Toddoba koox oo Itoobiya uga dhowaaqay isbaheysi weyn oo xukunka looga tuurayo Abiy
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiToddoba koox oo Itoobiya ku yaal ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ujeedkiisu yahay in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, laguna beddelo maamul ku-meel-gaar ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Isbahaysiga cusub, oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, ayaa waxaa ku mideysan dhaqdhaqaaqyo ka kala socda gobollo dhowr ah oo Itoobiya ka tirsan, kuwaas oo qaarkood horey iskaga soo horjeeday dagaalladii dalka ka dhacay sannadihii u dambeeyay.
- Kooxaha xubnaha ka ah waxaa ka mid ah Amhara Fano National Movement, Oromo Liberation Army (OLA), Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF), Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Benishangul Peoples’ Liberation Movement iyo Gumuz Peoples’ Democratic Movement.
- Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay isku raaceen inay mideeyaan awooddooda siyaasadeed iyo abaabulkooda, iyagoo dowladda Abiy ku eedeeyay kali-talisnimo, colaado daba-dheeraaday iyo xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
- “Waxaan, xoogagga shacabka ee ka walaacsan badbaadada shucuubta Itoobiya, qaadeynaa mas’uuliyadda taariikhiga ah ee ah in nidaamkan la rido,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee isbahaysigu qaadi doono si uu u gaaro yoolkiisa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Toddoba urur oo isugu jira mucaarad siyaasadeed iyo kooxo hubeysan ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ujeedkiisu yahay in xilka laga tuuro xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
- Isbahaysiga cusub, oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, ayaa waxaa ku mideysan dhaqdhaqaaqyo ka kala socda gobollo dhowr ah oo Itoobiya ka tirsan.
- Isbahaysigu wuxuu dowladda Abiy ku eedeeyay kali-talisnimo, colaado daba-dheeraaday iyo xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online — Toddoba urur oo isugu jira mucaarad siyaasadeed iyo kooxo hubeysan oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ay sheegeen inuu ujeedkiisu yahay in xilka laga tuuro xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, laguna beddelo maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.
Isbahaysiga cusub, oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, ayaa waxaa ku mideysan dhaqdhaqaaqyo ka kala socda gobollo dhowr ah oo Itoobiya ka tirsan, kuwaas oo qaarkood horey iskaga soo horjeeday dagaalladii dalka ka dhacay sannadihii u dambeeyay.
Kooxaha xubnaha ka ah waxaa ka mid ah Amhara Fano National Movement, Oromo Liberation Army (OLA), Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF), Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Benishangul Peoples’ Liberation Movement iyo Gumuz Peoples’ Democratic Movement.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay isku raaceen inay mideeyaan awooddooda siyaasadeed iyo abaabulkooda, iyagoo dowladda Abiy ku eedeeyay kali-talisnimo, colaado daba-dheeraaday iyo xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
“Waxaan, xoogagga shacabka ee ka walaacsan badbaadada shucuubta Itoobiya, qaadeynaa mas’uuliyadda taariikhiga ah ee ah in nidaamkan la rido,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in haddii dowladda hadda jirta meesha laga saaro, la dhisi doono dowlad ku-meel-gaar ah oo ku shaqeysa axdi cusub, laguna bilaabo wada-hadal dastuuri ah oo loo dhan yahay.
Si kastaba, bayaanka laguma faahfaahin cidda hoggaamineysa isbahaysiga, qaabka taliska milatari ama sida kooxaha xubnaha ka ah ay isugu dubbaridi doonaan howlgaladooda.
Khilaafaad hore oo weli taagan
Waxyaabaha isbahaysigan ka dhigaya mid si gaar ah isha loogu hayo waxaa ka mid ah taariikhda colaadeed ee u dhexeysa xubnihiisa.
TPLF waxay dagaal adag la gashay dowladda federaalka intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, halka xoogagga Amxaarada, oo Fano ay ka mid yihiin, ay markaas la dhinac ahaayeen ciidamada dowladda. OLA-na waxay xilligaas xiriir la lahayd dhinaca Tigrayga ee ka soo horjeeday Addis Ababa.
Dagaalkii Tigray wuxuu si rasmi ah ugu dhammaaday heshiiskii Pretoria ee November 2022, laakiin xiriirka Addis Ababa iyo TPLF ayaa mar kale xumaaday, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in colaado cusub ay ka qarxaan waqooyiga Itoobiya.
Dhanka kale, dowladda federaalka iyo Fano ayaa dagaallamaya tan iyo 2023, kadib muran ka dhashay qorshe lagu mideynayay ciidamada gaarka ah ee gobollada iyo hay’adaha amniga federaalka. OLA-na waxay weli dagaal kula jirtaa ciidamada dowladda gudaha Oromia.
Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegaya in TPLF, Fano, OLA iyo ONLF ay ka wada-hadlayeen iskaashi ka dhan ah Abiy Ahmed, inkastoo khilaafaad dhuleed iyo aragtiyo siyaasadeed oo aad u kala duwan ay caqabad ku noqon karaan iskaashi waara.
OLA ayaa 17-kii September sheegtay in iskaashiga ka dhexeeya kooxaha mucaaradka uusan weli ka dhigneyn heshiis laga gaaray arrimaha waaweyn sida federaalka, is-maamulka iyo mustaqbalka qaab-dhismeedka Itoobiya.
Isbahaysiga cusub ayaa lagu dhawaaqay saddex bilood kadib doorashadii guud ee Itoobiya, taasoo xisbiga Prosperity Party ee Abiy Ahmed uu ku helay 438 kursi oo baarlamaanka ah, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada.
Doorashadaas kama dhicin dhammaan dalka. Gobolka Tigray wax codbixin ah kama dhicin, halka amni-darro ay carqaladeysay codbixinta qeybo ka mid ah Amhara iyo Oromia.
Abiy Ahmed wuxuu talada Itoobiya hayaa tan iyo 2018, wuxuuna sanadkii 2019 sameeyay xisbiga Prosperity Party kadib markii la kala diray isbahaysigii EPRDF ee muddo ku dhow 30 sano dalka maamulayay.
Isbahaysiga cusub wuxuu abuurayaa saf mucaarad oo ka ballaaran kuwii hore, laakiin weli waxaa taagan su’aal ku saabsan sida kooxo leh taariikh colaadeed, muranno dhuleed iyo hadafyo siyaasadeed oo kala duwan ay hal mowqif ugu sii jiri karaan ka soo horjeedka dowladda Abiy Ahmed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Toddoba koox oo Itoobiya ku yaal ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ujeedkiisu yahay in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, laguna beddelo maamul ku-meel-gaar ah.
Qodobada muhiimka ah
- Toddoba urur oo isugu jira mucaarad siyaasadeed iyo kooxo hubeysan ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ujeedkiisu yahay in xilka laga tuuro xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
- Isbahaysiga cusub, oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, ayaa waxaa ku mideysan dhaqdhaqaaqyo ka kala socda gobollo dhowr ah oo Itoobiya ka tirsan.
- Isbahaysigu wuxuu dowladda Abiy ku eedeeyay kali-talisnimo, colaado daba-dheeraaday iyo xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
- Isbahaysigu wuxuu sheegay in haddii dowladda hadda jirta meesha laga saaro, la dhisi doono dowlad ku-meel-gaar ah oo ku shaqeysa axdi cusub.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma caddeynayo cidda hoggaamineysa isbahaysiga cusub.
- Ma jiraan faahfaahin ku saabsan sida kooxaha xubnaha ka ah ay isugu dubbaridi doonaan howlgaladooda.
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan eedeymahan.
Gunaanadka akhristaha
Samaynta isbahaysigan waxay muujin kartaa isbeddel ku yimaada xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya, taasoo keeni karta xiisado kordhay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee isbahaysigu qaadi doono si uu u gaaro yoolkiisa?
- Sidee bay taariikhda colaadeed ee u dhexeysa xubnaha isbahaysiga u saameyn doontaa iskaashigooda?
- Waa maxay xaaladda hadda jirta ee dowladda Itoobiya ee ku aaddan dhawaaqan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · toddoba · abiy · weyn
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada