Masar oo la Sheegay inay Waqooyiga Muqdisho ka Diyaarinayso Goob Ciidamadeeda la Dejiyo
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMasar ayaa la sheegay inay diyaarinayso goob waqooyiga Muqdisho ah si ay ciidamo ugu dejiso Soomaaliya, iyadoo goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaKa-qaybgalka ciidamada Masar ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo taageerada dadaallada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.
- Goobtan ayaa ku taalla waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto qaybta ugu dhow ee xadka beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
- Warbixintan ayaa ka duwan xogihii hore ee ciidamada Masar la xiriirinayey gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo ku dhow xadka Itoobiya.
- Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dowladda Masar weli si rasmi ah uma xaqiijin in deegaanka Ceelcade laga dhisayo saldhig ciidan ama xarun tababar oo ay isticmaali doonaan ciidamada Masar.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Masar ee la qorsheynayo in la soo diro waa imisa?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Masar ayaa la sheegay inay diyaarinayso goob waqooyiga Muqdisho ah si ay ciidamo ugu dejiso Soomaaliya.
- Goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
- Goobtan ayaa ku taalla waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto qaybta ugu dhow ee xadka beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil, la-taliyeyaal iyo kooxo farsamo oo Masaari ah ay diyaarinayaan goob la dejiyo ciidamo laga qorsheynayo inay Masar u soo dirto Soomaaliya, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka rasmiga ah ee la dejin doono.
Warbixin uu baahiyey wargeyska The New Arab ayaa tilmaantay in goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobtan ayaa ku taalla waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto qaybta ugu dhow ee xadka beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warbixintan ayaa ka duwan xogihii hore ee ciidamada Masar la xiriirinayey gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo ku dhow xadka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dowladda Masar weli si rasmi ah uma xaqiijin in deegaanka Ceelcade laga dhisayo saldhig ciidan ama xarun tababar oo ay isticmaali doonaan ciidamada Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sannadkii 2025 sheegay in ciidamada Masar aan loo qorsheyn inay ka hawlgalaan xadka Itoobiya, balse la dejin doono qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay hore uga hawlgeli jireen ciidamada Burundi. Madaxweynaha ayaa xilligaas si gaar ah u xusay aagga u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Mahadaay.
Masar ayaa hore u xaqiijisay inay ciidamo ku biirinayso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Labada dal ayaa sidoo kale sannadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah.
Bilihii la soo dhaafay, wafdiyo militari oo Masaari ah ayaa Muqdisho kulammo kula yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wadahadallada ayaa la sheegay inay la xiriireen tababarka, tayeynta iyo kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliya.
Ka-qaybgalka ciidamada Masar ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo taageerada dadaallada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.
Hardanka u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sare u qaadaya muhiimadda ay leedahay in si cad loo qeexo goobaha ay ciidamada Masar ka hawlgeli doonaan iyo waajibaadkooda.
Inkastoo ka-qaybgalka Masar ee AUSSOM hore loo xaqiijiyey, haddana tirada ciidamada la soo dirayo, goobta rasmiga ah ee la dejinayo iyo waqtiga ay Soomaaliya imaanayaan weli si faahfaahsan looma shaacin.
Waxaa sidaas darteed muhiim ah in dowladda Federaalka Soomaaliya ay caddeyso xogta ku saabsan goobta la soo sheegay, gaar ahaan in loo qorsheeyey saldhig joogto ah, xarun tababar ama fariisin ciidan oo hoos imanaysa howlgalka AUSSOM.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Masar ayaa la sheegay inay diyaarinayso goob waqooyiga Muqdisho ah si ay ciidamo ugu dejiso Soomaaliya, iyadoo goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qodobada muhiimka ah
- Masar ayaa la sheegay inay diyaarinayso goob waqooyiga Muqdisho ah si ay ciidamo ugu dejiso Soomaaliya.
- Goobta la qorsheynayo ay tahay deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonkii hore ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
- Goobtan ayaa ku taalla waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto qaybta ugu dhow ee xadka beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
- Masar ayaa hore u xaqiijisay inay ciidamo ku biirinayso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin ka timid dowladda Soomaaliya ama dowladda Masar oo ku saabsan dhismaha saldhig ciidan ama xarun tababar.
- Faahfaahinta ku saabsan tirada ciidamada la soo dirayo iyo waqtiga ay Soomaaliya imaanayaan lama sheegin.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warar aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Dejinta ciidamada Masar ee Soomaaliya waxay saameyn ku yeelan kartaa xaaladaha amniga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Masar ee la qorsheynayo in la soo diro waa imisa?
- Goormaa ciidamada Masar ay Soomaaliya imaan doonaan?
- Waa maxay doorka gaarka ah ee ciidamada Masar ay ka ciyaari doonaan howlgalka AUSSOM?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · inay · goob · masar
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Xogta halka ay degayaaan ciidamada Masar ee ku soo wajahan Soomaaliya
Caasimada Online
- Garsoore Cumar Cartan oo la Sheegay inuu Dawladda Masar ka Dalbaday inuu Dhexdhexaadiyo Ciyaaraha Dalkaas
Goobjoog Somali
- Mareykanka oo shaaciyey in Xuutiyiinta ay soo gaareen Waqooyiga Somalia + Qorshaha
Caasimada Online