Maamulka Trump oo qirtay been abuur ku saabsan kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa qiratay inay si khaldan u dhigtay mowqifkeeda ku saabsan baaritaanka guriga Ilhaan Cumar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHase yeeshee, Berry — oo ay sanadkii 2023 magacaabeen hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada — ayaa si adag u beeniyay hadalkaas, isagoo iska fogeeyay inuu taageeray aragtida Wasaaradda Caddaaladda ee ku aaddan xaddidaadda xasaanadda Koongareeska.
- Dacwad-oogayaasha ayaa horay garsoore maxkamadeed ugu sheegay in Garyaqaanka Guud ee Aqalka Wakiillada, Matthew Berry, uu “diiday” inuu soo farageliyo baaritaanka, isla markaana uu taageeray aragtida maamulka Trump ee ah in baaritaanka guryaha gaarka ah ee xildhibaannada uusan hoos imaanin qodobka dastuurka ee xasaanadda u siiya sharci-dejiyeyaasha howlaha ay u qabtaan qaranka (Speech or Debate Clause).
- Dacwad-oogayaasha ayaa hadda qirtay in sheegashada Berry — oo salka ku haysay fariimo iimeel ah oo 11-kii Oktoobar dhexmaray isaga iyo ku-xigeenka koowaad ee Wasaaradda Caddaaladda, Trent McCotter — ay tahay midda saxda ah.
- “Mareykanku wuxuu raalli-gelin ka bixinayaa is-fahamwaagan aan ku talagalka ahayn,” ayay qoraal ay maxkamadda u gudbiyeen ku yiraahdeen Peter Pfaffenroth iyo Alessandra Serano, oo ka mid ah saraakiisha sare ee xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Washington.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa dhibaatooyin muhiim ah oo ku saabsan daacadnimada Wasaaradda Caddaaladda iyo sida ay u maareyso baaritaannada ka dhanka ah xubnaha Koongareeska.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Wasaaradda Caddaaladda ka dib qirashadan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa qiratay inay si khaldan u dhigtay mowqifka garyaqaanka guud ee Aqalka Wakiillada ku saabsan baaritaanka guriga Ilhaan Cumar.
- Berry — oo ay sanadkii 2023 magacaabeen hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada — ayaa si adag u beeniyay hadalkaas.
- Ka noqoshadan ay sameeyeen saraakiisha Wasaaradda Caddaaladda ayaa timid kadib markii dhawaan la shaaciyay dokumeentiyo maxkamadeed oo qarsoonaa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadii qiratay inay si khaldan u dhigtay mowqifka garyaqaanka guud ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, taasoo ay ku qortay dhowr dokumeenti oo maxkamadeed oo ay ku dooneysay inay ku xalaaleyso sidii ay u maareysay baaritaankii 12-kii Oktoobar lagu sameeyay guriga Xildhibaanad Ilhaan Cumar ee magaalada Washington.
Dacwad-oogayaasha ayaa horay garsoore maxkamadeed ugu sheegay in Garyaqaanka Guud ee Aqalka Wakiillada, Matthew Berry, uu “diiday” inuu soo farageliyo baaritaanka, isla markaana uu taageeray aragtida maamulka Trump ee ah in baaritaanka guryaha gaarka ah ee xildhibaannada uusan hoos imaanin qodobka dastuurka ee xasaanadda u siiya sharci-dejiyeyaasha howlaha ay u qabtaan qaranka (Speech or Debate Clause).
Hase yeeshee, Berry — oo ay sanadkii 2023 magacaabeen hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada — ayaa si adag u beeniyay hadalkaas, isagoo iska fogeeyay inuu taageeray aragtida Wasaaradda Caddaaladda ee ku aaddan xaddidaadda xasaanadda Koongareeska.
Dacwad-oogayaasha ayaa hadda qirtay in sheegashada Berry — oo salka ku haysay fariimo iimeel ah oo 11-kii Oktoobar dhexmaray isaga iyo ku-xigeenka koowaad ee Wasaaradda Caddaaladda, Trent McCotter — ay tahay midda saxda ah.
“Mareykanku wuxuu raalli-gelin ka bixinayaa is-fahamwaagan aan ku talagalka ahayn,” ayay qoraal ay maxkamadda u gudbiyeen ku yiraahdeen Peter Pfaffenroth iyo Alessandra Serano, oo ka mid ah saraakiisha sare ee xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Washington.
Waxay sidoo kale u qirteen Garsoore Matthew Sharbaugh in Berry aan marnaba loo sheegin in Ilhaan Cumar ay tahay qofka gurigeeda la baari doono.
Maxaa dhexmaray Wasaaradda Caddaaladda iyo Garyaqaanka Aqalka?
Ka noqoshadan ay sameeyeen saraakiisha Wasaaradda Caddaaladda ayaa timid kadib markii dhawaan la shaaciyay dokumeentiyo maxkamadeed oo qarsoonaa, kuwaasoo muujiyay in wasaaraddu ay la xiriirtay Berry maalin ka hor inta aan la fulin amarkii baaritaanka guriga Ilhaan Cumar.
Fariimaha la shaaciyay ayaa muujinaya in jawaabta Berry ay aad uga koobneyd sidii ay dacwad-oogayaashu u dhigeen.
Halkii uu ka taageeri lahaa in xasaanadda dastuuriga ah aysan qaban guryaha xildhibaannada, Berry wuxuu u sheegay McCotter in garyaqaannada Aqalka Wakiillada aysan awood u lahayn inay u doodaan xildhibaanno gaar ah oo lagu hayo baaritaan dambiyeed, maadaama danahoodu ay ka duwanaan karaan tan Aqalka. Wuxuu xusay in haddii dacwad-oogayaashu ay baarayaan xafiis ka tirsan Koongareeska, ay markaas habboonaan lahayd in xafiiskiisu door ka qaato.
McCotter ayaa fiidnimadii ugu jawaabay: “Waan fahamnay — Waad ku mahadsan tahay waqtigaaga.” Laba iyo toban saacadood kadib, ciidamo ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa aroornimadii hore u dhacay guriga Ilhaan Cumar si ay baaritaan uga sameeyaan.
Been-abuurkan ku saabsan wada-hadalkaas ayaa ceeb iyo dhaawac weyn ku ah Wasaaradda Caddaaladda, oo markii horeba wajaheysay shaki ay ka qabaan garsoorayaasha Washington.
Qirashadani waxay ku soo aadday xilli garsoore kale uu soo saaray go’aan uu ku dhaleeceynayo wasaaradda, isagoo ku eedeeyay inay “hub ahaan isugu adeegsaneyso” saraakiishii hore ee FBI-da ee uu bartilmaameedsaday Madaxweyne Donald Trump.
Sidoo kale, wada-hadalka Berry wuxuu daaha ka qaadayaa sida ay saraakiisha ugu sarreysa Wasaaradda Caddaaladda toos ugu lug lahaayeen baaritaanka Ilhaan Cumar tan iyo bilowgiisii hore.
Dokumeentiyada la shaaciyay — oo qeybo badan laga tiray — ayaa muujinaya in dacwad-oogayaashu ay raadinayeen caddeymo la xiriira dembiyo la sheegay inay dhaceen tobannaan sano ka hor, kuwaasoo aan wax shaqo ah ku lahayn xildhibaannimadeeda, arrintaasoo la jaanqaadeysa hadallo ay dhawaan saraakiil sare ka sheegeen dib-u-eegis lagu sameynayo taariikhda socdaalka (immigration) ee Ilhaan Cumar.
Muranka dastuuriga ah iyo go’aankii garsoore Sharbaugh
Qodobka dastuurka ee xasaanadda siiya xildhibaannada ayaa ka ilaaliya in waaxda fulintu ay farageliso shaqadooda sharci-dejinta. Sanadihii dambe, maxkamadaha federaalka ayaa xasaanaddaas ku ballaariyay taleefannada gaarka ah ee xildhibaannada iyo xafiisyadooda Koongareeska, balse weli lama gaarsiin guryahooda gaarka ah.
Dacwad-oogayaashu waxay ku doodeen in baaritaanka guriga Ilhaan uusan khatar ku ahayn xasaanaddeeda, iyagoo sheegay inay u badan tahay inay faylasheeda shaqada ku keydiso kombiyuutarrada ama xafiiskeeda Koongareeska.
