Puntland oo toddobaadyo gudahood ku soo furtay markab ay afduubteen burcad-badeed
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada Puntland ayaa si guul leh u soo badbaadiyay markabka MT HONOUR 25 oo ay burcad-badeed afduub u haysteen howlgal ka dhacay xeebaha Bandar-beyla.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ciidamada PMPF ayaa howlgalka ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan markabka oo ku safrayay calanka dalka Palau, waxaana sidoo kale la qabtay dhammaan burcad-badeedii lagu eedeeyay inay afduubka ka dambeeyeen.
- Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray howlgalka, ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo soo gaartay shaqaalaha.
- Markabka MT HONOUR 25 ayaa ahaa nooca maraakiibta qaada shidaalka, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.
- Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa sheegay inay mar walba heegan ugu jiraan sugidda amniga badda iyo berriga, ilaalinta xuduudaha Puntland iyo badbaadinta shacabka iyo hantidooda.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday inta lagu guda jiray howlgalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u soo badbaadiyay markabka MT HONOUR 25 oo ay burcad-badeed afduub u haysteen.
- Dhammaan burcad-badeedii lagu eedeeyay inay afduubka ka dambeeyeen ayaa la qabtay.
- Ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
BOOSAASO – Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xeebaha deegaanka Dharin-baar ee degmada Bandar-beyla, halkaas oo ay ku soo badbaadiyeen markabka MT HONOUR 25, oo ay kooxo burcad-badeed ahi afduub u haysteen.
Ciidamada PMPF ayaa howlgalka ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan markabka oo ku safrayay calanka dalka Palau, waxaana sidoo kale la qabtay dhammaan burcad-badeedii lagu eedeeyay inay afduubka ka dambeeyeen.
Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray howlgalka, ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo soo gaartay shaqaalaha.
Markabka MT HONOUR 25 ayaa ahaa nooca maraakiibta qaada shidaalka, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed. Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada PMPF ay ku sugayaan amniga xeebaha Puntland, gaar ahaan la dagaallanka falalka burcad-badeednimada iyo kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya maraakiibta iyo ganacsiga badda.
Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa sheegay inay mar walba heegan ugu jiraan sugidda amniga badda iyo berriga, ilaalinta xuduudaha Puntland iyo badbaadinta shacabka iyo hantidooda. Soo furista markabka MT HONOUR 25 ayaa kusoo aadaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay weli yihiin meel si dhow isha loogu hayo sababo la xiriira khatarta burcad-badeednimada, gaar ahaan maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u soo badbaadiyay markabka MT HONOUR 25 oo ay burcad-badeed afduub u haysteen howlgal ka dhacay xeebaha Bandar-beyla.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u soo badbaadiyay markabka MT HONOUR 25 oo ay burcad-badeed afduub u haysteen.
- Dhammaan burcad-badeedii lagu eedeeyay inay afduubka ka dambeeyeen ayaa la qabtay.
- Ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd.
- Markabka MT HONOUR 25 ayaa ahaa nooca maraakiibta qaada shidaalka, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid burcad-badeedka ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Faahfaahinta ku saabsan qorsheynta iyo fulinta howlgalka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Ciidamada Puntland ayaa muujiyay awoodooda inay la dagaallamaan burcad-badeednimada iyo inay ilaashadaan ganacsiga badda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday inta lagu guda jiray howlgalka?
- Immisa burcad-badeed ah ayaa la qabtay?
- Maxaa la sameyn doonaa burcad-badeedka la qabtay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · soo · badeed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada