Soomaaliya oo bog cusub furtay kadib markii maanta…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiHawlgalka kala-guurka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiray, taasoo soo afjaraysa in ka badan soddon sanno oo taageero joogto ah oo Qaramada Midoobay ay siineysay nabadaynta dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaaraySida ku cad khariidadda labada sanno ah ee kala-guurka, oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, mas’uuliyadaha UNTMIS waxaa si tartiib tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha Soomaaliya, Hay’adaha, Sanduuqyada iyo Barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
- Cidda ay saamaysay“Hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay waxay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya ay ku siiyaan hawlaha horumarinta, bani’aadanimada iyo xuquuqda aadanaha, iyagoo la shaqeynaya mas’uuliyiinta qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo sidoo kale bulshada rayidka ah iyo ganacsatada gaarka ah.”
- Xiritaanka Hawlgalka Kala-guurka ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu ka dhigan yahay cutubkii ugu dambeeyay ee taageerada siyaasadeed ee isdabajoogga ahaa ee la soo billowday Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) sannadkii 1995, la sii socday Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laga billaabo 2013, oo galay marxaladdiisii ugu dambeysay ee kala-guurka ahayd isagoo ah UNTMIS sannadkii 2024.
- “Maanta ma aha dhammaadka iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya – balse, waa gabagabada cutub iyo billowga mid kale,” ayuu yiri Madaxa UNTMIS, ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee dhici doona ka dib kala-guurka maamulka Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Hawlgalka kala-guurka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiray.
- Dhammaadka hawlgalka kala-guurka Qaramada Midoobay wuxuu soo afjarayaa in ka badan soddon sanno oo taageero joogto ah oo Qaramada Midoobay ay siineysay nabadaynta Soomaaliya.
- Madaxa UNTMIS ayaa sheegay in xiritaanka uu yahay dhammaadka cutub iyo billowga mid kale.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii sanno ee kala-guurka ahaa ee hawlgalka siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiray, iyadoo la raacayo codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo soo afjareysa in ka badan soddon sanno oo Qaramada Midoobay ay si joogto ah ugu hawlanayd taageeridda nabadaynta, dowlad- dhiska, maamulka iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Xiritaanka Hawlgalka Kala-guurka ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu ka dhigan yahay cutubkii ugu dambeeyay ee taageerada siyaasadeed ee isdabajoogga ahaa ee la soo billowday Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) sannadkii 1995, la sii socday Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laga billaabo 2013, oo galay marxaladdiisii ugu dambeysay ee kala-guurka ahayd isagoo ah UNTMIS sannadkii 2024.
Sida ku cad khariidadda labada sanno ah ee kala-guurka, oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, mas’uuliyadaha UNTMIS waxaa si tartiib tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha Soomaaliya, Hay’adaha, Sanduuqyada iyo Barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
“Maanta ma aha dhammaadka iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya – balse, waa gabagabada cutub iyo billowga mid kale,” ayuu yiri Madaxa UNTMIS, ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.
“Sheekada ku saabsan ka hawlgelidda siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ahayd mid leh adkeysi, iskaashi iyo la qabsi in ka badan soddon sanno,” ayuu raaciyay. “In kastoo ay weli jiraan caqabado muhiim ah, xiritaanka UNTMIS wuxuu imanayaa ka dib horumar la taaban karo oo ay gaartay Soomaaliya tan iyo sannadihii hore ee dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayay soo kabashada dalka.”
Safar dheer
Soomaaliya waxay soo martay isbeddel qotodheer tan iyo horraantii 1990-meeyadii, markii burburkii hay’adihii dowladda dhexe iyo dagaalkii sokeeye ee qarxay ay horseedeen tobanaan sanno oo colaad ah, xasillooni darro iyo dhibaatooyin bani’aadanimo. Colaaddu waxay keentay qulqul baaxad weyn oo qaxooti iyo barokac gudaha ah, halka amni-darrada dabadheeraatay, geeddi-socodka doorashada lagu muransanaa iyo dib-u-habaynta dastuurka, iyo masiibooyinka cimilada ee soo noqnoqda, oo ay ku jiraan abaaraha iyo daadadka, ay sii xumeeyeen baahiyaha bani’aadanimada ayna dhaliyeen caqabado waaweyn oo ku wajahan soo kabashada dalka.
Labaatankii sanno ee la soo dhaafay, hawlgallo siyaasadeed oo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ah ayaa waxay Soomaaliya ku weheliyeen marxalado muhiim ah oo ka mid ah safarkeeda nabadaynta iyo dowlad-dhiska, iyagoo taageeraya dadaallada ay Soomaalidu garwadeenka ka tahay ee lagu soo celinayo maamulka, dib loogu dhisayo hay’adaha laguna xoojinayo dib-u-heshiisiinta qaran.
Dadaalladan waxaa lagu kabay ka-qaybgalka joogtada ah ee la-hawlgalayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Afrika, oo hawlgalladooda taageerada nabad-ilaalinta ee isdaba-joogga ah ay door muhiim ah ka cayaareen diyaarinta saaxad lagu meelmariyo hanaanka siyaasadeed ee suurtageliyay xoojinta awoodda dowladda ee qaybaha kala duwan ee dalka. Waxay sidoo kale muhiim u ahaayeen taageeridda dadaallada amniga ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli halis weyn ah, iyo kala-guurka amniga dalka ee hadda socda.
Sannadihii UNPOS, Qaramada Midoobay waxay taageertay dadaalladii nabadda ee isdaba jooga ahaa, dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran iyo dhisidda nidaamyada maamulka ku-meel-gaarka ah. Iyada oo lagu saleynayo guulahan siyaasadeed lana aqoonsan yahay hanaanka siyaasadeed iyo amni ee isbeddelaya, Golaha Amaanka Qaramada Midoobay wuxuu aasaasay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sannadkii 2013, oo loo xilsaaray inuu bixiyo taageero isku dhafan oo lagu taageerayo arrimaha hortabinta leh ee nabadaynta iyo dowlad-dhiska ee ay Soomaalidu hoggaamiso.
Tobankii sanno ee xigay, UNSOM waxay si dhow ula shaqeysay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, bulshada rayidka ah, ururrada haweenka iyo dhalinyarada, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo taageero hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo hanaanka doorashada, loo fududeeyo wadahadalka siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta, loo xoojiyo hay’adaha maamulka iyo ku dhaqanka sharciga, korna loo qaado loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha. Iyadoo loo marayo awooddiisa dhexdhexaadin, talo-bixin istaraatiiji iyo taageero farsamo, Hawlgalku wuxuu Soomaaliya kula socday oo ku weheliyay marxalado siyaasadeed oo muhiim ah, oo ay ku jiraan geeddi-socodyo doorasho oo isxigxigay iyo dadaallo lagu xoojinayo nidaamka federaalka dalka.
Arrimahan hortabinta leh waxay sii wadeen inay hagaan ka qaybgalka Hawlgalka intii lagu jiray marxaladdiisii ugu dambeysay ee Hawlgalka Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo la aasaasay 2024 si loo suurtogeliyo in mas’uuliyadaha si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo Kooxda Hay’adaha Dalka ee Qaramada Midoobay.
Kala-guurka UNTMIS
Go’aanka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee ah in UNSOM loo beddelo UNTMIS bishii Nofeembar 2024, ka dib codsigii Dowladda Federaalka ee ahaa in la soo gabagabeeyo waajibaadka UNSOM, wuxuu ka tarjumay xoog-saaridda sii kordhaysa ee lahaanshaha qaran. Iyada oo loo marayo ansixinta qaraarkii 2753 ee sannadkii 2024, ayaa Goluhu wuxuu aasaasay geeddi-socod kala-guur ah oo laba sanno ah oo horseedaya xiritaanka Hawlgalka bisha Oktoobar 2026.
Iyada oo ay hagayso khariidadda kala-guurka ee wadajirka ah ee ay isku raaceen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, UNTMIS wuxuu si dhow ula shaqeeyay mas’uuliyiinta iyo hay’adaha Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay si loo hirgeliyo wareejinta tartiib tartiibka ah ee hawlaha loo igmaday. Geedi-socodka waxaa lagu raadiyay in la ilaaliyo guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay, la xoojiyo awoodaha hay’adaha qaranka iyo in la taageero sii socoshada arrimaha hortabinta qaranka leh, oo ay ku jiraan maamulka, dib-u-eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, taageerada doorashada, xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.
In kastoo dhammaan hawlaha UNTMIS loo wareejiyay hay’adaha Soomaaliyeed ama Kooxda Dalka ee Qaramada Midoobay, haddana waxaa weli jira caqabado siyaasadeed, amni iyo hay’ado oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan dadaallo qaran oo gacan ku hayn ah iyo taageero caalami ah oo joogto ah. Sidaa darteed, xiritaanka Hawlgalka waa isbeddel ku yimid nooca hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ee ma aha soo gabagabeynta taageerada Qaramada Midoobay ee dadaallada nabadaynta iyo dowlad-dhiska, sida uu ku nuuxnuuxsaday Isuduwaha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway.
“Qaramada Midoobay waxay weli tahay saaxiib u heellan Soomaaliya iyadoo loo marayo hay’adaheeda degan iyo joogitaanka ballaaran ee dalka, iyada oo taageeraysa himilooyinka dalka ee nabadda, xasilloonida, horumarka waara iyo barwaaqada,” ayuu yiri Mudane Conway. “Hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay waxay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya ay ku siiyaan hawlaha horumarinta, bani’aadanimada iyo xuquuqda aadanaha, iyagoo la shaqeynaya mas’uuliyiinta qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo sidoo kale bulshada rayidka ah iyo ganacsatada gaarka ah.”
Isagoo ka hadlaya munaasabadda, Madaxa Xafiiska UNTMIS, Raisedon Zenenga, ayaa qiray in horumarka Soomaaliya ee la arkay tobanaankii sanno ee la soo dhaafay uu ahaa mid uu horseeday oo uu waday ka go’naanshaha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada wadajirka ah ee daneeyayaasha kala duwan, oo ay ku jiraan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, kooxaha haweenka, ururada dhalinyarada, iyo la-hawlgalayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale bogaadin u soo jeediyay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka soo shaqeeyay Soomaaliya, oo badanaa ku shaqeynayay xaalado adag oo khatar ah, wuxuuna ka tacsiyeeyay oo xusay kuwii naftooda ku waayay u adeegidda nabadda. Wuxuu xusay in dadaalkooda iyo naf-hurnimadoodu ay weli yihiin qayb waarta oo ka mid ah dhaxalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Soomaaliya maanta waxay leedahay hay’ado qaran iyo kuwo federaal ah oo aan jirin markii ay billaabatay ka-qaybgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay. Horumar ayaa laga gaaray dowlad-dhiska, ka qaybgelinta siyaasadeed, hababka dastuurka, hanaanka xuquuqda aadanaha iyo horumarinta qaab-dhismeedka maamulka ee suurtageliya go’aan qaadashada ay Soomaalidu hoggaamiso. Si kastaba ha ahaatee, ka-qaybgalka joogtada ah ee bulshada caalamku wuxuu ahaan doonaa mid muhiim u ah sii wadista horumarka iyo wax ka qabashada arrimaha hortabinta leh ee weli taagan,” ayuu yiri Mudane Zenenga.
Iyadoo la soo gabagabeynayo waajibaadka UNTMIS, Qaramada Midoobay waxay xaqiijinaysaa ka go’naanshaheeda waara ee ay u hayso dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayso si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hawlgalka kala-guurka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiray, taasoo soo afjaraysa in ka badan soddon sanno oo taageero joogto ah oo Qaramada Midoobay ay siineysay nabadaynta dalka.
Qodobada muhiimka ah
- Hawlgalka kala-guurka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiray.
- Dhammaadka hawlgalka kala-guurka Qaramada Midoobay wuxuu soo afjarayaa in ka badan soddon sanno oo taageero joogto ah oo Qaramada Midoobay ay siineysay nabadaynta Soomaaliya.
- Madaxa UNTMIS ayaa sheegay in xiritaanka uu yahay dhammaadka cutub iyo billowga mid kale.
- Mas’uuliyadaha UNTMIS waxaa si tartiib tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lug leh kala-guurka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin mustaqbalka doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Gunaanadka akhristaha
Dhammaadka hawlgalka kala-guurka Qaramada Midoobay wuxuu calaamad u yahay marxalad muhiim ah oo ku saabsan safarka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee dhici doona ka dib kala-guurka maamulka Soomaaliya?
- Sidee mas'uuliyadaha loogu wareejin doonaa hay'adaha Soomaaliya?
- Maxay yihiin cawaaqibka degdegga ah ee amniga Soomaaliya ka dib kala-guurka Qaramada Midoobay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · furtay · bog
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada