Wasiir kula taliyay mucaaradka inay u guuraan Dayniile iyo Gubadley
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho. Jaamac ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka oo ka cawday baraha koontarool ee Muqdisho, isaga oo kula taliyay inay […] Th

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.
Jaamac ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka oo ka cawday baraha koontarool ee Muqdisho, isaga oo kula taliyay inay u guuraan daafaha caasimada, gaar ahaan Degmooyinka Dayniile iyo Gubadley ee Gobolka Banaadir.
“Ilma adeerayaalow, madasha calaacalkaay, maadaama aad ka cabateen checkpointska amniga caasimadda lagu sugaayo, waxaad u guurtaan daafaha Daayniile, Suuqa Xoolaha iyo Gubadleey, iyagaa idiin sahlane,” ayuur yiri Jaamac.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay u fududeyn doonaan haddii ay guurayaan, isla markaana lagala hadli doono saraakiisha amniga, sida uu hadalka u dhigay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan