Natiijada doorashadii Ilhaan Cumar iyo guud ahaan tii xilliga dhexe ee Mareykanka
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiIlhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada shanaad ee gobolka Minnesota kadib doorashadii ka dhacday 2-dii Nofembar 2026, sida ay shaaciyeen natiijooyinka horudhaca ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Shabakadda VoteHub ee la socota doorashooyinka Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u aqoonsatay musharraxa la saadaaliyey inuu ku guuleystay tartanka, taas oo u gogol xaareysa inay markii shanaad matasho degmada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga.
- Ilhaan ayaa doorashada la tartameysay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan.
- Guusha ayaa timid xilli ay weli socoto tirinta codadka doorashada, iyadoo natiijada kama dambaysta ah ay tahay mid ay xaqiijin doonaan mas’uuliyiinta doorashooyinka gobolka Minnesota.
- Degmada shanaad oo ay ku jirto magaalada Minneapolis iyo deegaanno ku hareereysan ayaa muddo dheer ahayd xarun ay ku xooggan yihiin Dimuqraadiyiinta, waxaana sidoo kale ku nool bulsho Soomaaliyeed oo aad u ballaaran.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelada siyaasadeed ee socda Minnesota iyo guulaha waaweyn ee xisbiga Dimoqraadiga ee doorashadii dhawaan.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan natiijooyinka kama dambaysta ah ee doorashada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada shanaad ee gobolka Minnesota.
- Ilhaan ayaa doorashada la tartameysay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan.
- Dimoqraadiga ayaa natiijada horudhaca ah waxay muujineysa in ay hanaan karaan in ka badam 240 kursi oo Aqalka Wakiilada ah iyo 53 ilaa 55 kursi oo Aqalka Senate-ka ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada shanaad ee gobolka Minnesota, kadib doorashadii Talaadadii ka dhacday dalkaasi, sida ay shaaciyeen natiijooyinka horudhaca ah.
Shabakadda VoteHub ee la socota doorashooyinka Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u aqoonsatay musharraxa la saadaaliyey inuu ku guuleystay tartanka, taas oo u gogol xaareysa inay markii shanaad matasho degmada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga.
Ilhaan ayaa doorashada la tartameysay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan.
Guusha ayaa timid xilli ay weli socoto tirinta codadka doorashada, iyadoo natiijada kama dambaysta ah ay tahay mid ay xaqiijin doonaan mas’uuliyiinta doorashooyinka gobolka Minnesota.
Degmada shanaad oo ay ku jirto magaalada Minneapolis iyo deegaanno ku hareereysan ayaa muddo dheer ahayd xarun ay ku xooggan yihiin Dimuqraadiyiinta, waxaana sidoo kale ku nool bulsho Soomaaliyeed oo aad u ballaaran.
Sidoo kale, xisbiga Dimoqraadiga ayaa guul taariikhi ah ka gaaray doorashooyinka, ayaga oo la wareegay labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, xilli guul darro culus ay gaartay Jamhuuriga.
Ayada oo weli kuraasta qaar aan la go’aamin, Dimoqraadiga ayaa natiijada horudhaca ah waxay muujineysa in ay hanaan karaan in ka badam 240 kursi oo Aqalka Wakiilada ah iyo 53 ilaa 55 kursi oo Aqalka Senate-ka ah, taasi oo siineysa aqlabiyadda labada aqal.
Tartankii doorashada
Ilhaan Cumar ayaa doorashadan kusoo gashay iyadoo haysata taageero xooggan, kadib markii ay bishii August ku guuleysatay doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga, taas oo ay ku heshay 80.7 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.
Guushaas ayaa si weyn uga duwaneyd tartankii adkaa ee ay la kulantay sanadkii 2024, markaas oo ay doorashada hordhaca ah kaga adkaatay Don Samuels, iyadoo heshay 56.2 boqolkiiba codadka.
Doorashadii guud ee 2024, Ilhaan ayaa ku guuleysatay 74.4 boqolkiiba codadka, halka musharraxii Jamhuuriga ee Dalia Al-Aqidi ay heshay 24.6 boqolkiiba.
John Nagel, oo ah sarkaal hore oo muddo 30 sano ah ka tirsanaa ciidamada ilaalada waddooyinka Minnesota, ayaa ololihiisa ku saleeyey canshuur-dhimis, adkeynta ammaanka xuduudaha iyo siyaasado adag oo ku saabsan socdaalka.
Si kastaba, saadaasha doorashada ee Decision Desk HQ ayaa maalintii codbixinta Ilhaan siisay fursad ka badan 99 boqolkiiba oo ay kursiga ku sii haysan karto, taas oo muujineysay sida ay u adkeyd in Jamhuurigu ku guuleysto degmadaasi.
Xiisadda Trump iyo Ilhaan
Doorashadan ayaa ku soo aaday xilli Ilhaan Cumar ay weli ka mid tahay siyaasiyiinta sida adag u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasadaha maamulkiisa, gaar ahaan kuwa la xiriira socdaalka iyo dadka soo-galootiga ah.
Ilhaan ayaa muddo dheer wajahaysay weerarro siyaasadeed oo uga imaanayey Trump iyo xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo marar badan dood ka dhigay mowqifyadeeda siyaasadeed iyo hadalladeeda ku saabsan siyaasadda gudaha iyo dibadda Mareykanka.
Waxaa sidoo kale hadda ku socda baaritaan ay waddo Waaxda Cadaaladda Mareykanka oo la xiriira arrimaha socdaalka iyo sida ay ku heshay dhalashada Mareykanka.
Dhankeeda, Ilhaan ayaa si joogto ah u difaacday xuquuqda muhaajiriinta, iyadoo sidoo kale taageertay ballaarinta adeegyada caafimaadka iyo tallaabooyinka lagu dhimayo qiimaha nolosha.
Sii joogitaankeeda Congress-ka ayaa ka dhigan in mid ka mid ah codadka ugu muuqda garabka horumarsan ee xisbiga Dimuqraadiga ay sii joogi doonto siyaasadda Washington.
Ilhaan Cumar ayaa taariikh sameysay sanadkii 2018, markii ay noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Golaha Wakiillada Mareykanka.
Waxay sidoo kale ka mid noqotay labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyey ee loo doorto golahaasi, iyadoo guusheedu soo jiidatay indhaha Soomaalida ku nool Mareykanka iyo dalalka kale.
Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis, ayaa hoy u ah mid ka mid ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee ugu waaweyn Mareykanka, waxaana Ilhaan ay noqotay shaqsi si weyn looga yaqaan siyaasadda dalkaasi.
Haddii saadaasha guusha la xaqiijiyo, Ilhaan ayaa bilaabi doonta muddo-xileedkeedii shanaad ee Congress-ka bisha January 2027, iyadoo sii ahaan doonta mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida asal ahaan kasoo jeeda ee ugu saameynta badan Mareykanka.
Doorashada Talaadada ayaa sidoo kale qeyb ka ah tartanka guud ee loogu jiro aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, iyadoo Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuurigu ay ku loollamayaan awoodda sharci-dejinta inta ka hartay muddo-xileedka madaxweyne Trump.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada shanaad ee gobolka Minnesota kadib doorashadii ka dhacday 2-dii Nofembar 2026, sida ay shaaciyeen natiijooyinka horudhaca ah.
Qodobada muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada shanaad ee gobolka Minnesota.
- Ilhaan ayaa doorashada la tartameysay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan.
- Dimoqraadiga ayaa natiijada horudhaca ah waxay muujineysa in ay hanaan karaan in ka badam 240 kursi oo Aqalka Wakiilada ah iyo 53 ilaa 55 kursi oo Aqalka Senate-ka ah.
- Ilhaan ayaa doorashada la tartameysay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
- Ma bixinayo jawaabaha musharrixiinta kale ama xisbiyada ku lugta leh doorashada.
- Natiijooyinka kama dambaysta ah weli lama xaqiijinayo mas'uuliyiinta doorashooyinka gobolka Minnesota.
Gunaanadka akhristaha
Guusha Ilhaan Cumar waxay xoojineysaa booskeeda sidii qof muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan natiijooyinka kama dambaysta ah ee doorashada?
- Sidee bay guulaha xisbiga Dimoqraadiga u saameyn doonaan sharci dejinta mustaqbalka?
- Waa maxay siyaasadaha gaarka ah ee Ilhaan Cumar ay ku hawlan doonto muddada cusub?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelada siyaasadeed ee socda Minnesota iyo guulaha waaweyn ee xisbiga Dimoqraadiga ee doorashadii dhawaan.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doorashadii · ilhaan · mareykanka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada