii hore ee Cabdicasiis Lafta-gareen.
- Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa Kenya iyo Itoobiya ku eedeeyay inay taageero siinayaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan khilaaf siyaasadeed iyo mid amni kala dhexeeyo Muqdisho iyo Baydhabo.
- Kulanka Abiy iyo Ruto ayaa sidaas darteed imanaya xilli ay gobolka ka jiraan arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, inkasta oo aan weli la shaacin in xaaladda Soomaaliya ay ka mid tahay qodobada ay labada hoggaamiye kaga wada-hadli doonaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee gobolka iyo saamaynta suurtagalka ah ee faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mowduucyada gaarka ah ee Abiy Axmed iyo William Ruto ka wada hadli doonaan intii ay kulankooda socdo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Abiy ayaa marti sharaf ka ah munaasabadda xuska maalinta halyeeyada Kenya ee Mashujaa Day.
- Waxaa la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
- Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa Kenya iyo Itoobiya ku eedeeyay inay taageero siinayaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka gaaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Abiy ayaa marti sharaf ka ah munaasabadda xuska maalinta halyeeyada Kenya ee Mashujaa Day, waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlaya xoojinta xiriirka labada dal iyo danaha ay wadaagaan ee gobolka.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed oo isku hayaan hoggaanka cusub ee maamulka iyo kii hore ee Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa Kenya iyo Itoobiya ku eedeeyay inay taageero siinayaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan khilaaf siyaasadeed iyo mid amni kala dhexeeyo Muqdisho iyo Baydhabo.
Kulanka Abiy iyo Ruto ayaa sidaas darteed imanaya xilli ay gobolka ka jiraan arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, inkasta oo aan weli la shaacin in xaaladda Soomaaliya ay ka mid tahay qodobada ay labada hoggaamiye kaga wada-hadli doonaan.
Hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladaha Kenya iyo Itoobiya inay qayb ka yihiin faragelinta lagu hayo maamulka.
Itoobiya ayaa si gaar ah loogu dhaliilay doorka ciidamadeeda ku sugan deegaannada maamulka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku guuldarreysteen ka hortagga qabsashada deegaannadaas, oo haatan u gacan galay ciidamada taabacsan Lafta-gareen.
Eedeymaha ayaa tilmaamaya in ciidamada Itoobiya ay indhaha ka daawanayeen dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka, halkii ay ka qaadi lahaayeen tallaabo ay xaaladda ku xakameynayaan ama uga hortagayaan maleeshiyaadkaas, maadaama ay joogaan deegaanadaas.
Sidoo kale, Kenya ayaa lagu eedeeyay inay martigelisay siyaasiyiin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cunaqabateyn saartay oo kamid yahay Lafta-gareen, kuwaas oo la sheegay inay ku lug leeyihiin faragelinta ciidan ee ka socota Koonfur Galbeed.
Labada dal ayaa ciidamo ka jooga Soomaaliya, waxayna qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM. Arrintan ayaa sii xoojinaysa walaaca laga qabo doorka ay dalalka deriska ah ku leeyihiin xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Si kastaba, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay kaga jawaabayaan eedeymahan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka gaaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya. Abiy ayaa marti sharaf ka ah munaasabadda xuska maalinta halyeeyada Kenya ee Mashujaa Day, waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka gaaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
- Abiy ayaa marti sharaf ka ah munaasabadda xuska maalinta halyeeyada Kenya ee Mashujaa Day.
- Waxaa la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
- Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa Kenya iyo Itoobiya ku eedeeyay inay taageero siinayaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladaha Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.
- Eedeymaha ku saabsan xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo ka qaybgalka Kenya iyo Itoobiya waxay ku saleysan yihiin hadalada hogaamiyayaasha maxalliga ah.
- Ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay Kenya iyo Itoobiya.
Gunaanadka akhristaha
Booqashada Abiy Axmed ee Kenya iyadoo la eedeeyay labada dal waxay muujinaysaa is-dhexgalka siyaasadeed ee adag ee Geeska Afrika.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mowduucyada gaarka ah ee Abiy Axmed iyo William Ruto ka wada hadli doonaan intii ay kulankooda socdo?
- Sidee ayay eedeymaha loo jeediyay Kenya iyo Itoobiya u saameyn doonaan xiriirkooda Soomaaliya?
- Maxay noqon doonaan jawaabaha rasmiga ah, haddii ay jiraan, ee ay Kenya iyo Itoobiya ka bixiyaan eedeymaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee gobolka iyo saamaynta suurtagalka ah ee faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · abiy · kenya · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada