Mareykanka oo kordhiyey masaafurinta Soomaalida iyo 500 qof oo Minnesota lagu…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in tirada Soomaalida ku nool Minnesota ee wajahaya amarro masaafurin ay si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo in ka badan 500 qof ay heleen amarro noocaas ah, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii 2025.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wargeyska Minnesota Star Tribune, oo falanqeeyay xogta dowladda federaalka, ayaa sheegay in guud ahaan in ka badan 1,000 Soomaali magangelyo-doon ah lagu amray inay ka baxaan Mareykanka tan iyo bishii February, kuwaas oo in ka badan kala bar ay ku nool yihiin Minnesota.
- Qaar ka mid ah dadkaas ayaa durba laga masaafuriyey Mareykanka, halka kuwo kalena loo wareejiyey xarumo lagu hayo dadka socdaalka, oo ay ku jirto xarunta ciidamada Mareykanka ee Guantánamo Bay ee Cuba, sida uu qoray wargeysku.
- Kororka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dedejiyey dacwadaha magangelyo-doonka, isla markaana uu yareeyey qaar ka mid ah waddooyinkii sharci ee Soomaalida u oggolaanayey inay sii joogaan Mareykanka.
- Inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin Mareykan ah, waxay haystaan sharci ay dalka ku joogaan ama waxay ku jiraan habraaca codsiga magangelyada, sida ay sheegtay Star Tribune.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsaday go'aaminta amarada masaafurinta?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah oo ku nool Minnesota ayaa sanadkan helay amarro masaafurin, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii 2025.
- Tan iyo bishii February, in ka badan 1,000 Soomaali magangelyo-doon ah ayaa lagu amray inay ka baxaan Mareykanka, kuwaas oo in ka badan kala bar ay ku nool yihiin Minnesota.
- Maamulka Trump ayaa dedejiyey dacwadaha magangelyo-doonka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyada oo loo marayo nidaam dacwooyin degdeg ah oo loo bixiyey “rocket docket”.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Minneapolis (Caasimada Online) — Tirada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee lagu amray in laga masaafuriyo Mareykanka ayaa si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo in ka badan 500 oo qof ay heleen amarro masaafurin, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii sanadkii 2025.
Wargeyska Minnesota Star Tribune, oo falanqeeyay xogta dowladda federaalka, ayaa sheegay in guud ahaan in ka badan 1,000 Soomaali magangelyo-doon ah lagu amray inay ka baxaan Mareykanka tan iyo bishii February, kuwaas oo in ka badan kala bar ay ku nool yihiin Minnesota.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa durba laga masaafuriyey Mareykanka, halka kuwo kalena loo wareejiyey xarumo lagu hayo dadka socdaalka, oo ay ku jirto xarunta ciidamada Mareykanka ee Guantánamo Bay ee Cuba, sida uu qoray wargeysku.
Kororka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dedejiyey dacwadaha magangelyo-doonka, isla markaana uu yareeyey qaar ka mid ah waddooyinkii sharci ee Soomaalida u oggolaanayey inay sii joogaan Mareykanka.
Inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin Mareykan ah, waxay haystaan sharci ay dalka ku joogaan ama waxay ku jiraan habraaca codsiga magangelyada, sida ay sheegtay Star Tribune. Minnesota waxaa ku nool bulshada Soomaaliyeed ee ugu weyn Mareykanka.
Bishii February, maamulka Trump ayaa bilaabay nidaam dacwooyin degdeg ah oo loo bixiyey “rocket docket”, kaas oo garsoorayaasha socdaalka u oggolaanaya inay internet-ka ku qaadaan dacwadaha la xiriira muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Star Tribune ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay qareennada socdaalka ku khasabtay inay muddo gaaban ku diyaariyaan dacwado markii hore loo qorsheeyey sannad ama ka badan kadib.
Ku dhowaad dhammaan go’aannada masaafurinta Soomaalida ee siddeedii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ayaa kasoo baxay nidaamkaas degdegga ah, sida uu wargeysku sheegay.
Qareenno ku takhasusay arrimaha socdaalka ayaa Star Tribune u sheegay inay tahay arrin aan hore loo arag in maxkamadaha socdaalka loo sameeyo jadwal dacwadeed si gaar ah ugu wajahan dad kasoo jeeda hal waddan.
Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in dadka magangelyo-doonka ahi aysan helin waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan dacwadahooda.
Afhayeen u hadlay maxkamadaha socdaalka ayaa dhinaca kale sheegay in nidaamku mudnaan siinayo “in dacwadaha lagu soo gabagabeeyo waqtigooda”, isaga oo xusay in sharciga federaalka uu dhigayo in codsiyada magangelyada lagu go’aamiyo 180 maalmood gudahood.
“Dib-u-dhac aan loo baahnayn wuxuu dhaawacayaa dadka leh dacwadaha saxda ah iyo shacabka Mareykanka ee doonaya in dadka aan lahayn dacwado sax ah sida ugu dhaqsaha badan dalka looga saaro,” ayuu afhayeenku u sheegay Star Tribune.
Wargeysku wuxuu sheegay in qiyaastii 2.3 milyan oo codsi magangelyo ah ay weli ku jiraan maxkamadaha socdaalka ee Mareykanka.
DhammaadkaTPS
Maamulka Trump ayaa sidoo kale 17-kii March soo afjaray barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaaliya, kaas oo qaar ka mid ah Soomaalida siinayey ilaalin ku-meel-gaar ah oo ka hortageysay in la masaafuriyo.
Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay inay qiimeyn kadib ku soo gabagabeysay in Soomaaliya aysan mar dambe buuxin shuruudaha sharci ee barnaamijka TPS.
Joojinta TPS-ka si toos ah ugama dhigna in qof kasta oo horay barnaamijka uga tirsanaa la masaafurinayo. Dadka haysta sharci kale oo ay Mareykanka ku joogaan way sii joogi karaan, halka codsiyada magangelyada iyo noocyada kale ee ilaalinta sharciyeed lagu go’aamiyo hannaan gooni ah.
DHS ayaa sheegtay in 1,082 qof ay haysteen TPS-ka Soomaaliya bishii December 2025, halka 1,383 codsi oo kale ay weli sugayeen go’aan.
Dhanka kale, qaar ka mid ah Soomaalida laga saarayo Mareykanka ayaa loo sii marsiiyey dalal kale.
Caasimada Online ayaa hore u werisay in Soomaali lagu hayay Guantánamo Bay, halka Star Tribune ay sheegtay in ugu yaraan laba qof oo kasoo jeeda Minnesota ay ka mid ahaayeen Soomaalidii halkaas loo wareejiyey.
Qareen Marc Prokosch, oo matalay afar nin oo Guantánamo lagu hayay, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “xeelad cabsi-gelin siyaasadeed”.
Afarta nin ayaa ku dhowaad bil ku qaatay Guantánamo ka hor inta aan loo qaadin Kenya. Prokosch ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah raggaasi uu markii dambe gaaray Muqdisho.
Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee ICE ayaa difaacday in dadka qaar loo masaafuriyo dal saddexaad, iyadoo sheegtay in heshiisyada noocaas ahi gacan ka geystaan fulinta amarada masaafurinta.
Muranka ku saabsan masaafurinta Soomaalida ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo hay’adaha dowladda Mareykanka ay bixiyeen qiimeynno kala duwan oo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya.
Star Tribune ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha iyo Waaxda Cadaaladda ay maxkamadaha socdaalka u gudbiyeen qoraallo ay ku doodayaan in xaaladda Soomaaliya ay saamaxeyso in qaar ka mid ah Soomaalida dib loogu celiyo dalka.
Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay Soomaaliya weli ku haysaa heerka ugu sarreeya ee digniinta safarka, Level 4: Do Not Travel, iyadoo sabab uga dhigaysa argagixiso, afduub, dambiyo iyo xaalado amni-darro.
Kala duwanaanshaha qiimeyntaas ayaa hadda qeyb ka noqday doodaha sharci ee ku saabsan in Soomaalida wajahaya masaafurinta si ammaan ah dib loogu celin karo Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in tirada Soomaalida ku nool Minnesota ee wajahaya amarro masaafurin ay si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo in ka badan 500 qof ay heleen amarro noocaas ah, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii 2025.
Qodobada muhiimka ah
- In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah oo ku nool Minnesota ayaa sanadkan helay amarro masaafurin, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii 2025.
- Tan iyo bishii February, in ka badan 1,000 Soomaali magangelyo-doon ah ayaa lagu amray inay ka baxaan Mareykanka, kuwaas oo in ka badan kala bar ay ku nool yihiin Minnesota.
- Maamulka Trump ayaa dedejiyey dacwadaha magangelyo-doonka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyada oo loo marayo nidaam dacwooyin degdeg ah oo loo bixiyey “rocket docket”.
- Maamulka Trump ayaa sidoo kale 17-kii March soo afjaray barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay xogta ay falanqeeyeen Minnesota Star Tribune.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada masaafurinta.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha maamulka Trump ee ku saabsan siyaasadaha masaafurinta.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaashu waa inay ka warqabaan kororka amarada masaafurinta ee saameynaya bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo saamaynta isbeddelada siyaasadeed ee dhawaan dhacay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsaday go'aaminta amarada masaafurinta?
- Immisa ka mid ah dadka la masaafurinayo ayaa horey looga saaray Mareykanka?
- Maxay yihiin fursadaha sharciga ee ay haystaan dadka ay saameeyeen amarada masaafurinta?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaalida · minnesota · mareykanka