Trump oo mar kale weerar ku qaaday bulshada Soomaalida
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii, isagoo ku celceliyay sheegashooyin been-abuur ah iyo hadallo kicin ah oo ku saabsan bulshada Minnesota, xilli maamulkiisu uu sii wado olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka. Trump ayaa muhaajiriinta Soomaaliyeed

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii, isagoo ku celceliyay sheegashooyin been-abuur ah iyo hadallo kicin ah oo ku saabsan bulshada Minnesota, xilli maamulkiisu uu sii wado olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka.
Trump ayaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “tuugo”, wuxuuna si gaar ah u xusay Ilhan Omar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto Minnesota, asalkeeduna Soomaali yahay, sida ay sheegtay NBC News.
“Soomaalida, waxa ay ku sameeyeen Minnesota, Soomaalida, waa tuugo aad u xun. Ilhan Omar waa tuug aad u xun,” ayuu yiri Trump. “Dhammaantood waa tuugo, waana qabanay, waana qabanay. Hadda waxaan saaraynaa cadaadis xooggan,” ayuu yiri Trump, isagoo sii laba-jibbaaray weerarradiisa intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii.
Ma cadda waxa uu ku eedeynayay Ilhan Omar. Af-hayeen u hadlay Omar ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka falceliyo eedeymaha Trump.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan