Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaartay shirweynaha caalamiga ah ee…
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua) iyadoo Dr.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayJalaaludiin ayaa soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo ku saabsan tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta ay sameeyeen khubaro caalami ah oo diiradda lagu saaray tayada daryeelka caafimaadka iyo badqabka bukaanka.
- Cabdirisaaq Jalaaludiin ayaa ka qayb-galay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
- Intii uu socday shirweynaha, Dr.
- Doodaha shirweynaha ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka hoggaaminta ee horumarinta nidaamyada caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee doorashada Dr.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua) iyadoo Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta.
- Dr. Jalaaludiin ayaa golahan ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, kaddib markii Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua).
Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin ayaa ka qayb-galay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
Intii uu socday shirweynaha, Dr. Jalaaludiin ayaa soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo ku saabsan tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta ay sameeyeen khubaro caalami ah oo diiradda lagu saaray tayada daryeelka caafimaadka iyo badqabka bukaanka.
Doodaha shirweynaha ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka hoggaaminta ee horumarinta nidaamyada caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada.
Doorashada Dr. Jalaaludiin ee Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua ayaa Soomaaliya u abuureysa fursad ay si toos ah uga qaybqaadato doodaha iyo talooyinka caalamiga ah ee la xiriira tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka.
Dr. Jalaaludiin ayaa golahan ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah, taas oo sare u qaadaysa ka qaybgalka Soomaaliya ee madasha caalamiga ah ee looga arrinsado tayada daryeelka caafimaadka.
Ka qayb-galka shirweynaha iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqotay fursad muhiim ah oo Soomaaliya ay ku xoojin karto doorkeeda iyo ka qaybqaadashadeeda dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka iyo badqabka bukaannada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua) iyadoo Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua) iyadoo Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta.
- Dr. Jalaaludiin ayaa golahan ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan doorashada.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda doorashada waxay ku saleysan yihiin kaliya warbixinta maqaalka.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta shirweynaha ama waxqabadka Dr. Jalaaludiin lama bixin.
Gunaanadka akhristaha
Doorashada Dr.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta gaarka ah ee doorashada Dr. Jalaaludiin ku yeelan doonto siyaasadaha caafimaadka Soomaaliya?
- Sidee bay ka qaybgalka Soomaaliya ee ISQua u saameyn doontaa nidaamka caafimaadkeeda?
- Maxay yihiin natiijooyinka doodaha lagu qabtay inta lagu guda jiray shirweynaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guul · soomaaliya · caalamiga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Soomaaliya oo xubin sare ku yeelatay Golaha Sare ee ururka caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka
Goobjoog Somali
- Soomaaliya oo Shir-guddoomiysay Kulanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika
Shabelle Media
- Soomaaliya oo shir-guddoominaysa kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika
Goobjoog Somali