Sooyaal: Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu xusayaa nolosha iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo ku geeriyooday dalka Norway 30kii Sibteenbar 2012.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- 14 sano ayaa laga joogaa markii, 01dii Sibteenbar sannadkii 2012kii, uu dalka Norway ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee, macallin iyo abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1949kii.
- Waxbarashadiisii ka dib, wuxuu ka mid noqday macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole.
- Gaarriye wuxuu ahaa mufakar hal-abuurkiisa u adeegsan jiray nabadaynta bulshada, garaadkobcinteeda iyo baraaruggeeda aqooneed.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu iftiiminayaa waxqabadka dhaqameed iyo suugaaneed ee Gaarriye, taas oo muhiim u ah fahamka dhaxalka Soomaalida.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta gaarka ah ee shaqada Gaarriye ku leedahay suugaanta Soomaalida ee casriga ah?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu ku geeriyooday dalka Norway 30kii Sibteenbar 2012.
- Gaarriye wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1949kii, waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh.
- Wuxuu waqti iyo dadaal badan geliyay horumarinta af Soomaaliga iyo xeerarkiisa naxwaha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
14 sano ayaa laga joogaa markii, 01dii Sibteenbar sannadkii 2012kii, uu dalka Norway ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee, macallin iyo abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1949kii. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh. Dabadeed wuxuu galay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada jaamacadda.
Waxbarashadiisii ka dib, wuxuu ka mid noqday macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole. Waxa kale oo uu wax ka dhigay jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa, isaga oo dhigi jiray af Soomaaliga iyo suugaantiisa. Sidoo kale, wuxuu ka soo shaqeeyay Akadeemiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Marka laga yimaaddo curinta suugaanta, wuxuu waqti iyo dadaal badan geliyay horumarinta af Soomaaliga iyo xeerarkiisa naxwaha, isaga oo kaalintiisa ku darsaday kobcinta afka iyo dhaxalsiinta aqoonta suugaaneed.
Gaarriye wuxuu ahaa mufakar hal-abuurkiisa u adeegsan jiray nabadaynta bulshada, garaadkobcinteeda iyo baraaruggeeda aqooneed. Suugaantiisa badda ah waxaa tusaale looga soo qaadan karaa maansada Ergo, oo uu ku muujinayay khasaaraha dagaalka sokeeye iyo sida kii wax dila iyo kii la dilaba uusan midkoodna lib dhab ah uga helayn colaadda.
Maansadaas wuxuu Gaarriye ku milicsanayaa waaqaca dagaalka sokeeye, isaga oo su’aalgelinaya waxa dhab ahaan laga dheefi karo colaad ehel iyo xigaal dhexdooda ka dhacda. Hal-abuurku halkan wuxuu uga gudbayaa curin suugaaneed oo keliya, wuxuuna noqonayaa farriin bulsheed oo ku saabsan aayaha, nabadda iyo masuuliyadda jiilasha.
Mar kale, isaga oo muujinaya qabyaaladda Soomaalida ku baahday iyo in sheegashada “reer Hebel” aysan keligeed macne samaynayn, ayse macne leedahay in qofku la wadaago dadka kale yool, isfahan iyo waxqabad, ayuu yiri:
“Abkuu doono ha sheegto’e
Wuxuun baa ehel ii ah
Dad ninkaan af aqaanee
Si wax iila arkaayee
Na midaysow ujeeddo.”
Meerisyadani waxay muujinayaan habfikir bulsheed ay ehelnimadu kaga ballaaran tahay dhalasho iyo tol keliya, kuna dhisan tahay afgarad, ujeeddawadaag iyo waxwadaqabsi.
Qaar ka mid ah maansooyinkii Abwaan Gaarriye
Maansadii Dood
Maansadii Ergo
Maansadii Gurmad
Maansadii Garnaqsi
Maansadii Qasab kuma Balweyn Karo
Maansadii Hagarlaawe
Maansadii Fadgalbeed
Gaarriye iyo saaxiibkiisii suugaanta Hadraawi, Alle ha u wada naxariistee, waxay ka mid noqdeen tiro abwaanno ah oo cadaadis kala kulmay nidaamkii Kacaanka, isla markaana curin jiray suugaan maldahan oo ay kaga dhaliilayeen nidaamkaas. Suugaantu sidaas ayay ugu noqotay goob ay fekerka, naqdinta iyo baraarugga bulsheed isku haleelaan.
Gaarriye wuxuu markii danbe ku biiray jabhaddii SNM, isaga oo dhinacaas door weyn kaga lahaa guubaabada iyo kutaagnaanshaha fikirkaas.
Markii dambe ayuu qurbaha u wareegay, wuxuuna halkaas ka sii waday curintii suugaanta iyo wacyigelinta bulshada. Qurbuhu sidaas uguma noqon kalago’ suugaaneed; wuxuu hal-abuurkiisii ka sii ambaqaaday meel ka baxsan dalkii uu ku soo hanaqaaday. Waxa uu ku guulaystay billado caalami ah, waxaana suugaantiisa in badan lagu turjumay afaf qalaad, taas oo hal-abuurkiisa u furtay aafaaq ka ballaaran geyiga Soomaalida.
30kii Sibteenbar 2012 ayuu ku geeriyooday dalka Norway.
Gaarriye wuxuu ka tegay dhaxal suugaaneed iyo raad aqooneed oo ku suntan af Soomaaliga, maansada, fikirka bulshada iyo baraarugga ummadda. Waxsoosaarkiisu wuxuu weli qayb ka yahay xusuusta suugaaneed ee Soomaalida, jiilba jiilkana waxaa looga sii ambaqaadaa af, suugaan iyo feker.
Alle ha u naxariisto Macallin iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu xusayaa nolosha iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo ku geeriyooday dalka Norway 30kii Sibteenbar 2012. Waxay faahfaahinaysaa asalka waxbarashadiisa, guulihiisa suugaaneed, iyo ka qaybqaadashadiisa Jabhaddii SNM.
Qodobada muhiimka ah
- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu ku geeriyooday dalka Norway 30kii Sibteenbar 2012.
- Gaarriye wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1949kii, waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh.
- Wuxuu waqti iyo dadaal badan geliyay horumarinta af Soomaaliga iyo xeerarkiisa naxwaha.
- Gaarriye wuxuu markii danbe ku biiray jabhaddii SNM, isaga oo dhinacaas door weyn kaga lahaa guubaabada iyo kutaagnaanshaha fikirkaas.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyo kale oo ku saabsan dhaxalka Gaarriye.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira waxqabadka Gaarriye.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay xisaabinta taariikhiga ah iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaashu waa inay aqoonsadaan saameynta waarta ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ku leeyahay suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta gaarka ah ee shaqada Gaarriye ku leedahay suugaanta Soomaalida ee casriga ah?
- Sidee bay jiilasha kala duwan ee qorayaasha Soomaalida u arkaan dhaxalka Gaarriye?
- Maxay yihiin doodaha hadda ka jira waxqabadka Gaarriye ee ku saabsan af Soomaiga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu iftiiminayaa waxqabadka dhaqameed iyo suugaaneed ee Gaarriye, taas oo muhiim u ah fahamka dhaxalka Soomaalida. Shaqadiisa waxay sii wadi doontaa inay saameyn ku yeelato suugaanta iyo aqoonsiga Soomaalida.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maxamed · gaarriye · xaashi