Shariif oo sheegay in dowladdu weerarayso mucaaradka kadib socdaalkii Imaaraadka
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMadaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga qiil dhiganayso safarkiisa dhawaan ee Imaaraadka si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- “Imaaraadka waan degenahay, saddex maalin ayaa soo joogay, caruurteyda degan, arrimo qoys ayaa u tegay.
- Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirto sabab farta loogu fiiqi karo (mucaaradka).
- Shariifka ayaa hoggaanka dowladda ku eedeeyay in si qaldan u adeegsanayo hay’adihii kala duwanaa ee dowladda iyo ciidamadii qaranka oo dadka lagu dhibaateynayo, sida uu hadalka u dhigay.
- “Hadii dastuurka laga tago wadda-hadaladana la iska diido, jihada la aadayo waa la yaqaan, suuragalna ma ahan in la yiraahdo mucaarad ayaa la wareerayaa,” ayuu yiri.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda qorsheyneyso inay ka qaado mucaaradka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay uga qiil dhiganayso safarkiisa dhawaan ee Imaaraadka si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka.
- Shariif ayaa ka digay in tegitaanka mucaaradka ee Imaaraadka loogu qiil sameysto weerar lagu qaado, xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu soccaalka mucaaradka ee Abu Dhabi la xiriiriyay qorshe abaabul dagaal oo mucaaradka ka b
- Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay Abu Dhabi kula kulmeen dhinacyo xiriir la leh RSF.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay uga qiil dhiganayso safarkiisa si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka.
“Imaaraadka waan degenahay, saddex maalin ayaa soo joogay, caruurteyda degan, arrimo qoys ayaa u tegay. Weligay ayaa deganaa oo tegi jiray. Ma noqon karto asbaab lagu baneysan karo dhiigga dadka mucaaradka ah ee u taagan in dastuurka la ixtiraamo oo doorashadana laga heshiiyo,” ayuu yiri Shariif.
Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirto sabab farta loogu fiiqi karo (mucaaradka). Waxaa la fahamsan yahay in cidda dhibaatada wada inay tahay cidda kale (dowladda).”
Shariifka ayaa hoggaanka dowladda ku eedeeyay in si qaldan u adeegsanayo hay’adihii kala duwanaa ee dowladda iyo ciidamadii qaranka oo dadka lagu dhibaateynayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadii dastuurka laga tago wadda-hadaladana la iska diido, jihada la aadayo waa la yaqaan, suuragalna ma ahan in la yiraahdo mucaarad ayaa la wareerayaa,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Dalkii wuxuu kusoo koobnay hal gacan, mas’uuliyadaas haddii wax ka dhacaan dalka ama dagaal ka dhaco waxay taabaneysa hoggaanka dowladda iyo xukuumadda ka shaqeynaysa ee hantidii qaranka ku bixinaysa in dhiig la daadsho.”
Shariif ayaa ka digay in tegitaanka mucaaradka ee Imaaraadka loogu qiil sameysto weerar lagu qaado, xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu soccaalka mucaaradka ee Abu Dhabi la xiriiriyay qorshe abaabul dagaal oo mucaaradka ka bilaabayo Muqdisho.
Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay Abu Dhabi kula kulmeen dhinacyo xiriir la leh RSF, isagoo sheegay in kulamadaasi ay la xiriiraan qorshayaal looga soo horjeedo dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay la soo noqon doonaan shirqoollo ka dhan ah dowladnimada iyo nabadda, ayna isku dayi doonaan inay maleeshiyaad uruuris iyo hoggaamiye-kooxeednimo bilaabaan, sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid walba oo halis gelinaysa nabadda iyo dowladnimada, qaranimada iyo madax-bannaanida dalka. “Khaa’inul-wadan kastaana abaalkiisa la marsiin doono,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel xasaasi ah, isla markaana ay mucaaradka iyo dowladda isku mari la’yihiin doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka oo dowladdu meel-marsatay ayna dhaqan-gelinayso.
Hoos ka daawo muuqaalka
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga qiil dhiganayso safarkiisa dhawaan ee Imaaraadka si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka. Wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii dastuurka la iska indho-tiro iyo haddii wada-hadalada la diido.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay uga qiil dhiganayso safarkiisa dhawaan ee Imaaraadka si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka.
- Shariif ayaa ka digay in tegitaanka mucaaradka ee Imaaraadka loogu qiil sameysto weerar lagu qaado, xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu soccaalka mucaaradka ee Abu Dhabi la xiriiriyay qorshe abaabul dagaal oo mucaaradka ka b
- Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay Abu Dhabi kula kulmeen dhinacyo xiriir la leh RSF.
- arrimahan ayaa imanaya xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel xasaasi ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda ee ku saabsan eedeymaha uu soo jeediyay Shariif iyo Fiqi.
- Eedeymaha uu soo jeediyay Shariif iyo Fiqi ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay hadallada Shariif iyo Fiqi iyada oo aan la helin caddeymo dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si xowli ah u adkaanaya, iyadoo eedeymo iyo digniino ka imaanaya labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda qorsheyneyso inay ka qaado mucaaradka?
- Sidee bay xiisadaha siyaasadeed u saameyn doonaan doorashooyinka soo socda?
- Waa maxay caddeymaha taageeraya eedeymaha ah in siyaasiyiinta mucaaradka ay la kulmeen dhinacyo xiriir la leh RSF?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shariif · imaaraadka · sheegay