Sawirro: PUNTLAND OO xoojisay howlgallada, xilli burcadbadeeddu…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiCiidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda xeebaha maamulkaasi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSidoo kale Ciidamada Badda Puntland ayaadigniin adag u diray kooxaha ku howlan ama damacsan falalka burcad-badeednimo, iyagoo shaaca ka qaaday in tallaabooyin sharci ah laga qaadidoono cid kasta oo ku lug yeelata falal khatar gelinaya amniga iyo nabadgelyada badda.
- Cidda ay saamaysayBulshada ku dhaqan deegaannada xeebaha, kalluumaysatada, ganacsatada iyo dhammaan dadka isticmaala badda waxaa lagu boorrinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay si degdeg ah u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ama falal looga shakisan yahay burcad-badeednimo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
- Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay mar kale bilaabeen howlgallo lagu beegsanayo burcadbadeedda, si loo xaqiijinayo amniga xeebaha ee maamulkaasi, iyada oo shacabka lala wadaagay warbixin ku aadan xaaladaha soo kordhay.
- “Ciidamada Badda Puntland waxay bulshada Puntland iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ku wargelinayaan in ay bilaabeen hawlgallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada xeebaha Puntland, gaar ahaan ka hortagga falalka burcad-badeedda iyo khataraha amni ee la xiriira.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono ka dhanka ah burcadbadeedda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Mas'uuliyiinta Puntland ayaa ka digay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata burcadbadeednimo.
- Mas'uuliyiinta Puntland waxay shacabka ku boorrinayaan inay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amniga xeebaha.
- Mas'uuliyiinta Puntland ayaa ku baaqay in la wadaago xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqyada shaki leh ee burcadbadeednimo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Puntland ayaa sii laba jibbaaray howlgallada culus ee ay ka wadaan xeebaha maamulkaasi, si looga hortegago falalka burcadbadeeda oo mar kale kusoo rogaal celisay xeebaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay mar kale bilaabeen howlgallo lagu beegsanayo burcadbadeedda, si loo xaqiijinayo amniga xeebaha ee maamulkaasi, iyada oo shacabka lala wadaagay warbixin ku aadan xaaladaha soo kordhay.
“Ciidamada Badda Puntland waxay bulshada Puntland iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ku wargelinayaan in ay bilaabeen hawlgallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada xeebaha Puntland, gaar ahaan ka hortagga falalka burcad-badeedda iyo khataraha amni ee la xiriira. Hawlgalladani waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo xeebaha, hantida iyo badbaadada shacabka iyo dadka isticmaala badda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Ciidamada Badda Puntland ayaadigniin adag u diray kooxaha ku howlan ama damacsan falalka burcad-badeednimo, iyagoo shaaca ka qaaday in tallaabooyin sharci ah laga qaadidoono cid kasta oo ku lug yeelata falal khatar gelinaya amniga iyo nabadgelyada badda.
Shacabka ayaa sidoo kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo gacan siinaya ama fududeynaya falalkaas burcadbadeednimada ee kusoo kordhay xeebaha Puntland.
“Wadashaqaynta shacabka iyo ciidamada ayaa muhiim u ah xaqiijinta amniga xeebaha. Bulshada ku dhaqan deegaannada xeebaha, kalluumaysatada, ganacsatada iyo dhammaan dadka isticmaala badda waxaa lagu boorrinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay si degdeg ah u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ama falal looga shakisan yahay burcad-badeednimo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo ay xoojiyeen baaqooda ku aaddan wadaagista xogta iyo feejignaanta bulshada, maadaama xog sax ah oo waqtigeeda lagu helo ay si weyn uga qayb qaadan karto ka hortagga khataraha iyo ilaalinta badbaadada bulshada.
“Qof kasta oo haya xog la xiriirta falal burcad-badeednimo waxaa lagu boorrinayaa inuu si masuuliyad leh ula wadaago hay’adaha amniga ee ay khusayso”, ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda xeebaha maamulkaasi. Waxay soo saareen digniino iyo baaqyo ku aaddan wada shaqaynta shacabka si loo xoojiyo amniga badda.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda xeebaha maamulkaasi.
- Mas'uuliyiinta Puntland ayaa ka digay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata burcadbadeednimo.
- Mas'uuliyiinta Puntland waxay shacabka ku boorrinayaan inay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amniga xeebaha.
- Mas'uuliyiinta Puntland ayaa ku baaqay in la wadaago xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqyada shaki leh ee burcadbadeednimo.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay mas'uuliyiinta Puntland iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dhinacyada ku lug leh burcadbadeednimo.
- Tirooyinka khasaare ama dhacdooyinka gaarka ah lama xusin.
Gunaanadka akhristaha
Mas'uuliyiinta Puntland waxay si firfircoon u shaqeynayaan si ay u la dagaallamaan burcadbadeedda waxayna raadinayaan wada shaqayn shacabka si loo xoojiyo amniga badda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono ka dhanka ah burcadbadeedda?
- Sidee ayey u shaqeeyeen howlgaladii hore ee ka dhanka ah burcadbadeedda?
- Waa maxay kheyraadka loo qoondeeyay howlgaladan xoojisan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · howlgallada · puntland · xilli