Mucaaradka oo si weyn usoo dhaweeyay doorashada hoggaamiyaha cusub ee Galmudug
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in xubnaha mucaaradka ay si weyn usoo dhaweeyeen doorashada hoggaamiyayaasha cusub Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdiweli Ibraahim Garyarye ee Galmudug.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo kamid ah hoggaanka Madasha Samatabixinta ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug, isaga oo u rajeeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyada culus loo igmaday.
- “Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Liibaan Axmed Xasan oo maanta loo doortay Madaxwaynaha cusub ee Galmudug .
- Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddana kamid ah Isbahaysiga Haybad Qaran ayaa isaguna hambalyo diiran u diray Madaxweynaha la doortay Liibaan Axmed Xasan, wuxuuna sheegay in Liibaan uu yahay hoggaamiyiihii loo baahna ee xilligan lagu jiro marxalada adag ka saari kara Galmudug.
- “Hambalyo mudane Liibaan Axmed Xasan oo maanta Baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee hoggaamiyayaasha cusub ay hirgelin doonaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdiweli Ibraahim Garyarye ayaa loo doortay hoggaamiyayaasha cusub ee Galmudug.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
- Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isaguna hambalyo diiran u diray Madaxweynaha la doortay Liibaan Axmed Xasan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii ka dhacday maamulka Galmudug oo ay kusoo baxay Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdiweli Ibraahim Garyarye, kadib markii loo doortay madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.
Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo kamid ah hoggaanka Madasha Samatabixinta ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug, isaga oo u rajeeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyada culus loo igmaday.
“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Liibaan Axmed Xasan oo maanta loo doortay Madaxwaynaha cusub ee Galmudug . Waxaan ugu ducaynayaa in Allah u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu qaaday,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddana kamid ah Isbahaysiga Haybad Qaran ayaa isaguna hambalyo diiran u diray Madaxweynaha la doortay Liibaan Axmed Xasan, wuxuuna sheegay in Liibaan uu yahay hoggaamiyiihii loo baahna ee xilligan lagu jiro marxalada adag ka saari kara Galmudug.
“Hambalyo mudane Liibaan Axmed Xasan oo maanta Baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug. Madaxweyne Liibaan oo ah qof aan aqoon dheer u leeyahay, islana soo shaqeynay, waxaan ku aqaana inuu yahay masuul wax-garad ah, miisaaman, oday ah, karti badan, wax quur leh, xog ogaal buuxana u ah dadka iyo deegaanka loo doortay. Waxaana aaminsanahay inuu yahay hogaamiyahii loo baahna ee marxaladan adag Galmudug ka saari lahaa, horumar iyo xasiloonina gaarsiin lahaa,” ayuu yiri Guuleed.
Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Waxaan kula dardaarmayaa una soo jeedinayaa waxgaradka iyo masuuliinta kala duwan ee Galmudug ka soo jeeda MUCAARAD iyo MUXAAFADBA in Madaxweynaha cusub si niyo sami leh loo soo dhaweeyo, loolana shaqeeyo . Madaxweynaha la doortay waxaan u rajeynayaa in Allah ku guuleeyo kuna garab galo gudashada waa jibaadkiisa”.
Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug, wuxuuna kula dardaarmay inuu xoogga saaro xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada reer Galmudug.
“Hambalyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liiban Ahmed Hassan LIIBAN AHMED HASSAN waa shaqsi aan aqoon fiican u leeyahay, kuna tilmaami karo qof leh karti, aragti iyo awood uu bulshada isugu keeni karo. Waxaan aaminsanahay inuu door muuqda ka qaadan karo xoojinta midnimada, wadajirka iyo is-afgaradka bulshada Galmudug. Waxaan kuu rajeynayaa in Alle kuu fududeeyo xilka culus ee laguu igmaday, kuna asturo masuuliyadda aad qaaday,” ayuu isna yiri Cabdiraxmaan Odowaa.
Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo isaguna u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Galmudug, wuxuuna yiri “Hambalyo Hambalyo Hambalyo. Waxaan u hambalyaynayaa guusha uu garay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Libaan Axmed Xassan. Xilka culus allah hakuu fududeeyo”.
Marka laga soo tago mucaaradka waxaa sidoo kale doorashada Liibaan Axmed Xasan ka hadlay xisbiga uu ka tirsan yahay ee JSP, ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo soo dhaweeyay guusha uu ka gaaray doorashada Maamulka Galmudug.
“Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu hambalyo u dirayaa Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku asturo xilka loo igmaday, kuna guuleysto xaqiijinta nabadda, midnimada iyo horumarka shacabka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal usoo saaray xisbiga.
Si kastaba, Liibaan Axmed Xasan oo muddo dheer kusoo jiray olole xooggan ayaa la tartamay musharrax Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye oo uu ugu dambeyn kaga guuleystay tartanka doorashada Galmudug, isaga oo kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 72 cod, halka madaxweyne ku xigeenka uu isna kusoo baxay Cabdiweli Ibraahim Garyarye oo helay 64 cod, iyada oo guushooda ay isbeddal maamul ka dhalisay Galmudug.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in xubnaha mucaaradka ay si weyn usoo dhaweeyeen doorashada hoggaamiyayaasha cusub Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdiweli Ibraahim Garyarye ee Galmudug.
Qodobada muhiimka ah
- Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdiweli Ibraahim Garyarye ayaa loo doortay hoggaamiyayaasha cusub ee Galmudug.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
- Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isaguna hambalyo diiran u diray Madaxweynaha la doortay Liibaan Axmed Xasan.
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha hoggaamiyayaasha la doortay.
- Eedeymaha ku saabsan taageerada siyaasiyiinta kala duwan waxay ku saleysan yihiin hadalladooda iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan habka doorashada.
Gunaanadka akhristaha
Doorashada hoggaamiyayaasha cusub ee Galmudug ayaa taageero ka heshay siyaasiyiin kala duwan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee hoggaamiyayaasha cusub ay hirgelin doonaan?
- Sidee ayey mucaaradka ula shaqeyn doonaan maamulka cusub?
- Maxay yihiin caqabadaha hogaaminta cusub ee Galmudug wajihi doonto?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mucaaradka · usoo · cusub
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada