Puntland oo si kale u dhigtay habka ay u dhinteen ajaaniibtii lagu haystay markabka
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Puntland ayaa faahfaahin cusub ka bixisay howlgal ay ciidamadeeda badda kula wareegeen markabka MT Honour 25, iyadoo sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii la dilay ka hor inta aysan howlgalka bilaabin.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayQoysaska shaqaalaha Pakistani-ga ah ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr jeer dowladda dalkooda ka dalbaday inay dadajiso sidii loo sii deyn lahaa eheladooda.
- War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Badda iyo Berriga Puntland (PMPF) ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka lagu soo gabagabeeyay “saacado kooban”, isla markaana Honour 25 uu hadda ku jiro gacanta ciidamada Puntland.
- PMPF ayaa sheegtay in kooxda burcad-badeedda ee markabka xoogga ku haysatay ay aroornimadii hore dishay shan shaqaale ah, ka hor inta uusan bilaaban howlgalka dowladda.
- Sida Puntland sheegtay, dadka dhintay waxay kala ahaayeen saddex Pakistani ah, hal qof oo u dhashay Myanmar iyo hal qof oo Hindi ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha ku xeeran dhimashada shaqaalaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Puntland ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka MT Honour 25 la dilay ka hor inta aysan ciidamadu bilaabin howlgalka.
- War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Badda iyo Berriga Puntland (PMPF) ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka lagu soo gabagabeeyay “saacado kooban”.
- Puntland waxay sheegtay in 21 burcad-badeed ah oo la qabtay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa faahfaahin cusub ka bixisay howlgal ay shalay ciidamadeeda badda kula wareegeen markabka MT Honour 25, iyadoo sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay ka hor inta aysan ciidamadu bilaabin howlgalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Badda iyo Berriga Puntland (PMPF) ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka lagu soo gabagabeeyay “saacado kooban”, isla markaana Honour 25 uu hadda ku jiro gacanta ciidamada Puntland.
PMPF ayaa sheegtay in kooxda burcad-badeedda ee markabka xoogga ku haysatay ay aroornimadii hore dishay shan shaqaale ah, ka hor inta uusan bilaaban howlgalka dowladda.
Sida Puntland sheegtay, dadka dhintay waxay kala ahaayeen saddex Pakistani ah, hal qof oo u dhashay Myanmar iyo hal qof oo Hindi ah.
Afar shaqaale oo kale ayaa dhaawacmay, kuwaas oo kala ah saddex Pakistani ah iyo hal Hindi ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Puntland waxay dilka dusha ka saartay burcad-badeedda markabka haysatay, hase yeeshee war-saxaafadeedku ma faahfaahin sida ay dilalku u dhaceen ama duruufihii ku xeernaa.
Nooca dhacdada ee Puntland soo bandhigtay ayaa ka duwan wararkii ugu horreeyay ee kasoo baxay qaar ka mid ah shaqaalaha markabka ee badbaaday, kuwaas oo warbaahinta Pakistan u sheegay in rasaas lagu furay la-haystayaasha xilli ciidamada Puntland ay ku soo dhowaadeen markabka.
Sidaas darteed, inkasta oo Puntland ay xaqiijisay tirada dhimashada iyo dhaawaca, weli si madax-bannaan looma xaqiijin qaabka saxda ah ee shaqaaluhu ku dhinteen iyo sida ay dhacdooyinku isugu xigeen.
21 burcad-badeed ah oo la qabtay
PMPF ayaa sheegtay in ciidamada ay intii uu socday howlgalka gacanta ku dhigeen 21 qof oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo, halka tiro kale ay baxsadeen.
Ciidamada ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha baxsadka ah, isla markaana ay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo.
“Markabka MT Honer 25 hadda wuu nabad qabaa, isla markaana wuxuu ku jiraa gacanta ciidamada Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo magaca markabka qoraalka Puntland loogu qoray “Honer 25”.
Puntland ma aysan sheegin tirada burcad-badeedda baxsatay ama in wax khasaare ah uu soo gaaray ciidamadeeda intii howlgalka socday.
Markabka Honour 25 ayaa burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii April, xilli uu watay shidaal kuna sii jeeday Muqdisho.
Waxaa saarnaa 17 shaqaale ah, oo 10 ka mid ah ay ahaayeen Pakistani, waxaana markabka muddo ka badan shan bilood lagu haystay xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya.
Qoysaska shaqaalaha Pakistani-ga ah ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr jeer dowladda dalkooda ka dalbaday inay dadajiso sidii loo sii deyn lahaa eheladooda.
Howlgalka Honour 25 ayaa sidoo kale yimid maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay soo furteen markab kale oo lagu magacaabo Sibu 1, kaas oo ay sidoo kale gacanta ku hayeen burcad-badeed.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah burcad-badeednimada, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falalkaas.
PMPF ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada lagu amray inay feejignaan sare muujiyaan inta howlgalladaasi socdaan, si looga hortago falal kale oo burcad-badeednimo oo ka dhaca xeebaha Puntland.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Puntland ayaa faahfaahin cusub ka bixisay howlgal ay ciidamadeeda badda kula wareegeen markabka MT Honour 25, iyadoo sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii la dilay ka hor inta aysan howlgalka bilaabin.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Puntland ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka MT Honour 25 la dilay ka hor inta aysan ciidamadu bilaabin howlgalka.
- War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Badda iyo Berriga Puntland (PMPF) ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka lagu soo gabagabeeyay “saacado kooban”.
- Puntland waxay sheegtay in 21 burcad-badeed ah oo la qabtay.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in markabka Honour 25 ay burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii April.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay Puntland soo bandhigtay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid burcad-badeedda ku saabsan dhacdooyinka la sheegay.
- Maqaalku ma faahfaahinayo sida shaqaaluhu u dhinteen.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Puntland waxay sheegtay inay badbaadisay markabka MT Honour 25 oo ay qabteen burcad-badeed, laakiin faahfaahin badan ayaa weli aan la xaqiijin.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha ku xeeran dhimashada shaqaalaha?
- Sidee ayay burcad-badeeddu u arkeen howlgalka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka Puntland ay qaadi doonto si looga hortago burcad-badeednimo mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · markabka · habka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada