Shariif Sheekh oo si cad u beeninayay War ay maanta baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA)
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiShariif Sheekh Axmed wuxuu beeninayaa sheegashooyinka ay NISA ka soo saartay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxaan caddeynaynaa in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin tixane ah oo lagu khal-khalgalinayay deegaanka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo si gaar ah aan uga digayno warbixinnada looga danleeyahay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed ama sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka.
- Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si buuxda u aqoonsanyahay muhiimadda ay leedahay illaalinta amniga qaranka, madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga.
- Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
- Dhacdooyinkaas oo dhan waxay u baahanyihiin in si dhab ah loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, tallaabo walba oo khaldana lagula xisaabtami doonaa ciddii si shaqsi ah ugu kacday iyadoo adeegsaneysa magaca dowladnimada.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sheegashooyinka gaarka ah ee NISA ay sameysay oo Shariif Sheekh Axmed beeninayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu muujinayaa muhiimadda amniga qaranka iyo madax-bannaanida hay’adaha amniga.
- Waxaa jiray dhacdooyin amni oo saameeyey deegaanka uu deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka digayaa in dhacdooyinka amni loo adeegsado cadaadis siyaasadeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, 11-Oktoobar 2026 {HMC} Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si cad u beeninayaa sheegashada maanta ay baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), taas oo la xiriirtay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha oo ka tirsan ciidanka Qaranka.
Waxaan caddeynaynaa in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin tixane ah oo lagu khal-khalgalinayay deegaanka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo si gaar ah aan uga digayno warbixinnada looga danleeyahay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed ama sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si buuxda u aqoonsanyahay muhiimadda ay leedahay illaalinta amniga qaranka, madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga. Hase-yeeshee, mabaadi’daasi waa inay si siman ugu dhaqmaan dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka, iyadoo aan loo eegin mowqifkooda siyaasadeed.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
Waxaa intaa dheer in afduub lagula kacay qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Madaxweynihii hore, iyadoo ay jirtay walaac ku saabsan joogitaanka ciidamo hubeysan oo lasoo dhoobay goobaha ku dhow guriga Madaxweynaha, balse marar badan la iska indha tiray in laga falceliyo, si shacabka deegaanka loogu turo, loona illaaliyo ixtiraamka loo hayo dowladnimada nugul..
Dhacdooyinkaas oo dhan waxay u baahanyihiin in si dhab ah loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, tallaabo walba oo khaldana lagula xisaabtami doonaa ciddii si shaqsi ah ugu kacday iyadoo adeegsaneysa magaca dowladnimada.
Hay’adaha amniga qaranku waa inay noqdaan kuwo ka madax-bannaan loollanka siyaasadeed, kuna shaqeeyaan sharciga, ayna u illaalinayaan muwaadiniinta si siman.
Waxaan taliska hay’adda NISA ugu baaqaynaa inay joojiyaan marin habaabinta shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa-dhacaya xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay, duufaannada, roobabka mahiigaanka ah, barakicinta iyo boobka hantidooda ama dhulalkooda loo gaystay.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka waxay u baahantahay miyir-qab, masuuliyad iyo hoggaan ka fog tallaabooyin keeni kara iska hor’imaad hubeysan. Soomaaliya uma baahna xiisad amni oo cusub, manna mudna in khilaafaadka siyaasadeed loo beddelo colaad halis galineysa nolosha muwaadiniinta iyo xasilloonida dalka.
Waxaan mar kale ka digaynaa in dhacdooyinka amni ama eedeymaha aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed, cabsi-gelin ama isku-day lagu aamusiinayo siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan in dalka laga hirgaliyo doorasho wadar-ogol ah.
Sidaa-darteed mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabo kasta oo sharci-darro ah ama kicin karta iska hor’imaad waxaa qaadaysa xukuumadda muddo-dhaafka ah, mowqifkayaguna waa nabad, wada-hadal iyo xal siyaasadeed.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu mar kale xaqiijinayaa inuusan dan ka lahayn abuurista xaalad amni-darro, hurin colaadeed ama dhiig-daata. Wuxuu aaminsanyahay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka lagu xallin karo wada-hadal dhab ah, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Waxaa loogu baaqayaa xukuumadda muddo-dhaafka ah, hay’adaha amniga, siyaasiyiinta dalka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay muujiyaan dulqaad, dhowraan sharciga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo xaaladda taaggan uga sii dari karta.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay dhiirrageliyaan hufnaanta, isla-xisaabtan iyo xal u helidda muranka doorashooyinka iyo guud ahaan arrimaha qalafsan ee siyaasadeed dalka.
Ugu dambeyn, sheegashada NISA ma beddeli karto xaqiiqada, mana noqon karto xukun lagu banneysanayo dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana mar kale aan si cad u diiddannahay eedeymaha lagu sumcad dilayo illlaalada Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu beeninayaa sheegashooyinka ay NISA ka soo saartay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha. Wuxuu muujinayaa muhiimadda amniga qaranka iyo ka digayaa in dhacdooyinka amni loo adeegsado cadaadis siyaasadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu beeninayaa sheegashooyinka ay NISA ka soo saartay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha.
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu muujinayaa muhiimadda amniga qaranka iyo madax-bannaanida hay’adaha amniga.
- Waxaa jiray dhacdooyin amni oo saameeyey deegaanka uu deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.
- Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka digayaa in dhacdooyinka amni loo adeegsado cadaadis siyaasadeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid NISA oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay hadallada Shariif Sheekh Axmed iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin dhacdooyinka amni ee la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Shariif Sheekh Axmed wuxuu si firfircoon u beeninayaa eedeymaha wuxuuna muujinayaa baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed iyo amni.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sheegashooyinka gaarka ah ee NISA ay sameysay oo Shariif Sheekh Axmed beeninayo?
- Maxaa la sameyn doonaa ku saabsan dhacdooyinka amniga la sheegay?
- Sidee dowladda u xaqiijin doontaa madax-bannaanida hay'adaha amniga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baahisay · cad · sugidda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada