Sheekh Shariif oo si adag uga jawaabay qoraalkii Hay’adda NISA
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiMadaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga jawaabay eedeymo ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo ku saabsan in ciidamadiisa ay khalkhal-gelin amni ka wadaan Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sheekh Shariif oo ka falceliyay arrintan ayaa si adag u beeniyay sheegashada NISA, isaga oo tilmaamay in eedeymaha loo jeediyay ilaaladiisa ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah.
- Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa dhankiisa soo bandhigay tabasho uu qabo iyo eedeymo uu u jeediyay ciidanka dowladda, isaga oo tilmaamay inay jiraan dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif, isaga oo sidoo kale xusay in la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
- Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ciidamo badan lasoo dhoobay gurigiisa, lana afduubtay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xaruntiisa, sida uu hadalka u dhigay.
- Sheekha ayaa ka digay sii socoshada dhaq-dhaqaaqyadan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee NISA ay soo bandhigtay si ay u taageeraan eedeymahooda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sheekh Shariif ayaa beeniyay eedeymaha NISA, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
- Isaga oo tilmaamay inay jiraan dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif.
- Wuxuu intaas ku daray in ciidamo badan lasoo dhoobay gurigiisa, lana afduubtay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xaruntiisa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh ayaa si kulul ugu jawaabay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo ciidamadiisa ku eedeysay inay khalkhal-gelin amni ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo soo bandhigtay caddeymo muujinayo in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.
Sheekh Shariif oo ka falceliyay arrintan ayaa si adag u beeniyay sheegashada NISA, isaga oo tilmaamay in eedeymaha loo jeediyay ilaaladiisa ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa dhankiisa soo bandhigay tabasho uu qabo iyo eedeymo uu u jeediyay ciidanka dowladda, isaga oo tilmaamay inay jiraan dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif, isaga oo sidoo kale xusay in la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ciidamo badan lasoo dhoobay gurigiisa, lana afduubtay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xaruntiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Sheekha ayaa ka digay sii socoshada dhaq-dhaqaaqyadan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-
Muqdisho, Soomaaliya. 11-ka Oktoobar 2026 : Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si cad u beeninayaa sheegashada maanta ay baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), taas oo la xiriirtay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha oo ka tirsan ciidanka Qaranka.
Waxaan caddeynaynaa in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin tixane ah oo lagu khal-khalgalinayay deegaanka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo si gaar ah aan uga digayno warbixinnada looga danleeyahay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed ama sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si buuxda u aqoonsanyahay muhiimadda ay leedahay illaalinta amniga qaranka, madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga. Hase-yeeshee, mabaadi’daasi waa inay si siman ugu dhaqmaan dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka, iyadoo aan loo eegin mowqifkooda siyaasadeed.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
Waxaa intaa dheer in afduub lagula kacay qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Madaxweynihii hore, iyadoo ay jirtay walaac ku saabsan joogitaanka ciidamo hubeysan oo lasoo dhoobay goobaha ku dhow guriga Madaxweynaha, balse marar badan la iska indha tiray in laga falceliyo, si shacabka deegaanka loogu turo, loona illaaliyo ixtiraamka loo hayo dowladnimada nugul..
Dhacdooyinkaas oo dhan waxay u baahanyihiin in si dhab ah loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, tallaabo walba oo khaldana lagula xisaabtami doonaa ciddii si shaqsi ah ugu kacday iyadoo adeegsaneysa magaca dowladnimada.
Hay’adaha amniga qaranku waa inay noqdaan kuwo ka madax-bannaan loollanka siyaasadeed, kuna shaqeeyaan sharciga, ayna u illaalinayaan muwaadiniinta si siman.
Waxaan taliska hay’adda NISA ugu baaqaynaa inay joojiyaan marin habaabinta shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa-dhacaya xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay, duufaannada, roobabka mahiigaanka ah, barakicinta iyo boobka hantidooda ama dhulalkooda loo gaystay.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka waxay u baahantahay miyir-qab, masuuliyad iyo hoggaan ka fog tallaabooyin keeni kara iska hor’imaad hubeysan. Soomaaliya uma baahna xiisad amni oo cusub, manna mudna in khilaafaadka siyaasadeed loo beddelo colaad halis galineysa nolosha muwaadiniinta iyo xasilloonida dalka.
Waxaan mar kale ka digaynaa in dhacdooyinka amni ama eedeymaha aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed, cabsi-gelin ama isku-day lagu aamusiinayo siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan in dalka laga hirgaliyo doorasho wadar-ogol ah.
Sidaa-darteed mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabo kasta oo sharci-darro ah ama kicin karta iska hor’imaad waxaa qaadaysa xukuumadda muddo-dhaafka ah, mowqifkayaguna waa nabad, wada-hadal iyo xal siyaasadeed.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu mar kale xaqiijinayaa inuusan dan ka lahayn abuurista xaalad amni-darro, hurin colaadeed ama dhiig-daata. Wuxuu aaminsanyahay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka lagu xallin karo wada-hadal dhab ah, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Waxaa loogu baaqayaa xukuumadda muddo-dhaafka ah, hay’adaha amniga, siyaasiyiinta dalka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay muujiyaan dulqaad, dhowraan sharciga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo xaaladda taaggan uga sii dari karta.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay dhiirrageliyaan hufnaanta, isla-xisaabtan iyo xal u helidda muranka doorashooyinka iyo guud ahaan arrimaha qalafsan ee siyaasadeed dalka.
Ugu dambeyn, sheegashada NISA ma beddeli karto xaqiiqada, mana noqon karto xukun lagu banneysanayo dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana mar kale aan si cad u diiddannahay eedeymaha lagu sumcad dilayo illlaalada Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed.
XAFIISKA MADAXWEYNIHII 7-AAD EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga jawaabay eedeymo ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo ku saabsan in ciidamadiisa ay khalkhal-gelin amni ka wadaan Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga jawaabay eedeymo ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo ku saabsan in ciidamadiisa ay khalkhal-gelin amni ka wadaan Muqdisho.
- Sheekh Shariif ayaa beeniyay eedeymaha NISA, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
- Isaga oo tilmaamay inay jiraan dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif.
- Wuxuu intaas ku daray in ciidamo badan lasoo dhoobay gurigiisa, lana afduubtay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xaruntiisa.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid NISA oo ku saabsan hadallada Sheekh Shariif.
- Sheegashooyinka Sheekh Shariif ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay akhbaarta Sheekh Shariif iyada oo aan la helin caddeymo kale.
Gunaanadka akhristaha
Sheekh Shariif ayaa si dadban u beeniyay eedeymaha NISA wuxuuna muujiyay walaac ku saabsan amniga deegaanka uu deggan yahay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee NISA ay soo bandhigtay si ay u taageeraan eedeymahooda?
- Sidee ayey dowladda uga jawaabi doontaa eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Shariif?
- Maxay noqon doontaa tallaabooyinka la qaadi doono ee ku saabsan afduubka shaqaalaha Sheekh Shariif?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · nisa · hay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada