Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wardheer Newsgeneral

Marka Khilaaf Siyaasaddeed Isu Beddelo Su’aal Qaran

W/Q: Nuur Xasan Guure (Nuuradiin) Soomaaliya maanta kuma jirto muran doorasho keliya, khilaafkuna ma aha mid lagu xallin karo hadal kooban, shir-jaraa’id, ama guul hal dhinac u muuqata. Waxa dalka horyaalla waa imtixaan qaran oo taabanaya saldhigga sharci ee dowladda, xasilloonida hay’adaha, isku-haynta nidaamka federaalka, iyo aaminaadda bulshada Soomaaliyeed ee dowladnimada. Khilaafka hadd

SO
Marka Khilaaf Siyaasaddeed Isu Beddelo Su’aal Qaran
Sawir / xog muuqaal ah · Wardheer News
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wardheer News

W/Q: Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)

Soomaaliya maanta kuma jirto muran doorasho keliya, khilaafkuna ma aha mid lagu xallin karo hadal kooban, shir-jaraa’id, ama guul hal dhinac u muuqata. Waxa dalka horyaalla waa imtixaan qaran oo taabanaya saldhigga sharci ee dowladda, xasilloonida hay’adaha, isku-haynta nidaamka federaalka, iyo aaminaadda bulshada Soomaaliyeed ee dowladnimada.

Khilaafka hadda jira wuxuu ka gudbay heer tartan siyaasaddeed. Wuxuu gaaray marxalad la isku hayo cidda xaqa u leh hoggaaminta, cidda maamuli karta kala-guurka, iyo cidda lagu aamini karo mustaqbalka nidaamka dowladeed. Marka dooddu halkaas gaarto, arrintu ma sii ahaato muran u dhexeeya xisbiyo ama kooxo siyaasadeed; waxay isu beddeshaa su’aal qaran oo u baahan masuuliyad, deggenaan, iyo garasho dowladnimo.

Muddo-xileedkii Baarlamaanka Federaalka wuxuu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku ekaa 15-kii May 2026. Iyadoo aysan jirin doorasho la isku wada raacsan ydahay, hannaan kala-guur oo cad, ama is-afgarad siyaasaddeed oo qaran, dalka wuxuu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed ah. Hay’adihii federaalka weli way shaqeynayaan, balse aqbaliddooda gudaha si weyn ayaa loogu muransan yahay. Taasi waa xaqiiqo siyaasaddeed oo aan la iska indho tiri karin.

Isha: Wardheer News. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wardheer News
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralqaranisumarka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.