Puntland oo tababar u furmay ciidan magacooda lagu sheegay RRU
Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka… Sii akhri
Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire ayaa maanta tababar feer-celin ah u furay ciidamo magacooda lagu sheegay RRU oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.
Maxaa la shaaciyey
- Tababarkan waxaa lagu xoojiyay aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee ciidamada.
- Mas'uuliyiinta ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda tababaro joogto ah.
- Ujeedada tababarkan ayaa ah in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa.
“Waxa ay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tababarkan ayaa muhiim u ah xoojinta amniga Puntland iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa maanta magaalada Qardho tababar feer-celin ah ugu furay ciidamo magacooda lagu sheegay RRU oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay kor u qaadaan aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.
Waxa ay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah oo sare u qaada tayada, hufnaanta iyo diyaar-garowga shaqadooda.
Tababarkan feer-celinta ah ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada ciidamada amniga Puntland, iyadoo la hiigsanayo in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee jira, isla markaana door muuqda ka qaata ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.