Masar oo 48 saacadoodna u qabatay inuu dalka ka baxo Safiirka Itoobiya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMasar ayaa ku dhawaaqday in ay dalka ka saartay lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya, iyadoo siisay 48 saacadood inuu dalka ka baxo, taas oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go'aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Masar ayaa go’aankii Itoobiya ee ahaa in xubin ka tirsan shaqaalaha Safaaradda Masar loo aqoonsado persona non grata ku tilmaamay mid “wax laga xumaado” oo aan xaq ahayn.
- Ilo wareedka ayaa sheegay in Masar ay si joogto ah u diidday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, isla markaana ay ka gaabsatay inay faragelin ama faallo ka bixiso arrimaha gudaha ee dalal kale, oo ay ku jirto Itoobiya, iyadoo arrintaas lagu saleynayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
- Ilo wareedka ayaa sidoo kale dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay marar badan dhibaatooyinka iyo caqabadaha gudaha dalka u aaneyso faragelin ay sameeyaan dhinacyo shisheeye.
- Iyadoo ka jawaabaysa tallaabada Itoobiya, Masar ayaa lataliyaha Safaaradda Itoobiya ee Qaahira ku dhawaaqday inuu yahay shaqsiga aan loogu baahneyn dalka , waxayna ku amartay inuu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo tallaabada ku sababaysay mabda’a is-afgaradka diblomaasiyadeed.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay Itoobiya ku sheegtay sababaha ay u saartay diblomaasiga Masar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Masar ayaa lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya 48 saacadood u qabatay inuu dalka ka baxo.
- Tallaabadan oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
- Ilo wareedka ayaa sheegay in Masar ay si joogto ah u diidday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Qaahira – Masar ayaa ku dhawaaqday inay dalka ka saartay lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Qaahira, iyadoo siisay muddo 48 saacadood ah inuu kaga baxo dalka, tallaabadan oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Masar ayaa go’aankii Itoobiya ee ahaa in xubin ka tirsan shaqaalaha Safaaradda Masar loo aqoonsado persona non grata ku tilmaamay mid “wax laga xumaado” oo aan xaq ahayn.
Ilo wareedka ayaa sheegay in Masar ay si joogto ah u diidday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, isla markaana ay ka gaabsatay inay faragelin ama faallo ka bixiso arrimaha gudaha ee dalal kale, oo ay ku jirto Itoobiya, iyadoo arrintaas lagu saleynayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Ilo wareedka ayaa sidoo kale dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay marar badan dhibaatooyinka iyo caqabadaha gudaha dalka u aaneyso faragelin ay sameeyaan dhinacyo shisheeye.
Iyadoo ka jawaabaysa tallaabada Itoobiya, Masar ayaa lataliyaha Safaaradda Itoobiya ee Qaahira ku dhawaaqday inuu yahay shaqsiga aan loogu baahneyn dalka , waxayna ku amartay inuu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo tallaabada ku sababaysay mabda’a is-afgaradka diblomaasiyadeed.
Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii Itoobiya ay Khamiistii hore ku dhawaaqday, kaas oo ay xubin ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda Masar, Ahmed Moharam Ahmed Soliman, ugu aqoonsatay persona non grata, iyadoo ku amartay inuu Itoobiya kaga baxo 48 saacadood gudahood.
Is-dhaafsiga tallaabooyinka diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Masar uu wajahayo xiisado sii kordhaya, iyadoo labada dal ay sidoo kale muddo dheer isku hayeen arrimo la xiriira Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo xaaladda amni ee gobolka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Masar ayaa ku dhawaaqday in ay dalka ka saartay lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya, iyadoo siisay 48 saacadood inuu dalka ka baxo, taas oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go'aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
Qodobada muhiimka ah
- Masar ayaa lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya 48 saacadood u qabatay inuu dalka ka baxo.
- Tallaabadan oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
- Ilo wareedka ayaa sheegay in Masar ay si joogto ah u diidday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.
- Is-dhaafsiga tallaabooyinka diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Masar uu wajahayo xiisado sii kordhaya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan la magacaabin oo ka tirsan dowladda Masar.
- Lama helin wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta Itoobiya ku saabsan eedeynta.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
Gunaanadka akhristaha
Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa hadda khilaafsan, sida ay muujinayaan eedeymaha diblomaasiyadeed ee dhawaan dhacay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay Itoobiya ku sheegtay sababaha ay u saartay diblomaasiga Masar?
- Sidee ayey xiisadaha diblomaasiyadeed u saameyn doonaan xiriirka Masar iyo Itoobiya mustaqbalka?
- Maxay talaabooyin kale oo Masar qaadi doontaa ka dib markii Itoobiya ay diblomaasi ka saartay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · dalka · baxo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Masar oo Dalkeeda ka eriday la-taliyaha Safaaradda Itoobiya kadib markii Addis Ababa ay Tillaabo taas lamid ah qaaday
Goobjoog Somali
- DEG DEG: Itoobiya oo cayrisay diblomaasi Masri una qabatay 48 saac
Caasimada Online
- Itoobiya oo ku dhawaaqday in dalka ay ka ceyrisay diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaaradda Masar ee Addis Ababa
Hiiraanweyn