Stephen Miller oo la ogaaday inuu ka dambeeyey ololaha beegsiga Soomaalida
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiStephen Miller ayaa la sheegay inuu hay’adaha federaalka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota ku beegsadaan baaritaanno musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayMadaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii Miller u magacaabay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, maalmo kaddib guuldarradii Jamhuuriga ee doorashada xilliga dhexe.
- Waxa xigaMiller ayaa la filayaa inuu Isniinta xilka kala wareego Susie Wiles.
- Cidda ay saamaysayMaxkamad federaal ah ayaa bishii Febraayo hor istaagtay hakinta in ka badan $10 bilyan oo loogu talagalay xannaanada carruurta iyo kaalmada qoysaska ee shan gobol oo Minnesota ay ka mid tahay.
- Minnesota waxaa ku nool bulshada Soomaalida ugu badan ee Mareykanka, oo lagu qiyaaso 100,000 qof.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa suurtagalnimada in bulsho gaar ah la beegsado, taasoo keeni karta walaac ku saabsan takoorka iyo saamaynta xuquuqda madaniga ah.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee hay’adaha federaalka ka qaadi doonaan bulshada Soomaalida ee Minnesota?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Stephen Miller ayaa hay’adaha federaalka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota ku beegsadaan baaritaanno musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed.
- Tilmaamihii Miller ay gaareen ugu yaraan shan hay’adood oo federaal ah.
- Miller wuxuu sagaal jeer dalbaday xog ku saabsan khiyaano la xiriirta soo-galootiga, Minnesota iyo Soomaalida gobolkaas.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Madaxa cusub ee shaqaalaha Aqalka Cad (Chief of Staff), Stephen Miller ayaa hay’adaha federaalka Mareykanka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota ku beegsadaan baaritaanno musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed, sida uu ku warramay wargeyska The Washington Sun.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii Miller u magacaabay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, maalmo kaddib guuldarradii Jamhuuriga ee doorashada xilliga dhexe. Miller ayaa la filayaa inuu Isniinta xilka kala wareego Susie Wiles.
Minnesota waxaa ku nool bulshada Soomaalida ugu badan ee Mareykanka, oo lagu qiyaaso 100,000 qof. Badankood waa muwaadiniin Mareykan ah, qaar dalka ku dhashay iyo qaar markii dambe qaatay dhalashada.
The Washington Sun ayaa helay cod laga duubay wicitaan dhex maray Miller iyo saraakiil ka tirsan maamulka bishii Diseembar 2025. Qiyaastii 10 daqiiqo gudahood, Miller wuxuu sagaal jeer dalbaday xog ku saabsan khiyaano la xiriirta soo-galootiga, Minnesota iyo Soomaalida gobolkaas.
Markii sarkaal uu soo qaaday baaritaan khiyaano oo laga waday gobolka Virginia, Miller wuxuu ku jawaabay, “Waan ku fahmay, laakiin taasi Minneapolis aad bay uga fog tahay,” isaga oo ula jeeda in beegsigiisa yahay Soomaalida.
Wargeysku wuxuu sheegay in tilmaamihii Miller ay gaareen ugu yaraan shan hay’adood oo federaal ah. Laba sarkaal oo maamulka ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in mas’uuliyiin doonayay in khiyaanada si ballaaran loo baaro ay ka xumaadeen diiradda uu Miller saaray hal bulsho.
Afhayeenka Aqalka Cad Lauren Bis ayaa The Washington Sun u sheegtay in maamulka Trump uu dalka oo dhan ka wado olole lagula dagaallamayo lunsiga lacagta canshuur-bixiyeyaasha.
Kiisaska khiyaanada
Bishii May, maxkamad federaal ah ayaa Aimee Bock, aasaasihii hay’adda Feeding Our Future, ku xukuntay 41 sano iyo siddeed bilood oo xabsi ah. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inay hoggaamisay qorshe lagu lunsaday qiyaastii $250 milyan oo loogu talagalay quudinta carruurta xilligii Covid-19.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa 30-kii Oktoobar soo bandhigtay kiisaska 13 qof oo muddadii bisha ka horreysay qaarkood lagu soo oogay dacwado, qaar dambi lagu helay, qaarna la xukumay. Dacwadaha cusub waxaa lagu sheegay khiyaano lagu qiyaasay $29.1 milyan.
Saraakiil federaal ah ayaa ka saarista qaar ka mid ah adeeg-bixiyeyaasha liiska Medicaid u soo qaatay daliil u ah khiyaano baahsan. Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota ayaa 2-dii Nofeembar ka hortimid qiimeyntaas, iyadoo sheegtay in adeeg-bixiye liiska looga saari karo dukumenti maqan ama codsi aan dhammaystirnayn awgiis.
Xawaaladaha iyo adeegyada
Sida uu sheegay The Washington Sun, Miller ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku cadaadiyay inay baarto warbixinnada bankiyada Minnesota si loo ogaado in lacag lagu helay khiyaano dibadda loo diray.
Bishii Agoosto, wasaaraddu waxay cusboonaysiisay amar bankiyada iyo shirkadaha xawaaladaha ee Hennepin iyo Ramsey ka dalbanaya xog dheeri ah oo ku saabsan lacagaha dibadda loo diro ee gaaraya $3,000 ama ka badan. Labadaas degmo waxaa ku kala yaalla Minneapolis iyo St. Paul. Qaar ka mid ah macaamillada bangiyada ayaa amarka laga reebay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in amarku fududeynayo raadraaca lacagaha khiyaanada lagu helay. Ganacsato Soomaali ah ayaa wargeyska u sheegay inay ka walaacsan yihiin in amarku adkeeyo dirista lacagaha ay qoysasku u diraan ehelkooda dibadda.
Maamulka federaalka ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqay inuu dib u dhigayo bixinta $259 milyan oo ka mid ah maalgelinta Medicaid, oo caymis caafimaad siiya dadka dakhligoodu hooseeyo iyo dadka kale ee u qalma.
Bishii Luulyo, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha waxay sheegtay inay dib u dhigayso bixinta $199 milyan inta la hubinayo dukumentiyada 14 nooc oo adeeg ah.
Minnesota waxay sheegtay in hay’adda federaalka ee maamusha Medicaid ay bishii Maarso ansixisay qorshaheeda wax ka qabashada khiyaanada, 30-kii Oktoobarna ay xaqiijisay in gobolku fuliyey tallaabooyinkii laga sugayey ilaa waqtigaas.
Maxkamad federaal ah ayaa bishii Febraayo hor istaagtay hakinta in ka badan $10 bilyan oo loogu talagalay xannaanada carruurta iyo kaalmada qoysaska ee shan gobol oo Minnesota ay ka mid tahay.
Saamaynta bulshada
Maamulka Trump wuxuu kiisaska khiyaanada ku daray sababaha uu u cuskaday hawlgalkii socdaalka ee Minnesota. Intii hawlgalkaasi socday, saraakiil federaal ah ayaa bishii Janaayo dilay laba muwaadin oo Mareykan ah, Renée Good iyo Alex Pretti. Aqalka Cad ayaa yareeyey tirada saraakiisha gobolka la geeyey kaddib dhaleeceyntii ka dhalatay dilalka.
Sida uu sheegay The Washington Sun, masaajidyo iyo xarumo carruurta lagu xannaaneeyo oo ku yaalla Minneapolis ayaa kordhiyey ilaalada xilli ay Soomaalidu la kulmaysay cadaawad.
Gregory Bovino, oo hore uga tirsanaa madaxda ilaalada xuduudaha Mareykanka, ayaa wargeyska u sheegay in sida uu qabo loo baahan yahay musaafurin ballaaran si wax looga qabto khiyaanada.
Linda Miller, oo madax ka ah hay’adda Program Integrity Alliance, muddo toban sano ahna ka soo shaqeysay Xafiiska Isla-xisaabtanka Dowladda Mareykanka, ayaa wargeyska u sheegtay in khiyaanadu tahay “dhibaato aad uga ballaaran, oo nidaamka ku baahsan.” Waxay ka biyo diidday in khiyaanada lagu xiro socdaalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Stephen Miller ayaa la sheegay inuu hay’adaha federaalka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota ku beegsadaan baaritaanno musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Stephen Miller ayaa hay’adaha federaalka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota ku beegsadaan baaritaanno musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed.
- Tilmaamihii Miller ay gaareen ugu yaraan shan hay’adood oo federaal ah.
- Miller wuxuu sagaal jeer dalbaday xog ku saabsan khiyaano la xiriirta soo-galootiga, Minnesota iyo Soomaalida gobolkaas.
- Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota ayaa ka hortimid qiimeyntaas, iyadoo sheegtay in adeeg-bixiye liiska looga saari karo dukumenti maqan ama codsi aan dhammaystirnayn awgiis.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sheegashooyinka The Washington Sun iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Stephen Miller ama Aqalka Cad oo ku saabsan eedeymahan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan natiijooyinka baaritaannada la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Tallaabooyinka Stephen Miller waxay si weyn u saameyn karaan bulshada Soomaalida ee Minnesota iyada oo la kordhinayo kormeerka iyo caqabadaha sharciga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee hay’adaha federaalka ka qaadi doonaan bulshada Soomaalida ee Minnesota?
- Sidee ayey baaritaannadan u saameyn doonaan bulshada Soomaalida ee Minnesota?
- Maxay tahay jawaabta bulshada Soomaalida ama ururada difaaca xuquuqda ee ku saabsan tallaabooyinkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa suurtagalnimada in bulsho gaar ah la beegsado, taasoo keeni karta walaac ku saabsan takoorka iyo saamaynta xuquuqda madaniga ah.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · stephen · soomaalida · miller