Qareenada Ilhaan Cumar oo tallaabo culus qaaday iyo kiiska oo weji cusub yeeshay
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiQareennada Ilhaan Cumar ayaa tallaabo culus qaaday iyagoo ku eedeeyay hay’adaha federaalka Mareykanka inay jebiyeen shuruudo maxkamaddu ku xirtay baaritaankii lagu sameeyay gurigeeda Washington.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warqad ay Jimcihii u direen Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, qareennada Amy Jeffress iyo Joshua Matz ayaa ku sheegay in baaritaanka lagu hayo Ilhaan uu yahay mid siyaasadeed oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila Madaxweyne Donald Trump.
- Waxay ku doodeen in baaritaanka iyo qaabkii loo fuliyay ay xadgudub ku yihiin xuquuqda dastuuriga ah ee Ilhaan, isla markaana ay halis gelinayaan mabda’a kala madax-bannaanida awoodaha dowladda Mareykanka.
- Sida uu qoray wargeyska The Washington Post, qareennadu waxay sheegeen in saraakiishii baaritaanka sameeyay aysan raacin tilmaamo cad oo garsoore federaal ah uu bixiyay ka hor inta aan la oggolaan in guriga la baaro.
- Tilmaamahaas waxaa ka mid ahaa in qareennada Ilhaan la siiyo nuqulka amarka baaritaanka, isla markaana lala xiriiro xafiiska qareennada Golaha Wakiillada Mareykanka ka hor inta aan howlgalka la bilaabin.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee qareennada Ilhaan ay haystaan si ay u taageeraan eedeymahooda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Qareennada Ilhaan Cumar ayaa ku eedeeyay hay’adaha federaalka Mareykanka inay jebiyeen shuruudo maxkamaddu ku xirtay baaritaankii lagu sameeyay gurigeeda.
- Qareennadu waxay ku doodeen in baaritaanka lagu hayo Ilhaan uu yahay mid siyaasadeed oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila Madaxweyne Donald Trump.
- Dowladda oo beenisay eedeymaha Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa si adag u beenisay eedeymaha qareennada Ilhaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Qareennada xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku eedeeyay hay’adaha federaalka Mareykanka inay jebiyeen shuruudo muhiim ah oo maxkamaddu ku xirtay baaritaankii Isniintii lagu sameeyay gurigeeda Washington, iyagoo dalbaday in si degdeg ah loogu soo celiyo dhammaan hantidii iyo dokumentiyadii laga qaaday.
Warqad ay Jimcihii u direen Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, qareennada Amy Jeffress iyo Joshua Matz ayaa ku sheegay in baaritaanka lagu hayo Ilhaan uu yahay mid siyaasadeed oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila Madaxweyne Donald Trump.
Waxay ku doodeen in baaritaanka iyo qaabkii loo fuliyay ay xadgudub ku yihiin xuquuqda dastuuriga ah ee Ilhaan, isla markaana ay halis gelinayaan mabda’a kala madax-bannaanida awoodaha dowladda Mareykanka.
Sida uu qoray wargeyska The Washington Post, qareennadu waxay sheegeen in saraakiishii baaritaanka sameeyay aysan raacin tilmaamo cad oo garsoore federaal ah uu bixiyay ka hor inta aan la oggolaan in guriga la baaro.
Tilmaamahaas waxaa ka mid ahaa in qareennada Ilhaan la siiyo nuqulka amarka baaritaanka, isla markaana lala xiriiro xafiiska qareennada Golaha Wakiillada Mareykanka ka hor inta aan howlgalka la bilaabin.
Arrintaas ayaa muhiim u ahayd in la kala saaro dokumentiyada shakhsiga ah iyo kuwa la xiriira shaqada Ilhaan ee Congress-ka, kuwaas oo qaarkood uu dastuurka Mareykanku si gaar ah u ilaaliyo.
Qareennadu waxay sidoo kale sheegeen in Ilhaan laga hor istaagay inay la xiriirto qareennadeeda muddo ka badan saacad markii baaritaanku bilowday, inkastoo ay jireen shuruudo maxkamadeed oo loogu talagalay ilaalinta xuquuqdeeda.
“Ma jirto sabab sharci ah oo lagu tuhmi karo inay Ilhaan jebisay sharci la xiriira jinsiyaddeeda Mareykanka,” ayay qareennadu ku sheegeen warqaddooda.
Waxay intaas ku dareen in waayo-aragnimadii dhaweyd ay muujisay in maqnaanshaha caddeymo ku filan uusan maamulka Trump ka hor istaagin inuu baaritaanno dambiyeed oo siyaasadaysan ku qaado dadka ka soo horjeeda madaxweynaha.
Dowladda oo beenisay eedeymaha
Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa si adag u beenisay eedeymaha qareennada Ilhaan, iyadoo sheegtay in saraakiisheedu ay si buuxda u raaceen amarrada maxkamadda iyo waajibaadka sharciga.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in warqadda qareennadu ay xambaarsan tahay eedeymo been ah iyo macluumaad aan sax ahayn.
“Qareennadeenna iyo hay’adaha fulinta sharciga ee nala shaqeeya waxay u hoggaansameen dhammaan amarrada maxkamadda iyo waajibaadka sharciga, sida ay mar walba sameeyaan,” ayuu yiri afhayeenku.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay qareennada inay warqadda saxaafadda u gudbiyeen isla markii ay wasaaradda u direen, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay olole warbaahineed oo aan ku dhisneyn niyad wanaagsan.
Muranka ayaa ka dhashay baaritaan ay hoggaaminayaan saraakiisha Homeland Security Investigations (HSI), oo ah waaxda baarista dambiyada ee hay’adda socdaalka Mareykanka ee ICE.
