NISA oo qabatay Shabaab lagu diyaariyay Muqdisho
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal lagu burburiyay shabakado ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan magaalada Muqdisho.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- NISA ayaa burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan Muqdisho.
- Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa shabakadaha la burburiyay.
- Howlgalladan oo ka dhacay 5 degmo oo kala duwan.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal lagu burburiyay shabakado ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxa NISA ayaa lagu sheegay in shabakadahan qorshahooda la fashiliyay ujeedkooda uu ahaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka caasimada, kadibna ay sidaas ku fuliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa shabakadaha la burburiyay, sida lagu sheegay qoraalka.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa burburiyay shabakado ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo cadawgu u diyaariyay in ay ku dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaas oo loo diyaarinayay in ay fuliyaan falal ka dhan ah amniga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska NISA.
Sidoo kale howlgalladan oo ka dhacay 5 degmo oo kala duwan ayaa lagu soo qabtay hub iyo agabyo kale oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
“Shabakadahaan ayaa la soo afjaray kaddib howlgallo qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye. Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay dhagar-qabayaashu doonayeen in ay u adeegsadaan fulinta dhagarta ay qorsheynayeen,” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay taliska NISA uga hortagayso qorshayaasha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayaan inay ku waxyeelleeyaan amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid aad u xasilloon, iyadoo ay meesha ka baxeen qaraxyadii iyo weerarradii ay horay argagixisadu uga gaysan jirtay caasimada. Xasilloonidan ayaa loo aaneynayaa dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo sugidda amniga, kadib markii ciidamada amniga si wanaagsan loo jiheeyay, loona kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud.
The post NISA oo qabatay Shabaab lagu diyaariyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- NISA ayaa sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan Muqdisho. Howlgalku wuxuu sababay in la soo qabto 11 xubnood oo ka tirsan shabakadahaas.
Qodobada muhiimka ah
- NISA ayaa burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan Muqdisho.
- Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa shabakadaha la burburiyay.
- Howlgalladan oo ka dhacay 5 degmo oo kala duwan.
- Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay taliska NISA uga hortagayso qorshayaasha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayaan inay ku waxyeelleeyaan amniga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanka NISA oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Al-Shabaab ama dhinacyada kale oo ku jira maqaalka.
- Tirada khasaare iyo faahfaahinta howlgalka waa sheegashooyin aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Howlgallada NISA ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Muqdisho waxay muujinayaan dadaallada amniga ee socda ee gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee NISA qaaday intii lagu jiray howlgalka?
- Maxaa la sameyn doonaa xubnaha la soo qabtay ee Al-Shabaab?
- Sidee NISA u qorsheynaysaa inay sii waddo howlgaladeeda ka dhanka ah Al-Shabaab?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · nisa · diyaariyay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada