Waa Kuma Dr. Maxamed Aadan Sheekh?
Waxa dhacay
30 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka hadlayaa nolosha iyo waxqabadka Dr.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ilaha ka warramaya dhalashadiisa iskuma wada raacsana sannadka iyo goobta.
- Maxamed wuxuu ku dhex barbaaray bulsho geel iyo ari dhaqato ah.
- Carruurnimadiisii waxaa ka mid ahaa muddadii qoysku ku sugnaa Gallaaddi.
- Hasayeeshee, qoysku wuxuu bilaabay inuu ka fekero nolol ka baxsan meertadii hayaanka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu bixinayaa aragti ku saabsan nolosha qof muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, isagoo ka tarjumaya isbeddelada bulsheed iyo siyaasadeed ee dalka intii uu noolaa.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay doorka siyaasadeed ee gaarka ah ee Dr.
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu ku dhashay agagaarka Gaalkacyo, gobolka Mudug, sanadkii 1936, sida ay sheegayaan diiwaannada qoyskiisa.
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu geeriyooday 1dii Oktoobar 2010, sida ku xusan diiwaanka Magaalada Torino.
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu ku lug lahaa hawlo waxbarasho iyo siyaasadeed intii uu noolaa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Noloshii Dr. Maxamed Aadan Sheekh waxay isaga gudubtay qaybo waaweyn oo ka mid ah sooyaalka Soomaaliya ee qarnigii labaatanaad, si gaar ah noloshii reerguuraaga, middii gumaystaha iyo Maamulkii Wasaayada ee Talyaaniga, halgankii gobannimada, dhismihii dawladnimada ummadda Soomaaliyeed, xukunkii milatariga, kobocii waxbarashada sare, xariggii siyaasadeed iyo noloshii qurbaha. Wuxuu ahaa dhakhtar qalliin, siyaasi, qoraa, indheergarad iyo aqoonyahan ay taariikhnololeedkiisu si dhow ula falgalay isbedbeddeladii siyaasadeed iyo kuwii bulsheed ee dalku soo maray.
Ilaha ka warramaya dhalashadiisa iskuma wada raacsana sannadka iyo goobta. Xusuusqorkiisa iyo qoraallo qoyskiisa laga soo xigtay waxay tilmaamayaan inuu sannadkii 1936 ku dhashay miyiga agagaarka Gaalkacyo, gobolka Mudug; halka diiwaanka Golaha Degaanka Torino uu dhalashadiisa ku qorayo 14kii Maarso 1935.
Waxaase isku dhow ilaha ka warramaya in yaraantiisu ku soo martay bulsho xooladhaqato ah iyo waaqaca miyiga ee bartamaha dhulka Soomaaliyeed. Diiwaanka Torino, dhinaca kale, wuxuu geeridiisa si cad ugu qorayaa 1dii Oktoobar 2010.
(Xigasho: Città di Torino ) Dr. Maxamed wuxuu ku dhex barbaaray bulsho geel iyo ari dhaqato ah.
Sida uu xusuusqorkiisa kaga warramay, qoysku wuxuu ahaa reer hayaami jiray, noloshuna waxay ku wareegaysay xoolaha, daaqa, biyaha iyo geeddiga. Sidaas awgeed, waaya-aragnimadii ugu horraysay ee noloshiisu waxay ahayd mid si qoddo dheer ugu xirnayd dhaqankii miyiga iyo habnololeedkii xooladhaqatada.
Carruurnimadiisii waxaa ka mid ahaa muddadii qoysku ku sugnaa Gallaaddi. Halkaas ayuu aabbihii kala qaybqaadan jiray waraabinta geela.
Ceelasha Gallaaddi qaarkood waxay ahaayeen kuwo dhaadheer oo af dhuuban; carruurta oo jirkoodu yaraa awgeedna mararka qaarkood ayaa ceelka hoos loogu dejin jiray si ay biyaha uga soo dhaamiyaan. Hawshaas ayuu Maxamed Aadan yaraantiisii qayb ka ahaa.
Aabbihii wuxuu kula dardaarmi jiray inuu hees-hawleedyada geela isku maaweeliyo marka uu ceelka dhaadhacayo. Muuqaalladaas miyiga, ceelka, geela iyo geeddigu waxay qayb ka noqdeen waaya-aragnimadiisa nololeed iyo xusuustii uu markii danbe dib ugu noqday qoraalladiisa.
Hasayeeshee, qoysku wuxuu bilaabay inuu ka fekero nolol ka baxsan meertadii hayaanka. Aabbihii wuxuu go’aansaday in wiilkiisa waxbarasho loo raadiyo.
Go’aankaasi wuxuu noqday barbilowga geeddisocod cusub: Maxamed Aadan wuxuu ka soo tallaabay noloshii geeljirnimada, wuxuuna u soo gudbay Muqdisho, magaalo uu markii danbe wax ku bartay, ka shaqeeyay, xilal sare ka qabtay, waxna ka qoray. Muqdisho waxaa lagu dejiyay qaraabo magaalada ku noolayd.
Waxbarashadiisii hore waxaa ka mid ahaa dugsi ku yaallay Xamarjajab, oo xilligii maamulkii Ingiriiska lagu dhigan jiray maaddooyin ay ka mid ahaayeen af Carabiga, xisaabta iyo diinta. Muddo uu Dhagaxbuur joogayna wuxuu sii ambaqaaday barashada Qur’aanka iyo af Carabiga.
Carruurnimadiisii iyo dhallinyaranimadiisii hore waxay sidaas ugu kala gooshayeen degaanno iyo maamullo kala duwan, xilli Geeska Afrika uu marayay kalaguur siyaasadeed oo weyn. Markii Maamulkii Wasaayada Talyaaniga ee Soomaaliya (AFIS) la bilaabay 1950, waxbarashadiisu waxay gashay weji kale.
Wuxuu bilaabay barashada af Talyaaniga, dabadeedna wuxuu isku darsaday waxbarasho iyo tababarro kala duwan. Hamuunta waxbarasho ee ka muuqatay sannadahaas waxay markii danbe isu beddeshay barasho madaxbannaan, aqoonkororsi iyo ku xeeldheeraan aan ku koobnayn caafimaadka oo keliya.
Ka hor intii uusan dibadda u bixin wuxuu soo maray macallinnimo. Imtixaan uu galay kaddib waxaa loo diray Buurhakaba, halkaas oo uu ka dhigi jiray af Carabiga, xisaabta iyo juqraafiga.
Isla muddadaas ayuu ku lugyeeshay hawlihii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL). Sidaas ayay waxbarashada, shaqada iyo dareenka siyaasadeedba goor hore ugu kulmeen taariikhnololeedkiisa.
Sannadkii 1958 ayuu Talyaaniga u aaday waxbarasho sare. Wuxuu caafimaadka ku bartay Rooma, qalliinkana wuxuu ku takhasusay Bologna.
Treccani waxay ku tilmaamaysaa dhakhtar qalliin oo Talyaaniga ku soo tababartay, isla markaana markii dambe door weyn ku yeeshay iskaashigii jaamacadeed ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Sidaas ayuu uga mid noqday jiilkii hore ee dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee waxbarashada jaamacadeed iyo takhasuska caafimaad dibadda ku soo qaata.
Waxbarashadiisu, hasayeeshee, caafimaadka kuma koobnayn. Siyaasadda, falsafadda, sharciga iyo arrimaha bulshada ayuu si joogto ah u daalacan jiray.
Magtabadaha iyo goobaha cilmibaaristu waxay u ahaayeen meelo aqoonkororsi iyo garaadkobcin joogto ah. Markii uu Soomaaliya ku soo noqday wuxuu ku shaqeeyay xirfaddiisa caafimaad, isaga oo qalliinno ka samayn jiray Muqdisho xilli dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay tiro koobnaayeen.
Dhanka kale, qoraalka iyo doodaha aqooneed ayuu sii waday. Sidaas ayay xirfadda caafimaadka, siyaasadda iyo dhaqanka aqooneed ugu wada kulmeen hal qof.
Galiddiisii Siyaasadda Kaddib afgenbigii askarta ee 21kii Oktoobar 1969, Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu galay safka hore ee maamulka cusub, isaga oo loo dhiibay xilka caafimaadka.
Intii uu xilalka dawladda hayay wuxuu ka mid noqday aqoonyahannadii rayidka ahaa ee lagu daray hoggaankii cusbaa. Mid ka mid ah meelaha uu kaalingalkiisa raad weyn ku reebay waxay ahayd waxbarashada sare.