Hase yeeshee, Garsoore Sharbaugh ayaa ku gacan-sayray doodaas, isagoo sheegay inay tahay mid “indhaha ka qarsaneysa xaqiiqada.” Wuxuu tilmaamay in inkastoo shaqada dhijitaalka ah ay badatay, haddana xildhibaannadu ay weli guryahooda u qaataan waraaqo, qabyo-qoraallo sharci, iyo khudbado ay ku diyaariyaan guriga ama inta ay diyaaradda saaran yihiin.
Sidaas darteed, garsooruhu wuxuu shuruudo adag ku xiray baaritaanka, isagoo amar ku bixiyay in Ilhaan Cumar la siiyo fursad ay xasaanad ugu dalbato dukumeentiyadeeda ka hor inta aysan saraakiisha dowladdu arkin, iyo in Wasaaradda Caddaaladda ay dalbato amar maxkamadeed oo labaad ka hor inta aysan furin xogta ku jirta agabka laga qaatay, oo uu ku jiro taleefankeeda.
Inkastoo Wasaaradda Caddaaladda ay markii hore ku qancisay Sharbaugh in go’aankiisa la qariyo maadaama aan weli wax dacwad ah la soo oogin, haddana Garsooraha Sare James Boasberg ayaa horraantii bishan amar ku bixiyay in la shaaciyo faylasha iyadoo laga tiray qeybo ka mid ah. Wuxuu xusay in xaqiiqooyin badan oo kiiskan ku saabsan ay mar horeba bannaanka u soo baxeen, isla markaana ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ogolaaday in la qariyo faahfaahinta dembiyada rasmiga ah ee la baarayo.
Afhayeenno u hadlay Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Mike Johnson, Xildhibaanad Ilhaan Cumar, iyo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda yar ee Dimoqraadiga Hakeem Jeffries ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa qiratay inay si khaldan u dhigtay mowqifkeeda ku saabsan baaritaanka guriga Ilhaan Cumar. Qirashadan ayaa timid kadib markii la shaaciyay dokumeentiyo maxkamadeed oo muujinaya xiriir hore oo lala yeeshay garyaqaanka guud ee Aqalka Wakiillada.
Qodobada muhiimka ah
- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa qiratay inay si khaldan u dhigtay mowqifka garyaqaanka guud ee Aqalka Wakiillada ku saabsan baaritaanka guriga Ilhaan Cumar.
- Berry — oo ay sanadkii 2023 magacaabeen hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada — ayaa si adag u beeniyay hadalkaas.
- Ka noqoshadan ay sameeyeen saraakiisha Wasaaradda Caddaaladda ayaa timid kadib markii dhawaan la shaaciyay dokumeentiyo maxkamadeed oo qarsoonaa.
- Been-abuurkan ku saabsan wada-hadalkaas ayaa ceeb iyo dhaawac weyn ku ah Wasaaradda Caddaaladda, oo markii horeba wajaheysay shaki ay ka qabaan garsoorayaasha Washington.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha maamulka Trump ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Sheegashooyinka ku saabsan saamaynta baaritaanka waxaa saldhig u ah hadallada Wasaaradda Caddaaladda.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa qiratay khaladaad ku jira baaritaankeeda guriga Ilhaan Cumar.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Wasaaradda Caddaaladda ka dib qirashadan?
- Sidee ayey tani u saameyn doontaa baaritaannada socda ee ku lug leh xubno kale oo ka tirsan Koongareeska?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka sharciga ee Wasaaradda Caddaaladda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa dhibaatooyin muhiim ah oo ku saabsan daacadnimada Wasaaradda Caddaaladda iyo sida ay u maareyso baaritaannada ka dhanka ah xubnaha Koongareeska.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cumar · ilhaan · qirtay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Xog ka cusub baaritaanka ku socda xildhibaan Ilhaan Cumar
Caasimada Online
- Trump oo Qorsheynaya Kulan uu la Yeesho Senator Cabdul Al-Sayid si looga Hadlo Adeeg Caafimaad oo Loo Dhan Yahay
Hiiraanweyn
- Baladweyne oo lagu soo gabagabeeyay Tababar ku saabsan Xaqiijinta Xogta iyo La Dagaallanka Wararka Khaldan
Hiiraanweyn