Soomaaliya oo heshiis ganacsiga iyo warshadaha la saxiixatay dalka…
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiSoomaaliya iyo Liibiya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga, kaas oo lagu horumarinayo fursadaha maalgashi laguna fududeynayo isu-socodka badeecadaha labada dal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiiska ayaa la saxiixay intii uu Muqdisho ku sugnaa Mustafa al-Sumu oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta ee Liibiya.
- Waxa xigaArrintan ayaa la filayaa inay fududeyso hawlaha diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dowladood.
- Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in suuqyada Soomaaliya loo furo badeecadaha Liibiya, isla markaana la fududeeyo ganacsiga labada dhinac.
- Go’aan la gaarayDhanka maaliyadda, labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la fududeeyo xawaaladaha iyo bixinta lacagaha la xiriira ganacsiga, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada bangiyada ee sharciga ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiiska?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Liibiya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga.
- Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in suuqyada Soomaaliya loo furo badeecadaha Liibiya, isla markaana la fududeeyo ganacsiga labada dhinac.
- Soomaaliya ay oggolaatay in dhul loo qoondeeyo safaaradda Liibiya ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Liibiya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga, kaas oo lagu horumarinayo fursadaha maalgashi laguna fududeynayo isu-socodka badeecadaha labada dal.
Heshiiska ayaa la saxiixay intii uu Muqdisho ku sugnaa Mustafa al-Sumu oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta ee Liibiya.
Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in suuqyada Soomaaliya loo furo badeecadaha Liibiya, isla markaana la fududeeyo ganacsiga labada dhinac. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la isku dubbarido sahayda xoolaha nool, gaar ahaan adhiga, geela iyo lo’da, iyadoo la raacayo heerarka caafimaadka iyo daryeelka xoolaha ee ay labada dal ansixiyeen.
Dhanka maaliyadda, labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la fududeeyo xawaaladaha iyo bixinta lacagaha la xiriira ganacsiga, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada bangiyada ee sharciga ah.
Intii ay booqashada ku joogeen Muqdisho wafdiga Liibiya, waxaa sidoo kale la furay xarun loogu magac daray Xarunta Cabdulxamiid Maxamed Dabiiba ee Isdhexgalka Warshadaha iyo Ganacsiga Carabta. Xaruntan ayaa loogu talagalay xoojinta xiriirka warshadaha, is-weydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Carabta.
Tallaabo kale oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ayaa ah in Soomaaliya ay oggolaatay in dhul loo qoondeeyo safaaradda Liibiya ee dalka. Arrintan ayaa la filayaa inay fududeyso hawlaha diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dowladood.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha. Si kastaba ha ahaatee, miro-dhalka heshiiska ayaa ku xirnaan doona sida ay labada dhinac u dhaqan geliyaan qodobbada lagu heshiiyay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya iyo Liibiya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga, kaas oo lagu horumarinayo fursadaha maalgashi laguna fududeynayo isu-socodka badeecadaha labada dal.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Liibiya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga.
- Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in suuqyada Soomaaliya loo furo badeecadaha Liibiya, isla markaana la fududeeyo ganacsiga labada dhinac.
- Soomaaliya ay oggolaatay in dhul loo qoondeeyo safaaradda Liibiya ee dalka.
- Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku ma caddeynayo taariikhda la saxiixay heshiiska.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya iyo Liibiya ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay iskaashiga dhaqaale.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiiska?
- Sidee bay u saameyn doontaa qoondeynta dhulka safaaradda Liibiya xiriirka diblomaasiyadeed?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo ee heshiiska muddada gaaban iyo tan dheer?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · heshiis · soomaaliya · warshadaha