Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Madasha Samatabixinta oo Ka Digtay Qorshe Lagu Baarayo Guriga Gen. Odawaa Yuusuf Raage

Muqdisho – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay waxa ay ku tilmaamtay qorshe lagu doonayo in lagu baaro guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay sare u kacayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in […]

SO
Madasha Samatabixinta oo Ka Digtay Qorshe Lagu Baarayo Guriga Gen. Odawaa Yuusuf Raage
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay qorshe lagu baarayo guriga Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Maxaa la shaaciyey

  1. Madasha Samatabixinta ayaa walaac ka muujisay tallaabooyinka dowladda, gaar ahaan baaritaanka guriga Janaraal Odawaa.
  2. Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay qorshe lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah.
  3. Madasha ayaa ku baaqday in la fogaado falal keeni kara iska horimaadyo cusub.

Macnaha guud

Xiisadaha amni iyo siyaasadeed ee Muqdisho ayaa sare u kacaya, iyadoo ciidamada dowladda ay hareereeyeen guriga Janaraal Odawaa.

Madasha ayaa sheegtay in ay ka digeyso tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaadyo cusub.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed
Muqdisho
2026-06-06

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha amni ee Muqdisho iyo tallaabooyinka dowladda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay waxa ay ku tilmaamtay qorshe lagu doonayo in lagu baaro guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay sare u kacayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan tallaabooyinka ay dowladda waddo, gaar ahaan kaddib markii Taliska Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir uu shaaciyay qorshe lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah ee ku sugan xaafadihii dhowaan lagu dagaallamay.

Madasha ayaa sheegtay in ay ka digeyso tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaadyo cusub ama sii xumeyn karta xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ugu baaqay dowladda inay ka fogaato falal horseedi kara xiisad hor leh.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay habeenkii hore hareereeyeen guriga degmada Cabdicasiis uu ka degan yahay Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay adkeeyeen dhaq-dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga gurigaasi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin ujeeddada tallaabadaas.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralqorsheyuusufraage
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.