Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka
War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee Kuwait, kadib weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulkeeda. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lah
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
War-Saxaafadeed.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee Kuwait, kadib weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulkeeda.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, iyadoo ku baaqeysa in la muujiyo is xakameyn, wada-hadal, iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan