Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale oo si adag u cambaareeyay…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSoomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa cambaareeyay go'aanka Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayDowladaha bayaanka soo saaray ayaa daliishaday qaraarrada 476 iyo 478 ee Golaha Ammaanka, kuwaas oo la ansixiyay sannadkii 1980-kii.
- Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga laabato tallaabadaas, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay.
- Mowqifkan ayaa yimid kaddib markii Colombia ay 14-kii October 2026 xarigga ka jartay safaaraddeeda ku taalla Qudus, xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Colombia, Omar Bula Escobar, uu booqasho rasmi ah ku joogay Israa’iil, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
- Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 19-ka dal ayaa lagu sheegay in tallaabada Colombia ay ka hor imanayso qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda sharci ee magaalada Qudus.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay Colombia ka qaban doontaa cambaareyntan, haddii ay jirto?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga fiirsato go'aankeeda, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay.
- Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 19-ka dal.
- Wasiirradu waxay caddeeyeen in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee Bariga Qudus ee la haysto, ama magaalada loogu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil, aysan lahayn wax sharciyad caalami ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa si wadajir ah u cambaareeyay go’aanka dowladda Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus.
Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga laabato tallaabadaas, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay.
Mowqifkan ayaa yimid kaddib markii Colombia ay 14-kii October 2026 xarigga ka jartay safaaraddeeda ku taalla Qudus, xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Colombia, Omar Bula Escobar, uu booqasho rasmi ah ku joogay Israa’iil, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 19-ka dal ayaa lagu sheegay in tallaabada Colombia ay ka hor imanayso qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda sharci ee magaalada Qudus.
Dalalka bayaanka soo saaray ayaa kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Sacuudiga, Falastiin, Urdun, Indonesia, Pakistan, Turkiga, Aljeeriya, Suudaan, Suuriya, Cumaan, Qatar, Kuweyt, Lubnaan, Liibiya, Malaysia, Masar iyo Yemen.
Wasiirradu waxay caddeeyeen in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee Bariga Qudus ee la haysto, ama magaalada loogu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil, aysan lahayn wax sharciyad caalami ah.
Waxay sidoo kale dowladda Colombia ugu baaqeen inay dib uga fiirsato go’aankeeda, kana laabato, iyaga oo ku adkeystay in la dhowro sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda shacabka Falastiin, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.
Dowladaha bayaanka soo saaray ayaa daliishaday qaraarrada 476 iyo 478 ee Golaha Ammaanka, kuwaas oo la ansixiyay sannadkii 1980-kii. Qaraarradaasi waxay diideen tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu beddelayo xaaladda Qudus, waxayna dalalka safaaradaha ku lahaa magaalada ugu baaqeen inay kala baxaan.
Ugu dambayntiina, dalalkan ayaa ka digay in go’aanka Colombia uu wiiqi karo dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo nabad waarta oo caddaalad ku dhisan oo dhex marta Israa’iil iyo Falastiin, taas oo lagu salaynayo xalka labada dowladood.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa cambaareeyay go'aanka Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus. Waxay Bogotá ugu baaqeen inay dib uga fiirsato go'aankan, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa cambaareeyay go'aanka Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus.
- Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga fiirsato go'aankeeda, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay.
- Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 19-ka dal.
- Wasiirradu waxay caddeeyeen in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee Bariga Qudus ee la haysto, ama magaalada loogu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil, aysan lahayn wax sharciyad caalami ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Colombia ee ku saabsan cambaareynta.
- Eedeymaha waxay ku saleysan yihiin bayaan wadajir ah oo ka soo baxay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku lugta leh.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Cambaareyntu waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee ku saabsan xaaladda Qudus iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay Colombia ka qaban doontaa cambaareyntan, haddii ay jirto?
- Sidee bay go'aankan u saameyn doonaa xiriirka Colombia iyo dalalka cambaareeyay?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka suurtagalka ah ee Colombia marka laga eego sharciga caalamiga ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cambaareeyay · turkiga · masar
Sii akhri
- OIC oo Mar Kale Xaqiijisay Taageerada Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Itoobiya oo lagu eedeeyay inay door ku leedahay qalalaasaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
Shabelle Media
- Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC
Shabelle Media