Maxay yihiin shaqsiyaadka la socda bannaanbaxayaasha mucaaradka ee boolisku xirayo?
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo lagu soo qabanayo rag hubeysan oo la socda dibadbaxayaasha mucaaradka dowladda. Taliyaha ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay handadaad u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, isla markaana la hayo xogtooda oo […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo lagu soo qabanayo rag hubeysan oo la socda dibadbaxayaasha mucaaradka dowladda.
Taliyaha ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay handadaad u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, isla markaana la hayo xogtooda oo dhameystiran. Waxa uu xusay in boolisku hayo sawirrada, magacyada iyo macluumaad kale oo suurtagelin kara in si degdeg ah loo soo qabto.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in dadka hubeysan iyo cid kasta oo gacan siisa ay la kulmi doonaan tallaabooyin sharciyeed, isaga oo shacabka uga digay inay ku lug yeeshaan falal lid ku ah amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha ammaanku ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira dibadbaxyada.
“Maleeshiyaadka iyo dadka la jooga guryahooda waxa aan leenahay waa la idinla xisaabtamayaa. Magacyadiinna, sawirradiinna iyo xogtiinna waa la hayaa, qof walbana NIRA ayuu leeyahay, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan