Mareykanka oo dowladda Sacuudiga la xiriiriyey nin ay xireen isagoo wax jaajuusaya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in injineer hore uga tirsanaa OpenAI, Abdulrahman Alfozan, lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah u dhex dhigay qalab wax duuba qolka shirarka, isla markaana la aaminsan yahay inuu taageero ka helay dowladda Sacuudiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dokumiintiyo ay maxkamad u gudbisay xeer-ilaalinta ayaa lagu caddeeyay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abdulrahman Alfozan, da’diisuna tahay 35 jir, uu xiriir joogto ah la lahaa xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga.
- Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in sarkaal ka tirsan milatariga dalkaas uu bixiyay tikidh diyaaradeed oo hal dhinac ah (one-way ticket) oo ay xaaskiisa iyo wiilkiisa yar dib ugu laabteen Sacuudiga kaddib markii isaga la xiray.
- Dowladda Mareykanka ayaa garsooraha maxkamadda federaalka ka codsatay in Alfozan lagu sii hayo xabsiga inta dacwaddiisu socoto, iyagoo ku dooday inuu jiro khatar xooggan oo ah inuu dalka ka baxsado haddii damaanad lagu sii daayo.
- Alfozan, oo u dhashay dalka Sacuudiga balse haysta sharciga deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka (Green Card), ayaa lagu wadaa inuu hor yimaado maxkamadda federaalka ee magaalada San Francisco.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageerada Alfozan ee dowladda Sacuudiga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Injineer hore uga tirsanaa shirkadda OpenAI, oo magaciisa lagu sheegay Abdulrahman Alfozan, ayaa lagu eedeeyay inuu qalab wax duuba si qarsoodi ah u dhex dhigay qolka shirarka.
- Waxaa la aaminsan yahay inuu taageero la taaban karo ka helay dowladda Sacuudi Carabiya.
- Dowladda Mareykanka ayaa garsooraha maxkamadda federaalka ka codsatay in Alfozan lagu sii hayo xabsiga inta dacwaddiisu socoto.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
San Francisco (Caasmada Online) — Injineer hore uga tirsanaa shirkadda caanka ah ee OpenAI, oo lagu eedeeyay inuu qalab wax duuba si qarsoodi ah u dhex dhigay qolka shirarka madaxda sare ee shirkadda, ayaa la aaminsan yahay inuu taageero la taaban karo ka helay dowladda Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka Mareykanka.
Dokumiintiyo ay maxkamad u gudbisay xeer-ilaalinta ayaa lagu caddeeyay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abdulrahman Alfozan, da’diisuna tahay 35 jir, uu xiriir joogto ah la lahaa xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in sarkaal ka tirsan milatariga dalkaas uu bixiyay tikidh diyaaradeed oo hal dhinac ah (one-way ticket) oo ay xaaskiisa iyo wiilkiisa yar dib ugu laabteen Sacuudiga kaddib markii isaga la xiray.
Dowladda Mareykanka ayaa garsooraha maxkamadda federaalka ka codsatay in Alfozan lagu sii hayo xabsiga inta dacwaddiisu socoto, iyagoo ku dooday inuu jiro khatar xooggan oo ah inuu dalka ka baxsado haddii damaanad lagu sii daayo.
Alfozan, oo u dhashay dalka Sacuudiga balse haysta sharciga deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka (Green Card), ayaa lagu wadaa inuu hor yimaado maxkamadda federaalka ee magaalada San Francisco.
Kiiskan ayaa daaha ka fayday loolanka adag iyo caqabadaha dhanka amniga ah ee ku xeeran cilmi-baarista sirdoonka macmalka ah (AI), xilli dowladaha iyo shirkadaha waaweyn ee dunidu ay tartan ba’an ugu jiraan cidda hoggaanka u qabanaysa teknoolajiyaddan mustaqbalka hagaysa.
Qalab lagu dhex qariyay TV-ga gadaashiisa
Sida ku cad dacwadda ciqaabta ah, Alfozan ayaa qalab casri ah oo si gaar ah loo habeeyay xogtiisana la sireeyay (encrypted) ku dhex xiray telefishin ku yaallay qolka shirarka fulinta ee xarunta OpenAI (Shirkadda sameysay ChatGPT) ku leedahay magaalada San Francisco.
Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in xilligii qalabkaas la rakibayay ay qolka ka socdeen kulamo xasaasi ah oo ay ku lug lahaayeen madaxda ugu sarreysa shirkadda, ganacsato heer caalami ah iyo xubno ka tirsan dowladda Mareykanka.
Shirkadda OpenAI ayaa sheegtay inay qalabkaas ogaatay 30-kii bishii Sebtembar, kaddibna ay xogta u gudbisay hay’adda dambi-baarista federaalka Mareykanka ee FBI.
Xogta dacwadda ayaa sidoo kale muujisay in xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga uu isku dayay inuu Alfozan u qoro jago la xiriirta howlaha AI ee gudaha Sacuudiga, isagoo fariin ugu qoray: “Sacuudigu wuxuu kuugu baahan yahay si ka badan sida Mareykanku kuugu baahan yahay!” taasoo Alfozan uu kaga jawaabay “100%”.
Kahor xariggiisa, Alfozan ayaa qorsheeyay inuu u duulo magaalada Riyadh xilli uu ku jiray fasax aabbannimo oo laba bilood ah. Xaaskiisa ayaa baareyaasha u xaqiijisay inay qorsheeyeen inay si joogto ah ugu guuraan Sacuudiga, uuna isaguna dib dambe kaga daba iman lahaa.
Difaaca qareenka iyo taariikhda Alfozan
Qareenka difaacaya Alfozan, William Pernik, ayaa maxkamadda ka codsaday in damaanad lagu sii daayo, isagoo oggolaaday shuruudo ay ka mid yihiin in qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa lagu xiro lagana qaado baasaboorka.
Qareenka ayaa ku dooday in Alfozan uu 15-kii sano ee la soo dhaafay deganaa Mareykanka isla markaana uu dalbaday dhalashada dalka, socdaalkiisii Sacuudigana uu ahaa mid qoys oo la qorsheeyay ka hor inta aan baaritaanku bilaaban.
Alfozan ayaa hore ula soo shaqeeyay shirkadda Facebook, waxaana bishii hore wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu sanadkiiba dhowr jeer booqdo Sacuudiga si uu talooyin u siiyo shirkadaha dhallinyarada ah ee dalkaas ka unkama.
Wuxuu tilmaamay in kulan uu sannadkii 2016-kii la yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku dhiirrigeliyay inuu aqoon ka kororsado shirkadaha ugu waaweyn Mareykanka ka hor inta uusan xirfaddiisa dib ugu celin dalkiisa hooyo.
Xafiiska warfaafinta dowladda Sacuudiga ayaan wali wax war ah ka soo saarin eedeymahan cusub, xilli laamaha amniga ee Mareykankuna ay sheegeen in baaritaanku uu weli socdo eedeymo dheeraad ahna lagu soo oogi karo eedeysanaha.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in injineer hore uga tirsanaa OpenAI, Abdulrahman Alfozan, lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah u dhex dhigay qalab wax duuba qolka shirarka, isla markaana la aaminsan yahay inuu taageero ka helay dowladda Sacuudiga.
Qodobada muhiimka ah
- Injineer hore uga tirsanaa shirkadda OpenAI, oo magaciisa lagu sheegay Abdulrahman Alfozan, ayaa lagu eedeeyay inuu qalab wax duuba si qarsoodi ah u dhex dhigay qolka shirarka.
- Waxaa la aaminsan yahay inuu taageero la taaban karo ka helay dowladda Sacuudi Carabiya.
- Dowladda Mareykanka ayaa garsooraha maxkamadda federaalka ka codsatay in Alfozan lagu sii hayo xabsiga inta dacwaddiisu socoto.
- Alfozan ayaa qorsheeyay inuu u duulo magaalada Riyadh xilli uu ku jiray fasax aabbannimo oo laba bilood ah ka hor inta aan la xirayn.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay eedeymo ay soo jeediyeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka Mareykanka oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Alfozan ama kooxdiisa difaaca oo ku saabsan eedeymaha.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaqiijinta taageerada la sheegay in laga helay dowladda Sacuudiga.
Gunaanadka akhristaha
Kiiskan wuxuu muujinayaa walaacyada amniga ee la xiriira cilmi-baarista sirdoonka macmalka ah iyo xiriirka caalamiga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageerada Alfozan ee dowladda Sacuudiga?
- Maxay noqon doontaa saamaynta kiiskan ee xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga?
- Sidee ayey hawlgallada sharciga u saameyn doonaan xaaladda socdaalka Alfozan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mareykanka · wax · dowladda