Iskaashigii Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyo qalliinsameeyihii Talyaaniga ahaa Paride Stefanini ayaa Treccani ku tilmaamaysaa barbilowgii mashruuca Jaamacadda Muqdisho ee 1972.
Iskaashigaasi wuxuu horseeday barnaamij Soomaali iyo Talyaani ah oo lagu kobcinayay kulliyadaha sayniska iyo caafimaadka, laguna diyaarinayay aqoonyahanno iyo macallimiin Soomaaliyeed. Dr.
Maxamed wuxuu dabadeed xil ka qabtay Hiddaha iyo Tacliinta Sare, isaga oo ka qaybqaatay horumarinta waxbarashada, dhaqanka iyo hay’adaha aqoonta. Wuxuu, sidoo kale, ka mid ahaa masuuliyiintii xilligii hirgelinta rasmiga ah ee farta Soomaaliga.
Kaalintaas marka la lafagurayo, waxaa muhiim ah in go’aankii farta aan qof keliya loo nisbayn. Dhabtii, go’aankaasi, wuxuu ahaa dadaal ay ka wada qaybqaateen afyahanno, aqoonyahanno, guddiyo farsamo iyo hoggaankii dawladda.
Sannadkii 1975 ayuu galay xariggiisii siyaasadeed ee ugu horreeyay. Qoraallada qoyskiisa laga soo xigtay waxay sheegayaan in markii danbe la sii daayay oo uu dib ugu noqday hawlihii siyaasadda.
Markii uu soo baxay wuxuu qayb ka noqday hawlihii la xiriiray Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Wuxuu ka shaqeeyay arrimaha ideolojiyadda iyo qoraalka, wuxuuna guddoomiye ka noqday guddiga tifaftirka ee wargeyska Halgan .
Shaqadaas waxay ku lug lahayd qoraal, micnayn, warbixinno iyo faaqidaadda afkaarta siyaasadeed ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Dr.
Maxamed wuxuu sidoo kale door ku lahaa jawigii Daraasaadka Soomaaliyeed ee xilligaas kobcayay. Halkan waxaa muhiim ah in taariikhda si kala cad loo dhigo: Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, Somali Studies International Association (SSIA), waxaa si rasmi ah Chicago looga yagleelay 1978, Barafasoor Xuseen-Tansaaniya Maxamed Aadanna wuxuu ka mid ahaa garwadeennadii ugu muhiimsanaa.
Dr. Maxamed Aadan Sheekh waxaa lagu xusuusan karaa kaalingalkiisii jawiga aqooneed iyo dhiirrigelinta doodaha ku saabsan Soomaaliya, balse aasaaska SSIA si gaar ah isaga looma nisbayn karo.
(Xigasho: events.snu.edu.so ) Xariggii 1982 iyo Xabsigii Labaatanjirow Wejigii ugu adkaa taariikhnololeedkiisa siyaasadeed wuxuu billowday 9kii Juun 1982, markii isaga iyo lix xubnood oo kale oo baarlamaanka iyo hoggaanka siyaasadda ka tirsanaa la xiray. Amnesty International waxay diiwaangelisay in Maxamed Aadan Sheekh la qabtay maalintaas, laguna soo oogay eedo hoos imanayay Xeerka Amniga Qaranka ee 1970, oo xukunnada qaarkood ciqaab dil ahi ku xirnayd.
(Xigasho: Amnesty International ) Waxaa lagu hayay xabsiga ammaankiisu sarreeyay ee Labaatanjirow. Warbixinta National Academies waxay sheegaysaa in maxaabiistii halkaas ku jirtay aan la oggolaan booqashooyin muddo sannado ah, kiiska Dr.
Maxamed iyo siyaasiyiinta la xirnaana uu muddo dheer ku jiray xaalad aan maxkamad la horgeyn. Xariggaasi wuxuu socday in ka badan shan sano.
Intaas dhexdeeda, ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha aqoonyahannadu waxay sii wadeen raadraaca iyo marag-sugidda xaaladdooda. Amnesty International waxay Dr.
Maxamed u aqoonsatay maxbuus damiir, iyadoo sheegtay inaanu adeegsan ama ku baaqin rabshad. Ugu danbayn, 7dii Feebaraayo 1988 ayaa Dr.
Maxamed Aadan Sheekh, Maxamed Yuusuf Weyrax, Cumar Xaaji Maxamed iyo Cismaan Maxamed Geelle lagu waayay eedihii laguna dhawaaqay sii-dayntooda. Qaraarkii Midowga Baarlamaannada Adduunka ee 16kii Abriil 1988 wuxuu diiwaangeliyay in afar nin wax dambi ah lagu waayay kaddib dacwad hal maalin socotay, isla markaana ay xirnaayeen shan sano iyo bar iyada oo aan maxkamad la saarin.
Sii-dayntaasi, hasayeeshee, markiiba xorriyad buuxda uma noqon. Amnesty International waxay warbixinteedii 1989 ku sheegtay in Dr.
Maxamed iyo qaar kale oo la sii daayay lagu sii hayay xabsiguri. Ilaha qoyskiisuna waxay 1989 ku xusaan sannadkii uu ugu dambayn xorriyaddiisa dib u helay, dabadeedna u guuray Talyaaniga.
Noloshiisi Talyaaniga Dr. Maxamed Talyaaniga wuxuu u guuray ka hor burburkii dawladdii Soomaaliyeed ee 1991.
Markii uu halkaas degay wuxuu dib u anbaqaaday xirfaddiisii caafimaad, isaga oo dhinaca kale sii waday qoraalka, siyaasadda iyo hawlaha bulshada. Torino wuxuu xubin ka noqday Golaha Degaanka magaalada intii u dhexaysay 1997 iyo 2001.
Diiwaanka rasmiga ah ee magaalada Torino wuxuu magaciisa ku daraa xubnihii Golaha Degaanka, wuxuuna isla diiwaankaasi geeridiisa ku qorayaa 1dii Oktoobar 2010. Wuxuu, sidoo kale, madax ka noqday xarun daraasaadka Afrika ka shaqaysa, sannadihii danbana wuxuu ka shaqeeyay hawlo caafimaad iyo kuwo bulsho oo Soomaaliya ku wajahan.
Sidaas darteed, qurbuhu kama hor-istaagin xiriirkii aqooneed iyo dareenkii ummadeed ee Soomaaliya. Qoraalku wuxuu noqday qayb weyn oo dhaxalkiisa aqooneed ah.
Buuggiisa Arrivederci a Mogadiscio: Somalia, l’indipendenza smarrita , oo uu Pietro Petrucci la qoray, waxaa la daabacay 1994. Diiwaanka Bibliothèque nationale de France wuxuu xaqiijinayaa in buuggu ka kooban yahay 262 bog.
Buuggu wuxuu isku xirayaa sooyaal shakhsiyeed iyo taariikh ummadeed, yacnii, noloshii qoraaga ayaa marin looga dhigayaa in dib loogu jaleeco Soomaaliya, gobannimadii, dawladdhisiddii, xukunkii Kacaanka iyo qalalaasihii dabadeed. Sidaas darteed, waayihiisu keliya kama dhigna xusuus qofeed; waxayse qayb anuug ah ka noqonayaan xusuuswadareedda jiil Soomaaliyeed oo soo maray waayahaas.
Buuggiisii danbe, La Somalia non è un’isola dei Caraibi: Memorie di un pastore somalo in Italia , wuxuu soo baxay 2010. Labada buugba waxay dhaxalsiinayaan jiilasha ka dambeeya waayo-aragnimo uu qof ku dhex noolaa dhacdooyinkii waaweynaa ee taariikhda Soomaaliya.
Geeridiisii Alle ha u naxariistee, Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu 1dii Oktoobar 2010 ku geeriyooday Torino, Talyaaniga.
Diiwaanka rasmiga ah ee Golaha Deegaanka Torino ayaa taariikhdaas xusaya. Isla diiwaankaasi wuxuu dhalashadiisa u qorayaa 14kii Maarso 1935, halka ilo kale ay sannadka dhalashadiisa ku sheegaan 1936; sidaas darteed, kaladuwanaanshahaas waa in xogsugid iyo marag ahaan loo diiwaangeliyo, halkii midkood xaqiiqo aan muran lahayn looga dhigi lahaa.
Marka aan milicsanno noloshii Dr. Maxamed Aadan Sheekh waxay ahayd geeddisocod ka soo billowday ceelasha iyo geelasha miyiga, soo maray fasalladii Muqdisho, jaamacadihii Talyaaniga, qolka qalliinka, golaha wasiirrada, xarumaha aqoonta, xabsiga Labaatanjirow iyo ugu danbayn qurbaha.
Dhaxalkiisa laguma soo koobi karo xilalkii siyaasadeed ee uu qabtay. Waxa kale oo raadkiisa laga dheehan karaa kaalingalkiisii waxbarashada sare, caafimaadka, dhaqanka aqooneed, qoraalka iyo dhaxalsiinta taariikhda.
Qoraalladiisu waxay reebeen raad aqooneed; waaya-aragnimadiisuna waxay qayb ka noqotay xusuusta ummadeed ee Soomaaliya. Nolosha Dr.
Maxamed Aadan Sheekh, sidaas darteed, waxay isu tahay taariikhqofeed iyo raad bulsheed oo waa sooyaalka qof ay waayihiisa gaarka ahi dhex galeen waayihii waaweynaa ee ummaddiisa. In dib loo akhriyo qoraalladiisa, loo raadraaco hawlihiisa, loona sugo dhacdooyinkii noloshiisa waa qayb ka mid ah dhaxalsiinta aqooneed iyo dhaxalsiinta taariikheed ee jiilasha danbe.
Ilaha ka warramaya dhalashadiisa iskuma wada raacsana sannadka iyo goobta. Xusuusqorkiisa iyo qoraallo qoyskiisa laga soo xigtay waxay tilmaamayaan inuu sannadkii 1936 ku dhashay miyiga agagaarka Gaalkacyo, gobolka Mudug; halka diiwaanka Golaha Degaanka Torino uu dhalashadiisa ku qorayo 14kii Maarso 1935. Waxaase isku dhow ilaha ka warramaya in yaraantiisu ku soo martay bulsho xooladhaqato ah iyo waaqaca miyiga ee bartamaha dhulka Soomaaliyeed. Diiwaanka Torino, dhinaca kale, wuxuu geeridiisa si cad ugu qorayaa 1dii Oktoobar 2010. (Xigasho: Città di Torino )
Dr. Maxamed wuxuu ku dhex barbaaray bulsho geel iyo ari dhaqato ah.

Dr. Maxamed wuxuu ku dhex barbaaray bulsho geel iyo ari dhaqato ah. Sida uu xusuusqorkiisa kaga warramay, qoysku wuxuu ahaa reer hayaami jiray, noloshuna waxay ku wareegaysay xoolaha, daaqa, biyaha iyo geeddiga. Sidaas awgeed, waaya-aragnimadii ugu horraysay ee noloshiisu waxay ahayd mid si qoddo dheer ugu xirnayd dhaqankii miyiga iyo habnololeedkii xooladhaqatada.

Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa nolosha iyo waxqabadka Dr. Maxamed Aadan Sheekh, isagoo iftiiminaya asalkiisa, waxbarashadiisa, iyo ka qaybqaadashadiisa siyaasadeed ee Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu ku dhashay agagaarka Gaalkacyo, gobolka Mudug, sanadkii 1936, sida ay sheegayaan diiwaannada qoyskiisa.
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu geeriyooday 1dii Oktoobar 2010, sida ku xusan diiwaanka Magaalada Torino.
- Dr. Maxamed Aadan Sheekh wuxuu ku lug lahaa hawlo waxbarasho iyo siyaasadeed intii uu noolaa.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sannadka iyo goobta dhalashada Dr. Maxamed Aadan Sheekh.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay diiwaannada qoyskiisa iyo Magaalada Torino si uu u bixiyo faahfaahinta ku saabsan dhalashadiisa iyo dhimashadiisa.
- Lama helin jawaabo ka yimid dhinacyo kale oo ku saabsan dhaxalka ama waxqabadka Dr. Maxamed Aadan Sheekh.
Gunaanadka akhristaha
Nolosha Dr.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay doorka siyaasadeed ee gaarka ah ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh uu qabtay intii uu noolaa?
- Sidee ayay waxqabadka Dr. Maxamed Aadan Sheekh u saameeyeen bulshada Soomaaliyeed ee maanta?
- Ma jiraan wax qoraallo ah oo ka yimid asxaabtiisa ama dadka la noolaa oo ku saabsan saameyntiisa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu bixinayaa aragti ku saabsan nolosha qof muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, isagoo ka tarjumaya isbeddelada bulsheed iyo siyaasadeed ee dalka intii uu noolaa.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aadan · sheekh · maxamed