Baaritaanka ayaa ku saabsan eedeymo sheegaya in Ilhaan ama xubno qoyskeeda ka mid ah ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dokumentiyo socdaal oo tobannaan sano ka hor la diyaariyay, si ay u helaan sharci deggenaansho iyo ugu dambeyn jinsiyadda Mareykanka.
Ilhaan ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo ay muddo dheer faafinayeen kooxaha siyaasadeed ee garabka midig ee Mareykanka.
Dokumentiyo, taleefan iyo baasaboor la qaaday
Intii uu socday baaritaankii Isniintii, saraakiisha federaalka ayaa guriga Ilhaan kala baxay sanduuqyo ay ku jireen dukumentiyo, taleefankeeda gacanta iyo baasaboorkeeda, sida uu hore u sheegay The Washington Post.
Qareennadeeda ayaa hadda dalbaday in dhammaan waxyaabahaas dib loo soo celiyo, iyagoo sidoo kale ka codsaday dowladda inay ilaaliso wixii muuqaal iyo cod ah ee laga duubay baaritaanka.
Waxay kaloo dalbadeen in la keydiyo dhammaan diiwaannadii baaritaan hore oo maamulka Trump uu sanadkii 2019 ku sameeyay taariikhda socdaalka Ilhaan iyo qoyskeeda.
Sida uu wargeysku sheegay Khamiistii, saraakiil xirfadley ah oo ka tirsan hay’adaha socdaalka Mareykanka ayaa xilligaas dib u eegay eedeymo la mid ah kuwa hadda la baarayo, oo ay ku jireen su’aalo ku saabsan taariikhda dhalashada Ilhaan iyo taariikhda shaqada aabbaheed ee ciidamada Soomaaliya.
Saraakiishaasi waxay markaas ku soo gabagabeeyeen in aysan jirin caddeymo ku filan oo sabab u noqon kara in baaritaan rasmi ah la furo.
Dhanka kale, qareennada Ilhaan ayaa su’aal geliyay waqtiga la fuliyay baaritaanka, oo ku soo beegmay wax ka yar bil ka hor doorashada Congress-ka ee bisha November.
Waxay sheegeen in tallaabadani ka hor imaneyso hab-dhaqan muddo dheer ka jiray Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo looga fogaado tallaabooyin baaritaan oo si muuqata u saameyn kara musharraxiinta siyaasadeed 60-ka maalmood ee ka horreeya doorashada. Hab-dhaqankaasi ma aha sharci si rasmi ah u mamnuucaya baaritaannada xilligaas.
Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa dhankooda sheegay in qorshaha baaritaanka uu maray dib u eegis gudaha ah ka hor inta aan la fulin.
Ilhaan, oo Soomaaliya ku dhalatay kana soo qaxday dagaalladii sokeeye iyadoo qoyskeeda la socota, ayaa Mareykanka timid bartamihii sagaashameeyadii, waxayna heshay jinsiyadda Mareykanka sanadkii 2000.
Waxay hadda u tartamaysaa markii shanaad kursiga ay ku matasho gobolka Minnesota ee Golaha Wakiillada Mareykanka.
Amarkii maxkamadeed ee lagu fasaxay baaritaanka gurigeeda ayaa weli ah mid aan dadweynaha loo soo bandhigin, waxaana dhowr hay’adood oo warbaahineed ay maxkamadda ka codsadeen in la shaaciyo.
Qareennada Ilhaan ayaa ku adkeystay in baaritaanku uusan lahayn saldhig sharci oo ku filan, isla markaana waqtigiisa iyo qaabka loo fuliyay ay muujinayaan ujeeddo siyaasadeed.
“Ujeeddooyinka siyaasadeed ee ka dambeeya baaritaankan iyo gurigan la baaray ka hor doorashada waa kuwo si cad u muuqda,” ayay ku soo gabagabeeyeen warqaddooda.
“Baaritaankani ma ahayn mid sabab sharci ah loo haystay, mana ahayn mid sharciga waafaqsan.”
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Qareennada Ilhaan Cumar ayaa tallaabo culus qaaday iyagoo ku eedeeyay hay’adaha federaalka Mareykanka inay jebiyeen shuruudo maxkamaddu ku xirtay baaritaankii lagu sameeyay gurigeeda Washington.
Qodobada muhiimka ah
- Qareennada Ilhaan Cumar ayaa ku eedeeyay hay’adaha federaalka Mareykanka inay jebiyeen shuruudo maxkamaddu ku xirtay baaritaankii lagu sameeyay gurigeeda.
- Qareennadu waxay ku doodeen in baaritaanka lagu hayo Ilhaan uu yahay mid siyaasadeed oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila Madaxweyne Donald Trump.
- Dowladda oo beenisay eedeymaha Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa si adag u beenisay eedeymaha qareennada Ilhaan.
- Baaritaanka ayaa ku saabsan eedeymo sheegaya in Ilhaan ama xubno qoyskeeda ka mid ah ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dokumentiyo socdaal.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa eedeymo ay soo jeediyeen qareennada Ilhaan Cumar iyo Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo la bixiyay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ee ku lugta leh.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda sharciga ee Ilhaan Cumar waxay keentaa su'aalo ku saabsan ujeeddooyinka siyaasadeed ee baaritaannada federaalka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee qareennada Ilhaan ay haystaan si ay u taageeraan eedeymahooda?
- Sidee ayay arrintan sharciga ah u saameyn doontaa mustaqbalka siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee baaritaanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cumar · qaaday · ilhaan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada